Xildhibaan Fowsiya Yuusuf "4.5 waa waxa Aduunka inaga reebay"

0
Sunday February 14, 2016 - 16:40:29 in Wararka by
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Fowsiya Yuusuf "4.5 waa waxa Aduunka inaga reebay"

    Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo ka mid ah Baarlamaanka Somaliya, ayaa sheegtay Hanaanka 4.5 oo Xildhibaanada hadda jooga lagu soo xulay inuu yahay mid dib u dhac weyn dalka ku keenay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo ka mid ah Baarlamaanka Somaliya, ayaa sheegtay Hanaanka 4.5 oo Xildhibaanada hadda jooga lagu soo xulay inuu yahay mid dib u dhac weyn dalka ku keenay.

Fowsiya Yuusuf Xaaji, ayaa sheegtay marka la eego nidaamka Axsaabta Siyaasada dalka iyo Nidaamka 4.5 inay yihiin labo kala duwan oo aanan isku dhaweyn marka loo eego midka danta ay ugu jirto Umadda Somaliyed.

"Iminka ka soo qaad waxaan Baarlamaanka ku joognaa 4.5, lagu qeybiyay qabiil oo dib u dhac ahayd, haddana qabaa’illo dhan oo laga tagay ayaa jira oo cabanaya oo leh miyaanan Somali ahayn maxaa nalooga tagay, Axsaabtu waxaas oo dhan wey ka duwan yihiin.” Ayeey tiri Xildhibaan Fowsiya.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegtay in Baarlamaanada Aduunka ka jira aysan jirin Xildhibaan lagu soo xulay 4.5, balse ay ka yimaadaan intooda badan deegaan ama Axsaab Siyaasadeed.

"Waa muhiim waana rajo cusub oo dadka hadda soo gashay , waa in dhalinyarada loo diyaariyaa mustaqbal xalaal ah oo fiican oo ay horumarka caalamka kaga qeyb gali karaan, caalamka ma jirto meel Baarlamaanada qabiil lagu keeno, Dalalka dariska ah oo dhan eeg kama arkeysid Baarlamaan qabiil lagu soo xulay, haddana dadku qabiil waa wada leeyahay, qabiilku waa waxa adduunka inaga reebay Axsaabtuna waxay bedel fiican u tahay nidaamkaa dib u dhaca inoo keenay.” Ayeey raacisay Hadalkeeda Xildhibaan Fowsiya.

Ugu dambeyn Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, waxa ay tilmaamtay Axsaabta Siyaasada dalka ee dhawaan Golaha Wasiirada ay Ansixiyeen Sharcigooda inuu yahay mid dalka u keenayo Xasilooni Siyaasaded.

"Axsaabtu waxay keenaan xasillooni siyaasadeed, qabiil xasillooni laguma gaaro, qabiilkana waa lagu tartamaa , dadka Soomaaliduna waa dad isla weyn nin walbaaba waxa aanuu ogolaaneyn in qabiilkiisa laga sarreeyo, dagaal iyo buuq bay keentay 4.5”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip