Xulka Sinigaal oo xalay afka ciidda u daray kan Kenya

0
Tuesday July 02, 2019 - 12:41:40 in Wararka by
  • Visits: 887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xulka Sinigaal oo xalay afka ciidda u daray kan Kenya

    Ciyaar xiiso badan oo xalay ay isku arkeen xulalka Sinigaal iyo Kenya ayaa Kenya looga adkaaday 3-0. Qeybtii hore ee cayaarta ayaa ku idlaatay 0-0 walow xulka Sinigaal ay heleen fursad gool ku laad ah oo uu ka khasaariyay xiddigooda Sadio Mane

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaar xiiso badan oo xalay ay isku arkeen xulalka Sinigaal iyo Kenya ayaa Kenya looga adkaaday 3-0. Qeybtii hore ee cayaarta ayaa ku idlaatay 0-0 walow xulka Sinigaal ay heleen fursad gool ku laad ah oo uu ka khasaariyay xiddigooda Sadio Mane

Xulka Sinigaal oo xalay afka ciidda u daray kan Kenya

Qeybtii  labaad ee ciyaarta, daqiiqadii 63-aad xiddiga Sinigaal ee Ismaaciil Sarr ayaa gool u dhaliyay kooxdiisa taasoo ay xigeen labo gool oo kale oo midi gool ku laad ahaa oo Sadio Mane uu la helay shabaqa xulka Kenya.

Daqiiqaddii 76-aad ciyaaryahan reer Kenya ee Philemon Otieno ayaa cayaarta dibadda looga saaray kaddib markii la siiyay kaarka casaanka.

Kenya ayaa xalay la hoyatay jab aysan kasoo waaqsan Karin halka Xulka Sinigaalna uu ku guuleystay in kaalinta labaad uu kaga soo baxo Guruubka C iyadoo leh lix dhibcood.

Xulka Kenya ayaa quud darreynaya in ay kaalinta saddexaad xulka ugu wanaagsan kaga gudbaan heerka guruubyada, taas oo ah mid suurta gal ah.

Dhinaca kale Xulka qaranka Algeria ayaa 3-0 uga adkaaday Tanzania, isla ciyaar ka tirsan koobka Qaramada Afrika ee ka socda dalka Masar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip