WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AXAD 14-KA FEBARAAYO 2016-KA

0
Sunday February 14, 2016 - 16:31:30 in Wararka by
  • Visits: 868
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AXAD 14-KA FEBARAAYO 2016-KA

    MADAXWEYNAHA IYO WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SOMALIA OO KA QAYBGALAYA SHIRWEYNAHA MUNICH Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisalaan Had liye Cumar ayaa ka Qaybgalay Shirka looga Hadlayo Ammaanka iyo Xasaradaha Duni

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA IYO WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SOMALIA OO KA QAYBGALAYA SHIRWEYNAHA MUNICH Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisalaan Had liye Cumar ayaa ka Qaybgalay Shirka looga Hadlayo Ammaanka iyo Xasaradaha Dunida ee ka socda magaalada Munich ee dalka Jarmalka.

 

Shirkan oo ah kii 52aad ee la qabto ayaa waxaa ka qaybgalaya 30 Hogaamiye oo Dunida Dac alladeeda ka socda iyo 70 Wasiirro Arrimo Dibadbadeed, waxaana inta shirku u socdo lagu lafa gura yaa colaadaha ka jira Waddamada Caalamka Qaarkood.

Qodobbada Muhiimka ah ee Shirkaan looga hadlayo waxaa ka mid ah Xasilloonida dalalka ka Hooseeya Saxaaraha Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya, Qoxootiga ku qulqulaya Yurub, Daga alka dalka Suuriya iyo weliba Ammaanka Yurub.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu shirkan ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo Horumarka dhanka Amniga ah ee Somalia ay ku Tallaabsatay iyo Weliba Amniga Guud ee Waddamada Geeska Afrika.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia ayaa waxaa Shirkaan ku Wehlinaya Xubno ka tirsan golayaasha Xukuumadda Somalia, kuwaasoo uu ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Som alia, C/salaam Hadliye.

Ugu dambeyn, Waxaa inta uu shirkaan socdo lagu barbar qaban doonaa shir kale oo looga Xaajoonayo Waddamada ay Colaaduhu ka jiraan iyo weliba horumarrada illaa hadda ay ku talla absadeen.

ALSHABAAB OO SI RASMI AH U SHEEGATAY MAS’UULIYADDA QARAXII DIYAARADDA DAALLO

Xarakada Al-Shabaab ayaa war ay soo saaratay waxay si rasmi ah u sheegatay mas’u uliyada qaraxii Diyaaraddii Daallo Airline ee 2-dii bishan Febraayo.

War qoraal ah oo ku qornaa Afka Ingiriiska ayay AlShabaab ku sheegtay inay weerarkaas ku bartilmaameedsaneysay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Mareykanka iyo kuwa Turkiga.

"Mujaahidiinta waxay qaadeen howl gal ay ku bartilmaameedsanayeen sirdoonka reer gal beedka iyo saraakiil Turkish ah ee ka tirsan Ciidanka NATO, diyaarad ay la socdeen oo ku sii jeeday Jabuuti”ayaa lagu yiri qoraal ku qornaa afka Ingiriiska.

AlShabaab ayaa sheegtay in weerarkaas uu qeyb ka ahaa weerarada ay ku bartilma ame edsaneyso Sirdoonka reer Galbeedka iyo kuwa dowladda sida lagu yiri qoraalka ka soo bax ay AlShabaab,

Sidoo kale AlShabaab ayaa qoraalkeeda ku xustay in weerar duqeyn ah ku qaaday dha maadkii bishii December ee sanadkii hore Xerada Xalane, oo xarun u ah Ciidamada AMISOM, halkaasoo ay sheegeen inay saldhig ku leeyihiin Sirdoonada Mareykanka ee CIA, MIB iyo Mos sad, ayna ku dileen 17 ruux oo labo ka mid ah ay yihiin Cadaan.

Warka ka soo baxay AlShabaab ayaa waxaa kaloo lagu soo hadal qaaday weerarkii bishii May ee sanadkii 2014 lagu qaaday Maqaayad ku taal Jabuuti.

Hadalkan ka soo baxay Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaya, iyadoo aanay dowladda Fed eraalka cidna u saarin weerarkii Diyaaraddi Daallo, inkastoo ilo laga soo xigtay Saraakiil Marey kan ah ay weerarkaas la xiriiriyeen Al-Shabaab.

DOORASHADA TODOBAADKAN KA DHACAYSA UGANDA OO LAGA BAQAYO IN RABSHADO AY HAREEYAAN

Iyadoo lagu wado in toddobaadkan ay ka dhaco dalka Uganda doorashada madaxnimo, ay aa waxaa laga baqdin qabaa in ay rabshado iyo colaado hareeyaan doorashada la filayo inay ka dhacdo Uganda.

Waxaa shaki badan laga qaaday markii laga soo xigtay Taliyaha Booliiska Ddalka Uganda, Kale Kayihura ay wargeysyada dalka Uganda kasoo xigteen in xubnaha mucaaradka ah ay doo nayaan inay colaad abuuraan inta doorashadu socoto.

Sidoo kale, cabsida ayaa waxaa sii xoojiyay markii Idaacadaha Uganda ayaa sii daayay war laga soo xigtay Xoghayaha Guud ee xisbiga NRM haya hoggaanka Dalka Uganda, Kasule Lumumba oo ku Hanjabay in la dilay Shacabka haddii ay dabaaldagyo sameeyaan inta ka horr eysa natiijada doorashada.

Hadalka labadan mas’uul ee Kayihura iyo Lumumba ay hanjabaadda jeediyeen ayaa wax ay tani xoojisay baqdinta ay shacabku ka qaadeen, inkastoo Mas'uuliyiinta ay sheegeen in loo turjumay hadalkooda si ka duwan sidii ay u yiraahdeen.

Madaxa barnaamijyada hay’adaha xuquuqda aadanaha ee dalka Uganda, Patrick Tumwine ayaa sheegay inay hadaladan yihiin kuwo cabsi lagu gelinayo shacabka ku nool Uganda.

"Guddiga doorashooyinka Uganda haddii aysan hadalladan jawaab ka bixin, Taasi waxay u Muuqanaysaa in la Caburinayo Xubnaha Mucaaradka ee doonaya in ay u Tartamaan Xilka madaxnimo ee Uganda, Waayo Xoghayaha guud ee xisbiga NRM ee talada haya hadalkiisa waa mid khatartiisa leh, wuxuu ku yiri Shacabka waandilaynaa, Taasina waa Hanjabaad,” ayuu yiri Patrick Tumwine.

Dhanka kale, Saraakiisha booliiska Uganda ayaa waxay ku andacoonayaan inay si khaldan saxaafaddu u turjuntay hadalladooda u tabisay warbaahinta, iyagoo sheegay in tani ay qayb ka tahay qorshayaal la doonayo in dalka lagu geliyo colaado.

"Runtii inagu cid walba waan la kulananay waxaan kala hadalnay in doorashadu ay noqoto mid si Ammaanka ah ku dhacda, Howsheenuna waa inaan Ammaanka adkeyno,” ayuu yiri af hayeenka booliiska Uganda Fred Enanga oo warbaahinta la hadlay.

Maalinta Khamiista ah ee soo socota aya lagu wadaa in doorashada madaxnimo ee Uga nda ay dhacdo, iyadoo ay ku tartamayaan Siddeed murashax oo uu ku jiro madaxweynaha xilka Uganda haya, Yoweri Museveni oo uu Loollan adag kala dhexeeyo Laba Murashaxiinta ku Tar tamaya magaca Mucaaradka.

Ugu dambeyn, Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha Maxalliga ah iyo kuwa Caalamiga ah ayaa Waxay ugu baaqeen Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni inay ilaaliyaan Xuquuqda Aada naha inta doorashadu socoto, lagana fogaado wax walba oo rabshado & colaad abuuri kara.

QARAX CIIDAMADA AMISOM LAGULA EEGTAY MAGAALADA KISMAAYO

Qarax Khasaaro sababay ayaa Ciidamada AMISOM waxaa lagula eegtay Magaalada Kism aayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in qaraxa uu geystay khasaaro ay kala kul meen Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah Kolonyo Ciidamada AMISOM ay wateen uu ku basbeelay qaraxa.

Sidoo kale Goob Joogayaasha aya sheegay in indhahoodu ay qabanayeen tiro Askar ah oo laga qaadayo goobta kuwaas oo qaraxa wax ku noqday.Ma cadda xaddiga kha saaraha ka dashay qaraxaasi xaddiga uu gaarsiisanyahay hayeeshee wixii ku soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa haddii allaha.xigashoShabellenews.com

DUQA MUQDISHO "QORSHAYAAL WAX LOOGA QABANAYO AMNIGA AYAA WADNAA”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ku dhawaaqay qorshayaal wax looga qabanayo ammaanka Caasimadda, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay magaalada ka dhacayeen qaraxyo iyo dilal.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Muqdisho ay dib u soo kabaneyso, isagoo xusay inay bila abeen qorshe dib u dhis loogu sameynayo, kaasoo uu ugu magac daray dalkaaga dhiso oo qof kasta uu bixinayo $1 (Hal Doolar).

"Amniga wal wal badan ayuu nagu hayaa, waxaa aaminsahaya in magaalada Muqdisho ay ka mid tahay Caasimadda labaad ee soo kabsanaya, waxyaabaha qaar ee dhacayana waxaa kala simanay Adduunka oo wax noo gaar ah ma ahan”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Bana adir oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA.

Mr Jimcaale ayaa sheegay inay qaadeen xeyndaabkii u dhaxeeyay Hey’addaha ammaan ka iyo Gobolka Banaadir, isla markaana ay rajeynayaan in shacabka iyo maamulka oo isku duu ban inay amniga ka wada shaqeeyaan.

"Hey’addihii Amniga iyo Gobolka Banaadir xeyndaabkii u dhaxeeyay waa qaadnay, shac abkii, Maamulka iyo laamaha amniga waa wada shaqeyn doonaan, waxaana bilownay kulamo arrantaas ku saabsan, waxaa isugu keenay hey’adihii amniga, sida booliska, guddoomiyeyaashi degmooyinka iyo nabadsugida, waxaa rajeyneynaa in wax laga qabto amniga, shacabkana uu kaalintiisa qaado, Hey’adaha amnigana si hufan oo xalaal ah u shaqeeyaan, anagana aan is garab taagno, amniga in wax laga qaban karo ayaa aaminsahay”ayuu yiri Guddoomiyaha Gob olka Banaadir .

Magaalada Muqdisho oo xarun ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa marka la eego Mas’uuliyada guud ee ammaanka caasimada waxaa leh Madaxda ugu sareysa dalka iyo Mas’uuliyiinta ugu sareysa dhanka Ammaanka.

SIILAANYO OO MAGACAABAY GUDDI SARE OO CAAWIYA DADKA IYO DUUNYADA AY ABAARUHU SAAMEEYEEN

Madaxweyne, Axmed Siilaanyo ayaa Shalay, Guddi Heer Qaran ah u Magacaabay Taak uleynta Dadka iyo Duunyada ay Saameeyeen Abaaraha Somaliland ka jira.

Guddidan waxa gudoomiye looga dhigay madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Saylici,waxaanay xubnahani ka koobanyihiinganacsato iyo culimo, kuwaas oo loo xilsaaray taakuleynta iyo gaar gaar u fidinta dad iyo duunbaa ee ku dhaqan dadka abaaruhu ku dhufteen.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo wuxuu wareegto Madaxweyne oo ay Sumadeedu tahay:JSL/M/MG/0833825/022016ku Magacaabay Gudi heer qaran ah oo u Xilsaaran abaaraha dalka ka jira, Guddigaas oo uu Gudoomiye u noqon doona Madaxweyne ku xigeenka Somaliland,” ayaa lagu xusay Warsaxaafadeed Xafiiska Madaxw eynaha kazoo baxay oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr.

Waxaanu qoraalkaasi lagu shaacinayey ujeedadda Guddigan Heerka Qaran ah ee Aba araha lagu yidhi. "Sida aad la socotaan, Waxaa dalka ka jira abaaro ba’an oo waxyeelo u gays tay xoolihii, daaqii iyo dadkiiba. Sidaas darteed, waxa daruuri ah in gurmad Bani’aadanimo oo degdeg ah la gaadhsiiyo Bulshada Somaliland ee ay abaaruhu sameeyeen.

Haddaba, waxaan idiin magacaabay inaad noqotaan Guddida u xilsaaran iskudubarididda qaaraan ururinta dadweynaha iyo qorshaynta kaalmada la gaarsiinayo dadkaas tabaalaysan, waxaana gudoomiye idiin noqonaya; Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyada Somaliland. Waxaan idinka rajaynayaa in aad hawshaas xil mug leh iska saari doontaan.”

XUBNAHA GUDIDA MADAXWEYNUHU MAGACAABAY WAXA KA MID AH:

1. Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)

2. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta Mudane Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed

3. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadd Marwo Samsam Cabdi Aadan

4. Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Dr. Muuse Qaasim Cumar

5. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami

6. Xoghayaha Golaha Wasiirrada, Mudane Sharmarke Axmed Muxumed

7. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Muddane Maxamed Shukri Jaamac

8. Mudane, Farxaan Liibaan Axmed,Mudane, Maxamed Cali Maxamed

9. Mudane, Cabdiraxmaan Faarax Xarbi

10. Mudane, Cabdiwahaab Maax Maxamed

11. Mudane, Cabdiraxmaan Cali Cabdi

12. Sheekh,Ciise Maxamuud Cabdillaahi

13. Sheekh, Cawil Faatax Shire

14. Sheekh, Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Sheekh Cabdi

15. Sheekh, Maxamed Aadan Muxumed

17. Sheekh, Xasan Cabdisalaan Sheekh Cali

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Somalilnad ayaa sheegtay in Abaartani Saamaysay hal Milyan oo qof, Waxaana dad iyo duunyaba ku tabaalaysan yihiin deegaanadii ay abaartu ka dhac day, kuwaas oo u baahan gurmar deg deg ah.

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA SH/DHEXE OO GAARAY DEEGAANKA BIYOCADDE..

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen, xubno ka tirsan maamulkiisa iyo saraakiil ciidan ayaa shalay gaaray deegaanka Biyo Cadde ee ka tirsan deg mada Mahadaay, halkaasoo maalmo ka hor ay la wareegeen ciidanka dowladda iyo kuwa AMIS OM.

Safarka Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku saabsanaa u kuur galka xaal adaha guud ee deegaanka, waxaana uu la kulmay Odayaasha deegaanka, isagoo kala hadlay sidii ammaanka looga shaqeyn lahaa, isla markaana adeegyadii bulshada loo soo celin lahaa.

Guddoomiye Guudlaawe ayaa sheegay in dadka deegaanka Biyo Cadde iyo deegaanada kale ay u bilaabatay nolol cusub, waxaana uu balan qaaday inay ka hirgelin doonaan deega anka xarumihii waxbarashada iyo caafimaadka oo aan deegaanka heysan.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanada la isku yiraahda afarta tuulo wixii hada ka dambeeya laga dul qaadi doono culeyska, isagoo xusay in dadka ay hoosharsan doonaan dowladnimada sida uu yiri.

"Waxaa ku suganahay deegaanka Biyo Cadde oo ciidamada iyo AMISOM, iyagoo is ka ashanaya ay ka xoreeyeen Nabadiidka, deegaanka waxaa la qabtay, iyadoo aanay wax dhiba ato ah dhicin, waxaa ka shaqeyn doonaa inaan wax ka qabanay sidii adeega guud wax looga qaban lahaa, waxbarashadii iyo caafimaadka”ayuu yiri Guddoomiye Cali Guudlaawe.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in deegaanada kale ee gobolka laga saari doono AlShabaab, isagoo intaa ku daray in maamulka gobolka uu ku dadaali doono sidii deegaanada la xoreeyay amnigooda loo xaqiijin lahaa.

Deegaanka Biyo Cadde ayaa waqooyi bari ka xigta magaalada Jowhar illaa 40KM, waxaa deegaankaas uu caan ku yahay Ganacsiga maalinta Jimcaha, waxaana uu xudun u yahay dhamaan deegaanada la isku yiraahdo Afarta Tuulo.

DANJIREFRANCISCO MADEIRA: WAA IN SOMAALIYALOO DHISO CIIDAN AWOOD LEH OO AMNIGA HANTA

Ergayga Ururka Midowga Afrika ee Somalia, Danjire Francisco Madeira ayaa ku baaqay in ciidan awood leh oo amniga hanta loo dhiso Somalia, isagoo Dowladda Federaalka, Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidanka AMISOM ugu baaqay inay kaalin ka qaataan dhismaha Ciidamada Qaranka Soomaaliya.

Danjire Francisco Madeira ayaa sidoo kale ku baaqay Ciidamada DF Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay yeeshaan iskaashi Wadashaqeyneed oo buuxa si looga Gudbaan Caqabadaha ku horgudban dib u soo celinta nabadda iyo xaasilloonida guud ee Soomaaliya.

Hadalkaan, ayuu Wakiilku ka jeediyay kulan uu Toddobaadkii hore Muqdisho kula Qaatay Taliyeyaasha Qaybaha Hawlgalka Ciidamada AMISOM ee Somalia, kaasoo looga dooday Amm aanka Soomaaliya, ayna Goobjoogayaal ka ahaayeen Saraakiisha ciidamada Somalia iyo kuwa hay’ adaha Amniga dalka."Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed way ogyihiin dhibaatooy inkii uu dalkoodu soo maray, Sidaa daraadeed, si loo burburiyo Argagaxisada Waddankanna Nabaddii hore loogu soo celiyo waa in xil weyn la iska saaro dhismaha ciidamo Awood leh oo hanta Ammaanka guud ee Somalia,” ayuu yiri Danjire Francisco Madeira.

Sidoo kale, Danjire Madeira ayaa xusay in aanay Muhiimadda ugu weyn ahayn xilligaan in lagu guuleysto dagaallada lagula jiro Alshabaab, laakiinse waxaa loo baahan yahay in laga fikiro isbedello lagu sameeyo xoojinta Ammaanka Mustaqbalka Soomaaliya.

"Ciidammo Soomaaliyeed oo awood leh, Tababaran, isla markaana aad u qalabeysan oo ay Caawinayaan Ciidamada AMISOM ayaa ah tan keliya ee lagu gaari karo in Soomaaliya oo dhan ay soo gasho gacanta Dowladda federaalka ah, Alshabaabna laga saaro Deegaannada ay gacanta ku hayso… Ciidamadaasoo ah kuwa la Wareegi doona Amaanka guud ee Dalka Somaliya markii uu dhamaado xilliga howlgalka ciidamada AMISOM,” ayuu Hadalkiisa ku daray Danjire Madeira.

Ergaygu, Wuxuu kaloo hoosta ka xariiqay in Dowladda Federaalka Somalia, AMISOM iyo Saaxiibada Beesha Calaamka ay ahmiyad weyn siinayaan sidii ciidammo Soomaaliyeed oo Awood leh loo dhisi lahaa.

Ugu dambeyn, Danjire Francisco Madeira ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay Somalia u joogaan sidii ay u caawin lahaayeen Dowladda federaalka Somalia si waddanka oo dhan looga dhigi lahaa mid nabadoon oo ay xasillooni buuxda ka jirto.

"Ciidanka AMISOM ma ahan kuwo si Awood ah ku jooga Somalia, laakiin waa Ciidammo ka caawinaya Dowladda Somalia sidii Waddanka loo xasilin lahaa, isla markaana shacabka Soo maaliyeed ka difaacaya cadowga. Sidaas daraadeedna waa inaan cadowga ka adkaanno oo burburino,” ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa Wakiilka Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia.

CIIDAMADA BADDA PUNTLAND OO GACANTA KU SOO DHIGEEN DAD TAHRIIBAYAAL AH,

Ciidamada badda maamulka Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Ceelaa yo oo ku yaalla xeebta gobolka Bari islamarkaana 30KM u jira magaalada Boosaaso, howlgalka ay sameeyeen ciidamada waxa ay gacanta ku soo dhigeen dad tahriibayaal ah, doonyihii lagu tahriibinaayay, matooro iyo hub.

Sidoo kale Ciidamada badda waxay soo qabteen Shaqsiyaad dadka tahriibinayay oo uu ka mid ahaa Taliyihii Booliiska Ceelaayo oo ka dhaga adaygay amarka tahriibayaasha lagu soo qab anaayay, islamarkaana dagaal kala horyimid ciidamadii halkaas howlgalka ka samaynayay.

Taliyaha Ciidamada Badda maamulka Puntland Admiral C/risaaq Diiriye Faarax oo warba ahinta la hadlay ayaa uga warramay howlgalkaas Ciidamada badda ay sameeyeen iyo waxya abihii ay gacanta ku soo dhigeen.

FARANSIISKA OO UGU BAAQAY RUUSHKA INAY JOOJISO DUQEYMAHA AY KU BARTILMAAMEEDSANEYSO DADKA RAYIDKA AH EE SUURIYA.

Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Manuel Valls ayaa ugu baaqay dowladda Ruushka inay joojiso duqeymaha ay ku bartilmaameedsaneyso dadka Rayidka ah ee Suuriya.

Mr Valls ayaa sheegay in soo afjarida bambooyinka lala dhacayo rayidka ay furo u noqon karto nabadda.

Ra’iisul Wasaaraha Ruushka Dmitry Medvedev ayaa dhankiisa ka jawaabay eedeymaha, isagoo xusay in wax cadeymo ah aan loo heyn duqeymaha lagu eedeynayo inay u geystaan ra yidka, balse qof walba uu ku eedeynayo arrintaas.

Bishii la soo dhaafay ayaa kooxda u ololeysa dhaq dhaqaaqa xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigeeda yahay UK ayaa ku eedeysay Ruushka in duqeymaha ay ka wadaan Suuriya ku dilaan 1,015 oo rayid ah.

Mr Medvedev ayaa sheegay in Ruushka aanu isku dayayn inuu gaaro hadafyadiisa qar soon ee Suuriya, balse bad baadinayaan danahooda qaran.

Shirka Amniga iyo xasaradaha ee ka socda magaalada Munich ee dalka Jarmalka ayaa waxaa intooda badan looga hadlay colaada Suuriya, iyadoo reer galbeedka iyo Ruushka ay hadalo kulul is weydaarsadeen.

BASHAR ALASSAD OO KU HANJABAY INUU SUURIYA OO DHAN KUSOO CELIN DOONO GACANTA XUKUUMADDIISA

Madaxweynaha dalka Suuriya, Bashar AlAssad ayaa ku goodiyay inuu sida ugu dhaqs iyaha badan mucaaradka uu uga qabsan doono Waddanka oo dhan, iyadoo Hadalkiisan uu ku soo beegmayo Xilli dhawaan ay burbureen Wadahadallo u dhexeeyay mucaaradka iyo Xuku umadda Dimishiiq.

AlAssad oo Wareysi siinayay Wakaalada Wararka ee AFP ayaa sheegay in muddo fog ay Qaadanayaan Wadahadallada la doonayo in colaadda Waddankiisa lagu soo afjaro, sidaas awgeedna uu go’aansaday inuu awood u isitmcaalo mucaaradka ka soo horjeeda.

Sidoo kale, Madaxweyne Assad ayaa iska diiday eedeymaha QM ee ah inuu galay dambi yo dagaal, isagoo xusay in eedeymahaas ay yihiin kuwo siyaasadeed oo aanay waxba ka jirin.

Bashar AlAssad ayaa Wareysigan bixiyay saacado uun kaddib markii waddamo ay ka mid yihiin; Ruushka, Iiraan, Mareykanka & Sucuudi Carabiya ay ku heshiiyeen inay xoojiyaan wadah adallada u dhexeeya mucaaradka iyo xukuumadda Syriya si loo soo afjaro colaadda sannadaha badan ka socotay dalkaas.

"haatan, waxaan rumeysanahay in horumar laga sameynay dhinacyada joojinta Colaadaha iyo bani’aadamnimada,” ayuu Shirka Munich ee Xasaradaha iyo Ammaanka Dunida looga hadlayo ka yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka, John Kerry.

Isagoo hadalkiisa daba dhigay. "Waxaan ku heshiinnay inaan colaadaha Dunida ka socda, laga billlaabo toddobaad gudihiis ah oo ka billaabanaysa shalay.” Wuxuuna mar kale yiri. "Wa xaan u bandhigaynaa arrintaan dhamaan dhinacyada isku haya Suuriya, marka laga reebo Daa cish iyo AlNusra.”

Colaadda Suuriya oo socotay muddo Shan Sanadood ah ayaa waxaa lagu dilay in ka ba dan 250,000 oo qof, iyadoo ay malaayiin qof oo kale ku barakaceen, kuwaasoo u kala firxaday dalalka Aasiya iyo Yurub.

Bashar AlAssad ayaa ku eedeeyay Waddamada Yurub inay iyagu Mas'uul ka yihiin Dadka Qoxootiga ah ee ka cararaya Suuriya, isagoo ugu baaqay waddamada Yurub inay joojiyaan ca awinta wuxuu ugu yeeray argagaxisada, Shacabka Suuriyana u ogolaadaan in ay dib ugu soo la abtaan dalkooda.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Suuriya ayaa Hadalkiisa wuxuu imaanayaa xillli Dowladda Ruushka ay gacan ka siinayso Xukuumaddiisa dagaalka uu kula jiro xoogagga mucaaradka ah ee ay taageeraan dalalka Reer Galbeedka iyo kuwa Islaamiyiinta ah sida Daacish.

SALAAD CALI JEELLE OO TAAGEERAY GO’AANKII PUNTLAND AY UGA SOO HORJEESATAY NIDAAMKA 4.5

Siyaasiga Salaad Cali Jeeli oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdiso ayaa waxuu taageeray go’aankii dhawaan ay Maamulka Puntland uga soo horjeesatay Doraashada Dalka ka dhaceysa in lagu saleeyo Nidaamka 4.5

Isagoo sii hadlayay Siyaasigan ayaa waxuu tilmaamay in Nidaamka 4.5 uu yahay waxya abaha Dalka ragaadiyay islamarkaana ku tilmaamay in qaabkaasi ku saleysan 4.5 mid laga dhaxlay dhibaatooyin badan waxuuna carabka ku dhuftay Siyaasi Salaad Cali Jeelle in Shirar badan oo Dalka lagu qabtay ay Dadka Soomaaliyeed ku diideen habka awood qeybsiga eek u saleysan 4.5

Dhanka kale, Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa qeexay in uu xalka ku jiro in Dowladdu ay fuliso ballan qaadkii ay u sameysay Umadda Soomaaliyeed Sa nadda 2012kii si looga gubdo Marxalada uu haatan Dalka marayo, isagoona ugu baaqay Dowladda raacida wax uu qorayo Dastuurka.

Dhawaan ayeey aheyd markii Maamulka Puntland oo ka mid ah Maamulada Dalka ka jira ay saluugeyn Doorashada Sanadda ka dhaceysa Dalka Soomaaliya in lagu saleeyo hanaanka 4.5 waxaana xusid in Kulamo Magaalada Garoowe ku dhexmaray Madaxda Maamulka Puntland iyo Wakiilka Qaramada Midoobay iyo Xubno kale oo ka socda Beesha Caalamka ay ku soo idla adeen natiijo la’an.

SACUUDIGA OO DIYAARADO DAGAAL U DIRAAYA DALKA TURKIGA, SI AY KAGA QAYB QAATAAN DAGAALADA SUURIYA

DOWLADDA BOQORTOOYADA SACUUDI CARABAIYA,

ayaa waxay wadaa qorshe sida la sheegay ay diyaarado dagaal ugu direyso saldhig dhinaca cirka ah, oo ku yaala dalka Turkiga, si ay kaga qayb qaataan hawlgalada lagula dagaalamaayo Ururka Daacish.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, Mevlut Cavusoglu oo ka qaybgelaaya shirka ka soconaaya Magaalada Munich ee looga hadlaayo arrimaha dalka Suuriya, ayaa kaga dhawaaqay in Sacuudigu uu diyaarado dagaal u soo diraayo dalkiisa.

Wasiirka, ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay inay macquul tahay ciidan dhinaca dhulka pah oo Sacuudigu uu u soo diro Turkiga, si ay kaga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah Uru rka Daacish.

Mr. Cavusoglu, ayaa ku waramaaya in Turkiga iyo Sacuudiguba ay dhisi doonaan ciidan wada jir ah, oo labada dhinac ay si buuxdo u taageerayaan. Cavusoglu waxaa uu intaa ku daray in labada dowladood ay dhici karto inay si toos ihi ugu biiraan hawlgalada ka soconaaya dal kaasi Suuriya.

Wax badan lagama garanaayo inta diyaaradood ee Sacuudigu uu u diraayo Turkiga, balse 4tii bishan waxaa uu Sacuudigu daboolka ka qaaday in dhawr kun oo askari, uu u diri doono Turkiga, iyadoo hadafkuna yahay inay ka qayb qaataan hawlgalada ka dhanka ah Daacish.

Inkastoo Sacuudiga iyo Turkigu ay siyaasad ahaan kala fog yihiin, ayaa waxay hadana isku mowqif ka yihiin aragtidooda siyaasadeed, ee ay ku diidan yihiin in Xafiiska Shaqada uu sii joo ggo Madaxweynaha Suuriya, Bashar AlAssad.

Boqortooyada Sacuudiga, ayaa ka mid ah dalalka sida wayn ugu lugta leh dagaalada mud ada shanta ku dhow ee ka soconaaya wadanka Suuriya.

QM OO KU TALISAY IN LA HAGAAJIYO XAALLADDA AY KU NOOL YIHIIN BARAKAKACAYAASHA SOOMAALIDA.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Dadka Barakacaayasha, Walter Kälinayaa sheegay inay lagama maarmaan tahayin wax badan laga qabto Xaalladda dadka ku barakacay gudaha dalka Somalia.

"Waxaan u baahanahay in xal waara loo helo Barakacayaasha, waxaana u baahanahay inaan maalgelino Dhismooyin, Adeegyada Asaasiga, loo abuuro shaqooyin, kadib ayaan awoodi karnaa inaan caawino Barakacayaasha si ay mar kale ugu soo biiraan nolosha caadiga ee Somali” ayuu yiri Ergayga QM ugu qaabilsan dadka Barakacayaasha oo muddo 2 Toddobaad ah socdaal ku soo maray dalka Somalia.

Dhinaca kale, Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Dadka Barakacaayasha, Walter Kälinayaa sheegay in la joogo xilligii la xoojin la haa iskuxirka u dhexeeya Hawlaha Samafalka iyo Barnaamijyadda Horumarinta oo uu tilmaamay inuu qeyb ka yahay Xalka qorshaha dheer ee Barakacayaasha muddada dheer barakacsanaa..

Xafiiska QM ee Iskuxirka Hawlaha Samafalka (OCHA) ayaa sheegtay inay in ka badan Hal million oo Barakacayaal ah ku tiirsan yihiin Taageeradda Samafalka.

Magaalladda Muqdisho oo keliya waxaa ku nool Kudhawaad 400,000 oo Barakacaayaal dhowr sanno ka soo hayaamay Deegaannadii ay horey ugu noolaayeen.

NIN SOMALI OO MAQAR KU WEERARAY DAD KU SUGNAA BAAR KU YAALLA MARAYKANKA OO LA DILAY.

Nin Somali ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Baare ayaa la sheegay inuu maqar ku weerar Maqaayad ku taalla magaalladda Kolombus ee Gobalka Ohayo, oo uu lahaa Nin ka soo jeeda Carabta Yuhuudda.

Telefishinka CBS News ayaa sheegay inuu Ninkaasi maqar la dhacay dad ku sugnaa Barakaasi oo lagu magacaabo "The Nazareth Mediterranean Restaurant”.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Ninka Soomaaliga soo galay Baraka, isagoo raadinayo Mil kiilaha Baarkaasi oo lagu magacaabo Hani Baransi, kaasi oo aan xilligaasi joogin Baarka.

Waaxda Dembibaarista Boliska Maraykanka ayaa sheegtay inay baarayaan Kiiskaasi lagu dilay Ninka Soomaalida ee dhaawaca u geystay 4 qof oo ka mid ahaa dadkii ku cunteynayey Baarkaasi, iyadoo mid ka mid ah xaalladiisa laga dayriyey.

Boliska ayaa la sheegay inay baacsadeen ninkaasi oo ku baxsaday gaarigiisa, iyadoo ay Boliska toogteen, markii uu isku dayey inuu iyaga maqar ku weeraro.

Eedeysanaha Soomaaliga ee la toogtay ayaa la sheegay inuu sannakii 2012kii u safray magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka, sida uu xubin ka tirsan Saraakiisha Xoojinta Sharciga Maraykanka usheegay Telefishinka CBS.

Ilo Hay’adda Sharcixoojinta Maraykanka ayaa u sheegay Telefishinka ABC News inay Dembibaarayaasha FBIda yaqaaneen Maxamed Baare, isla markaana uu ka mid ah dadka lagu tuhunsanaa inuu ka tirsanaa Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Ninka Soomaaliga soo galay Baraka, isagoo raadinayo Milkiilaha Baarkaasi oo lagu magacaabo Hani Baransi, kaasi oo aan xilligaasi joogin Baarka.

BOGGA CAYAARAHA…

LOUIS VAN GAAL "WAAN IS DHIIBNAY, WAANA QUUSNAY” IYO WAXKASTA OO UU GUULDARADII KASOO GAARTAY SUNDERLAND.

Macalinka kooxda Man United Louis Van gaal ayaa u eg mid is dhiibay isagoona qiray in kooxdiisa ay salka ugu jirto sadex dhibaato oo waa wayn, waxana uu shaki geliyey inay xilli ciyaareedkaan ku dhamaysan karaan kaalmaha loogu soo baxo Champions League.

United ayaa guuldaro 2:1 ah kala soo laabatay garoonka Nuurka ee Sunderland, iyadoo goolka qasaarasa kooxda u keenay oo iska dhaliyey goolhaye De Gea.

"Siday ila tahay macquul ma ahan inaan usoo bixi karon Champions League, fiiri sida aan u ciyaarayno? ma sidaan ayaan ugu soo bixi karna kaalmahaas? waa jawaab Fudud waa maya” ayuu yiri Van Gaal.

"Ma awoodo inaan sameeyo wax ka badan tabartayda, waxaan qabaa inaan anaga wax walba isku keenay” ayuu kusii calaacalay Van gaal

XULKA K/CAGTA EE DALKA DRC OO LAGU ABAALMARIYEY GAARI CUSUB OO MIDKIIBA QIIMIHIISU DHAN YAHAY 60,000 OO DOLLARS.

Madaxweynaha dalka Koongada Dimuqraadiga (DRC), Joseph Laurent Kabila waxa uu Ciyaaryahan kasta oo ka mid ah Xulka K/cagta ee Qarankiisa gudoonsiiyey gaari cusub oo midkiiba qiimihiisu dhan yahay 60,000 oo Dollars.

Madaxweyne Kabiila waxa uu gaadiidkaasi u qeybiyey 23 Ciyaartoy iyo 7 Saraakiisha Kooxda, kadib, markii ay ku guuleysteen Koobka Qaramadda Afrika "The African Nations Cha mpionship (Chan)” oo lagu qabtay caasimadda dalka Rwanda ee Kigali.

Xulka dalka Kongadda Dimuqraadiga waxay 30 kaga guuleysteen Xulka Qaranka ee dalka Mali oo ay isugu soo hareen Ciyaartii Finalka ahayd.

Ciyaartoyda iyo Madaxda Xulka Qaranka ee dalka Kongadda Dimuqraadiga (DRC), waxaa Abaalmarin isugu jirtay Bilado iyo Gaadiid Casri ahi lagu guddoonsiiyey Qasriga Madaxtooyadda oo ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Kinshasa.

Tababaraha Xulka K/cagta ree dalkaasi, Florent Ibenge ayaa ka mahadceliyey Abaalmarintaas iyo soodhaweynta uu u sameeyey Madaxweyne Kabiila.

YUTO NAGATOMO OO DAAHA KA QAADAY KOOX UU ISKA DIIDAY INUU KU BIIRO BISHII JANAAYO, WAA TEE?

Daafaca kooxda Inter Milan iyo Xulka Japan Yuto Nagatomo ayaa daaha ka qaaday inuu bi shii January ee lasoo dhaafay iska diiday dalab ay usoo gudbisay mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn horyaalka Ingiriiska.

29jirkaan haatan ka tirsan Inter ayaa cadeeyay inuu dalab ka helay kooxda Manchester Uni ted balse uu ka doortay inuu sii joogo kooxda ka dhisan magaalada Milan.

"Waan Jeclahay wax walba oo ku saabsan Inter Milan, waxaan doonayaa inaan joogo hal kaan isla markaana aan saxiixo heshiis cusub” Ayuu yiri Nagatomo oo la hadlayay TVga Inter Milan.

"Waxaan iska diiday dalab iiga yimid Manchester United, anigoo doorbidaya inaan halkaan joogo, waxaan xiriir wacan la leeyahay Mancini”

Ugu dambeyntiina Manchester United ayaan sameyn hal saxiixi bishii January ee lasoo dhaafay inkastoo lala xiriiriyay ciyaartoy fara badan.

MUXUU CIYAARYAHANO ARUURSADAY..!: CARLO ANCELOTTI OO DOONAYA MID KASTUU JECLAADO INUU U QALQAALIYO BAYERN MUNICH, HAATAN LABO XIDDIG AYUU KA DOONAYAA REAL.

Tababarihii hore ee laga cayriyay shaqadda kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa waxaa hadda la soo sheegayaa in uu aad u doonayo la soo wareegidda xiddigo uu horay ugu leylin jiray naadiga Real Madrid, kuwaas oo kala ah Karim Benzema iyo James Rodriguez oo uu doonayo in uu geeyo xagaaga naadiga Bayern Munich.

Ancelotti oo xagaagi hore ay soo dhamaatay shaqadii uu ka hayay kooxda ku ciyaarta garoonka Bernabeu, markaas oo shaqadiisa ay ku dheeshay Barcelona oo labadii lugba ka gacan sareysay horyaalka La Ligaha dhigooda Real Madrid, balse wuxuu Los Blancos uu u qaaday tartankaChampions League markoodii 10aad.realmadridcarloancelotti

Haddaba tababarahan u dhashayxulka Italy ee Ancelotti ayaa isagu mar hore loo caleema saaray in uu qaban doono shaqadda kooxda Bayern Munich, marka ay dhamaato xilli ciyaareedkan, laakiinse sidda uu qorayo warsidaha Sport Carlo Ancelotti ayaa u gudbiyay madaxda sare ee Bayern in loo soo iibiyo labadda xiddig ee kala ah Benzema iyo James oo haatan wada jooga Real Madrid.

Haddii Benzema lala xiriirinayo in looga yeerayo Munich, haddana Robert Lewandowski laftiisa waxaa aad loola xiriirinayaa in uu u dhaqaaqi doono Real Madrid oo uu boorsadiisa uu ka qaadan doonaa Bayern.

Dhanka kale James oo dhaleeceyn badan ay ka jirtay hab ciyaareedkiisa mudooyinkii ugu dambeeyay maadaama uu inta badan keyd yahay ayaa isna loo dhaweynayaa in uu ka tago Real Madrid oo uu aado Bayern Munich, maadaama haatan uu fursad aan sii weynayn uu ka helay maqnaanshaha Gareth Bale.

REAL MADRID OO CAGTA MARISAY ATHLETICO BILBOA, RONALDO

Kooxda Real Madrid ayaa guul wayn ka gaartay kooxda Athletic Bilboa iyadoona dusha uga martay, 4:1. C.ronaldo ayaa kulankaan labo gool dhaliyey.

Real Madrid ayaa Bernabue kusoo dhowaysay kooxda Bilboa kulan xiiso badnaa oo ka tirsanaa horyaalka Spain, iyadoo wiilasha Zidane doonayeen inay u dhowaadaan kooxaha horyaalka ugu sareeya.

Keliya sadex daqiiqo ayeey ku qaadatay Real Madrid inay shabaqa soo taabato, Cristiano Ronaldo ayaana dhamaystirtay kubad qurux badan ka tirsan markii baas la amaanay uu ka helay arim Benzema.

Laakiin kooxda martida ayaan marna is dhiibin, waxayna la timid goolkeeda barbaraha daqiiqadii 10aad, qalad wayn oo uu sameeyey Varane ayaa waxaa ka faa’idaystay Javier Eraso kaas oo goosha oo cidlo ah gool u bedelay.

Laakiin Wiilasha Mourinho ayaa hogaanka kusoo laabtay iyagoona goolkooda labaad helay daqiiqadii 38aad ee ciyaarta James Rodriguez ayaana kubad cajiib ahayd dabo mariyey go olhayaha Bilboa.

Iyadoo hal daqiiqo ka harsan tahay qaybta hore ee ciyaarta Toni Kross ayaa ciyaarta hurdo u diray isagoona si cajiib leh u dhamaystiray baas Asturan oo uu ka helay C.ronaldo, sidaas ay aana lugu kala nastay qaybta hore ee ciyaarta.

Ugu dambayn iyadoo dhamaadka ciyaarta ka harsan tahay sadex daqiiqadoo Ronaldo ayaa ciyaarta soo afjaray isagoona dhaliyey goolkiisii labaad ee ciyaarta iyo goolkii afaraad ee Los Blancos.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip