HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 30-KA JUUN 2019-KA

0
Sunday June 30, 2019 - 11:09:17 in Wararka by
  • Visits: 1094
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 30-KA JUUN 2019-KA

    MADAXWEYNAHA PUNTLAND MD.SICIID C/HI DENI OO SAMEEYAY XIL KA QAADIS IYO MAGAACIBIS CUSUB. 1. S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere oo ahaa la taliyihiisii dhinaca Amni ga ayaa loo mag acaabay Taliyaha Ciidanka Daraawii shta Puntland. 2. S/Guuto Axmed Ca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA PUNTLAND MD.SICIID C/HI DENI OO SAMEEYAY XIL KA QAADIS IYO MAGAACIBIS CUSUB. 1. S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere oo ahaa la taliyihiisii dhinaca Amni ga ayaa loo mag acaabay Taliyaha Ciidanka Daraawii shta Puntland. 2. S/Guuto Axmed Cali Salaad waxaa loo magacaabay Taliye Xigeenka 2aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland.


http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_2ABAD0-E11DAC-30AFA4-600DFF-3873A9-272424.jpg&h=210&w=210

3.Siciid Maxamed Faahiye oo ahaa Gu ddoomiyihii Waxbarashada Degmada Qar dho ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Karkaar.

4. Cabdicasiis Yuusuf Maxamuud Caa mir waxaa loo magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Karkaar.

5. G/Dhexe Cabdulqadir Jaamac Dirir wax aa loo magacaabay Taliyaha Qaybta Ciid anka Booliska gobolka Karkaar.

6. Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shu be oo horay Madaxweynihii hore ee Puntl and gaas xilka oga qaaday ayaa mar kale loo magacaabay Guddoomiyaha Kooxda Fanka ee Waaberi Puntland.

7. Cabdicasiis Cilmi Yuusuf waxaa loo magacaabay Lataliyaha Arrimaha Isgaa rsiinta iyo Warbaahinta Madaxtooyada Pu ntland.

TALIYAHA CXDS OO BOTSWANA KAGA QEYB GALAY SHIRKA CIIDANKA QAARADDA AFRIKA

http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_551606-AC7B6B-E51D59-7EC290-ABC6D3-EA3D73.jpg&h=210&w=210 Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarr eeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqa rshe) ayaa ka warbixiyey shirk u saabsan ciidamada Afrika oo uu kaga qeyb galay maalmihii lasoo dhaafay magaalada Gab orino ee dalka Botswana.

Taliyaha ayaa sheegay in shirkan oo ay kasoo qeyb galeen inta badan dalalka Afrika lagaga arrinsaday sidii la isaga kaa shan lahaa dhanka tayeynta iyo tabbarra da Ciidanka Lugta ee dalalka Qaaradda Afrika iyo in ay awood buuxda u yeeshaan xasilinta iyo amniga.

Taliyaha Ciidanka ayaa tilmaamay in dalalka Afrika ee ka qeyb galay shirka ay ka wada hadleen mideynta dadaallada la gu cirib tirayo argagixisada kasoo horjeed da horumarka Gobolka.

"Shirkan waxaan isku aragnay Taliyey aasha iyo Saraakiisha dalalka ciidamadoo du ay Soomaaliya ku garab siinayaan am niga iyo dagaalka aynu kula jirno agagixi sada Alshabaab, kuwaas oo dhammaant ood si wada jir ah u bogaadiyey hawlgal lada geesinimada ah ee Ciidankeennu ay ku xoreynayaan dhulka iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Dhanka kale, Taliye Daahir Aadan Cil mi (Indhaqarshe) ayaa kulan gaar ah la yeeshay Taliyaha Guud ee Ciidamada Ma raykanka ee Afrika Sarreeye Guud Roger Cloutier. iyagoona ka wada hadalay xaala dda amni ee Soomaaliya, gaar ahaan tay eynta Ciidanka sida gaarka ah u tababar an ee Danab.

Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen in Soomaaliya laga qaado cunaqabatayn ta dhanka hubka oo caqabad weyn ku ah hawlaha dib u dhiska Ciidankeenna, taas oo uu Jenaarlku ballan qaaday in uu kaal intiisa ka qaadan doono.

MAXAA LOOGA HADLAY KULANKII SHALAY DHEXMARAY XAAF IYO ODAYAASHA CADAADO

http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_78897C-736B8D-D21308-3A50D2-F67A51-330645.jpg&h=210&w=210 Madaxweynaha D.G/Galmudug Ax med Ducaalle Gelle Xaaf ayaa Kulamo Ga ar Gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqan ka Degmada Cadaado. Madaxweynaha iyo Odayaasha dhaqanka ayaa ka wada hadlay sidii loola shaqeyn lahaa Maamul ka ayna qeyb uga qaadan lahaayeen Odayaashu Hormarka Galmudug

Waxa uu Madaxweynuhu sheegay in loo baahanyahay in lala shaqeeyo Hay’adda ha Amni si aaysan kooxa ha Cadawga ah ugu faa’ii deysan oo aysan u helin fursado ay ku dhibaatee yaan shacabka waxa kale oo uu intaas ku daray in shacabka reer Ca daado iyo Odayaasha dhaqankaba wax walba oo dhacay looga baahanyahay in la ga noqdo habeen hore dhalay Tabasho walba oo ay qabaana uu diyaar uu u yahay in la xal iyo. Odayaasha dhaqanka ayaana kaga mahad celiyay Madaxweynaha sida uu diy aarka ugu yahay in la xaliyo waxba walba oo ay qabeen Reer Cadaado iyaguna ay mar walba ay diyaar u yihiin in ay la shaqe eyna Maamulka.

XULISTA XUBNAHA BAARLAMAANKA JUBBALAAN OO KA BILLAABATAY KISMAAYO

http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_B472F6-93D8CD-835560-3D1C78-B2CD34-70743F.jpg&h=210&w=210 Iyada oo ay dhowr todobaad oo kaliya ka harsan tahay doorashada xildhibaanad iyo madaxda fulinta ee dowlad goboleed ka Jubbalaan ayaa waxaa M/Kismaayo ee ee xarunta KMG ee Jubbaland ku sii qulq ulaya odayaasha dhaqanka Jubbalaan si ay u soo xulaan xildhibaanada Baarlama anka Jubbalaan. Odoyaasha ayaa waxaa uu dowlad goboleedka u diyaariyey xarun gaar ah duqeydan iyagoo toddobaadkan soo xuli doona xildhibaanada baarlamaan ka Jubbalanan.

Illaa iyo haatan ma jiro hannaan si buu xda loogu mideysanyahay oo tilmaamaya qaabka lagu soo xulayo xildhibaannada soo dooran doona madaxweynaha Jubala an. Qaar kamid ah murashixiinta u tarta maya madaxtinimada Jubalaan ayaa ku eedeyay madaxweyne Axmed Madoobe inuu doonayo in saddex xubnood beel wal ba ay soo sharaxato kadibna hal xubin la ga dhex doorto.

Msharaxiinta Jubalaand ayaa soo jeedi yay in duqeyda dhaqanka ay soo xulaan xubintii ku meteli lahayd baarlamaanka.

Ammaanka magaalada Kismaayo aya a la adkeeyay iyadoo ciidamo badan lagu arkayo wadooyinka magaalada.

Doorashada madaxtinimada dowlad go boleedka Jubalaan ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto Bisha Agoosto ee sanadkan.

KHASAARE KA DHASHAY QARAX LALA EEGTAY CIIDAMO ITOOBIYAAN AH

Warar dheeraad ah ayaa ka soo bax aya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ka mid ah howlgalka AMISOM lagula eegtay degaanka Halgan ee G/Hiiraan. Ko lonyo ay la socdeen Ciidamada Itoobiya ayaa qarax Miinada nooca dhulka lagu Aaso ah lagula eegtay agagaarka degaan ka Halgan,waxaana la sheegay in qaraxa kadib ay ciidamada Itoobiya fureen rasaas farabadan.

Dad ku sugan Halgan ayaa qaarka mid ah warbahinta muqdisho u sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo qaraxaasi ka soo gaaray Ciidamada Itoobiya,hayeeshee ay dadka u diidayaan in ay tagaan goobta uu qaraxa ka dhacay.

AlShabaab ayaa sheegtay in Qaraxaasi ay ku dileen Ciidamo Itoobiyaan ah,isla markaana sidoo kale ay dagaal ku qaaden

http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_E7DC0F-C89613-6D2643-C8D23F-142EBD-16B183.jpg&h=210&w=210MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMAALIYA OO KA HADLAY GEERIDA MAXAMED QANYARE

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md. Xasan Maxamuud ayaa ka hadlay geer ida Maxam ed Qan ya re Afrax oo ka mid ahaa siyaasiyii nta Somaaliy eed,isla ma rk aana ma anta ku gee riyooday Muq disho. Waxaa uu sheegay in Qanyare uu ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomaalida ee sida weyn looga yaqaano Soomaaliya.

Waxaa uu tacsi u diray dhammaan Umadda Soomaaliyeed iyo Carruurtii uu ka tagay Maxamed Qanyare Afrax.

"Waxaan tacsi murugo leh u dirayaa xil dhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare iyo dhammaan reer Qanyare Afrax meel kas ta oo ay joogaan geerida ku timid Md. Ma xamed Qanyare Afrax oo saaka ku geer iyooday Muqdisho,Marxuumka wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyayaasha siyaasade ed ee dalka soo maray muddo waliba dur uufuhu adkaayeen.”ayuu yiri Xasan Maxamuud.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYE EYAY GEERIDA MARXUUM QANYARE

Farmaajo-696x464 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Md.Maxamed Cabdulla ahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soom aaliyeed ee uu ka baxay Md. Maxamed Qany are Afrax oo ma anta ku geeriyo oday magaalada Muqdisho.

"Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicu un. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qara abadii iyo guud ahaan ummadda Soomaal iyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Ma xamed Qanyare Afrax. Marxuumku waxa uu qayb weyn ka soo qaatay dadaalladii dib u heshiisiineed ee dalka isaga oo noq day Wasiir iyo Xildhibaan ka tirsan Baarla maanka Soomaaliya."

Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Ja nno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhamma an shacabka Soomaaliyeed ee uu ka gee riyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

KHEYRE OO LA KULMAY QEYBAHA KALA DUW AN EE BULSHADDA CAABUDWAAQ

http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_4A19FA-1B5ACD-0FF759-D20743-68B16D-7B2F17.jpeg&h=210&w=210 Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda fede raalka Soomaaliya (XFS) Md. Xasan Cali Khayre ayaa magaa lada Caabudwaaq kulan la qaatay qay baha kala duwan ee Bulshada ku nool M. Kulanka oo ka dhac ay xarunta agoonta Taakulo ayna goob jo og ka ahaayeen madaxweyne kuxig eenka Galmudug, wasiirro, xildhiba anno,

mas'uuliyiinta degmada ayuu Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre bulshada ku hordhigay qorshaha dowladda ee taabba gelinta hannnaanka dibuheshiisiinta iyo doorashooyinka si loo dhiso Galmudug dhamaystiran oo horumuud u noqota horumarka deegaanka iyo guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegay in dowladda federaalka ay doon ayso in adeegyada bulshada ay daade jiso, si loogu guulaystana ay muhiim tahay in la xoojiyo dowlad gobaleedyada, sidaa darteed ay dowladda federaalka Soomaa liya ay ka go’antahay mudnaan gaar ahna ay siinayso dhamaystirka hay’adaha dowl ad gobaleedyada dalka.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday bulshada ku nool Caabudwaaq in dowrka uga aadan ay ka qaataan taaba gelinta doorashooyinka Galmudug iyo isudumidda bulshada si loo helo Galmudug nabad ah, wadajirta, lehna maamul loo dhanyahay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa degaannada Galmudug ku jooga socdaal shaqo oo qorshihiisu yahay in Galmudug ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay

GUDOOMIYAHA AQALKA SARE OO QAABILAY WAFDI KA SOCDA QM

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/IMG_C7DD36-A1CD55-D3507E-0EF1A2-10BE53-6B0E93.jpg Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baa rla maanka Federaalka Soomaaliya ayaa qaabilay wakiilka gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Md James Swan. Labada dhinac waxa ay ka wada hadleen xaalada Guud ee Dalka iyo Doorashooyinka la filayo. Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa wakiilka ka codsaday in la dardargaliyo howlaha horumarinta So omaaliya gaar ahaan dhanka doorasho oyinka.

ETHIOPIAN AIRLINES OO SHAACISAY XILLIGA AY DUULIMAADKA UGU HORREYA KU TAGAYSO PUNTLAND

ethopia airlineShirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa shaacisay duulimaadyo cus ub oo ay ka samaynayso Garoowe iyo Bo osaaso kuwaasoo billaaban doona 15 ka bisha July ee sannadkan 2019ka. Jadwal ka duulimaadka lambarkiisu yahay ET 0368 ayaa ku billaabanaya Boosaaso, wa xaana ay diyaaradu Addis Ababa kasoo duulaysaa 11:30AM iyadoo Boosaaso far iisan doonta 1:35PM.Isla diyaarada oo rak aab ku dejinaysa Boosaaso kuwo kalana kasoo qaadaysa ayaa Garoonka Garoowe caga dhiganaysa 3:20PM.

Duulimaadyadan ayaa lagu billaabay aa maalmaha Sabti, Arbaca iyo Isniin, taa soo ka dhigan in toddobaadkii saddex goor ay duulimaad ka samaynayso shirk addu labada garoon ee caalamiga ah ee Garoowe iyo Boosaaso.

Madaxa fulinta ee shirkada diyaarad aha Ethiopian Airlines Mudane Tewolde Gebere Mariam, oo ka hadlay duulimaady ada cusub ee ay ka billaabayaan Sooma aliya ayaa sheegay in tani muhiim u tahay horumarinta duulimaadyada Ethiop ian.Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu she egay in arintani xoojinayso isku xirka dad ka,

dhaqaalaha iyo xiriirka siyaasiga ah ee labada dal. Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa ah shirkadda ka mid ah kuwa ugu ballaaran ee Afrika oo isku xirta qaaradda iyo aduunka intiisa ka le, waxay ka degtaa in ka badan 120 wad dan.

NISA OO SHAACISAY MAGACA IYO SAWIRKA SARKAAL KASOO GOOSTAY ALSHABAAB

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/IMG_1E5768-E058D4-93E60C-830ABC-90DEAE-51ADBE.jpg Sarkaal sare oo ka tirsan ururka AlShabaab ayaa isku soo dhiibay dawladda Soomaaliya sida ay shaacisay Hay'adda Nabad suggida iyo Sir doonka Qaranka Soo maaliyeed. Sarkaal kan ayaa lagu Maga caabaa Mukhtar Moh amed Abdi waxaana uu ku magac dheer ya hay (Mukhtaar Gane ey) waxaana la sheegay in markii uu isa soo dhiibayey inuu lasoo xariiray Hay'ad da NISA. Waxaa uu sheegay in Hay' adda Nisa ay u sahashay inuu isa soo dhiibo, islamarkaana uu ka soo goosto AlShab aab.

MAXAMED QANYARE AFRAX OO MUQDISHO KU GEERIYOODAY

Waxaa shalay ku geeriyooday caasimadda Muqdisho, allaha u naxaristo Maxamed Qanyare Afrax oo horey usoo noqday xildhibaan iyo wasiir amni.Marxuun Maxamed Qanyare , ayaa muddooyinkii dambe ku xanuusana Muqdisho, wuxuuna ku geeriyooday Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) ee magaalada Muqdisho.

http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_6242BB-393B15-EF7FE7-838F50-A587B9-CB42BD.jpg&h=210&w=210Wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii siyaasadda ee awoodda ku lahaa magaalada Muqdisho, waxaa lagu xusuustaa inuu xubin firfircoon kulahaa aas aaskii isbaheysigii la dagaallanka Argagixisda ee markii dambe ka adkaadeen Maxkamadihii islaamiga, isagoo dowladdii KMG ee lagu soo dhisay dalka Kenya ka noqday Wasiirka Amniga Qaranka, sidoo kale waxaa uu ahaa Musharaxii saddexaad ee ugu codka badnaa doorashadii xilka Madaxweynaha ee Embaghatii ka dhacday sanadkii 2004.

Sannadkii 2012kii markii Soomaaliya ka baxday ku meelgaarka ayuu Maxamed Qanyare ka baxay siyaasadda, isagoo xilligaas ay xanuuno soo wajaheen, waxaa kursigii Xildhibaannimada uu ku fadhiyay beddelay wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Cabdiweli Maxamed Qanyare.

Madaxweynaha Soomaaliya , Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Mudane Maxamed Qanyare Afrax , wuxuu Eebbe uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

KHEYRE OO XALAY KU HOYDAY DHUUSAMAREEB & KULAMO KA SOCDA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa xalay waxaa ay ku hoydeen Magalada Dhusamareeb ee Gobolka Galgaduud, iyaga oo kulamo la leh Madaxda Ahlusuna ee ku sugan Magaaladaas.

Ra’iisul Wasaaraha oo safar dhinaca dhulka ah uga soo ambabaxay degmada Cabudwaaq ayaa waxaa uu soo maray deegaanada Huurshe iyo xeraale ee Gobolka Galgaduud,waxaana dadka deegaanka Xeraale ay ku wareejiyeen Gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad,kuwaas oo uu sheegay inay ka mid noqon doonaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxgaradka deegaanka Xeraale ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre kala hadlay sidii loo dhameyn lahaa colaad beeleedyada deegaankaas iyo deegaanada kale ku soo noq noqotay taa soo geysatay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyop barakaca dad badan.

Xalay Magalada Dhuusamreeb waxaa ka dhacay kulamo kala duwan,waxaana sidoo kale Shalay la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu wadahadallo la yeesho Madaxda Ahlusunna ee ku Dhuusamareeb si loo dhiso Galmudug loo dhan yahay.

Kulamada oo waqti dheer qaadan doona ayaa ugu dambeyn waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha ahlusunna ay heshiis wada gaaraan,isla markaana ay soo saaraan warmurtiyeed ku qodobeysan yihiin waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo maray degmooyin & deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud,sida Cadaado, Dhuusamareeb, Cabudwaaq iyo deegaanada Huurshe iyo Xeraale ee Gobolka Galgaduud.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO QAABILAY CIIDAN KA SOO GOOSTAY SOMALILAND

Munaaasaabad Qado sharaf ah u sameeyay Saraakiishii Ciidamada Gobolka Sanaag ee kasoo baxay maamulka Somaliland, kuna soo wareegay maamulka Puntland iyo Guudoomiyihii gobolkaasi ee Soomaaliland. Ujeedka kulanka qado sharafta ah ayaa daaranaa soo dhoweynta Saraakiisha Ciidamadaasi hogaaminayey oo kala ah G/Sare Xuseen Faarax Aaden (Xuseen Dheere), G/Sare Cabdirashiid Axmed Jaamac Nuur(Xayle) iyo Guddoomiyihii Maamulka Somaliland ee gobolka Sanaag Cali Xuseen Soomaali.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyay go’aanka taariikhiga ah ee ay qaateen Ciidamada iyo doorkii shacabka gobolka Sanaag ay muujiyeen, wuxuuna Madaxweynuhu kula dardaarmay dhammaan Saraakiisha Ciidanka inay gutaan waajibaadka Dastuuriga ah ee difaaca dalka iyo dadka.

Kulanka qado sharafta ah waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiim Maxamed Axmed (DhooboDaarood), masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Guddomiyeyaaĺ hore ee Golaha Wakiillada Puntland, odeyaal dhaqameed, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

SIYAASI AFLAGAADAYSAY MADAXWEYNAHA TURKIGA OO MAXKAMAD LA SOO TAAGAY

Kanan Kavtangioglu oo ah Haweenay siyaasiyad ah oo caan ah ayaa maxkamad lagu soo taagay magaalada Istanbul ee dalka turkiga ayadoo loo haysto eedaymo la xiriira in ay aflagaadaysay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan. Haweenaydaan ayaa madax ka ah laan ka tirsan xisbiga calmaaniga ah ee Republican People's Party, ayaa lagu waddaa in ay mudan doonto 17 sano oo xabsi ah haddii dambigaas lagu helo.

Ms Kavtangioglu, ayaa lagu maxkamadaynayaa qoraallo ay ku soo qortay barteeda twitterka oo ay qaarkod qoratay lix sano ka hor.

Ms Kavtangioglu, ayaa ku eedaysan in ay "aflagaadaysay” madaxweyne Erdugan iyo xukuumadda Turkigaba, oo ay faafisay dacaayado argagixiso.

Wararka ayaa sheegaya in hadalladaas loo haysto ay la xiriiraan dibadbaxyadii xukuumadda looga soo horjeeday ee dhacay sannadkii 2013 laguna taageerayey xisbiga "la mamnuucay” ee PKK.

Ikram Emamoglu, oo dhawaan ku guulaystay xilka maayarka magaalada Istanbul, oo ay gabadhan isku xisbi yihiin ayaa eedaymaha loo soo jeediyey Ms Kavtangioglu, ku tilmaamay kuwo "Sumcadeeda siyaasadeed lagu xumaynayo”.

CIIDANKA PUNTLAND OO BURBURIYAY SALDHIGYO ALSHABAAB LEEYIHIIN

Ciidanka sida gaarka u tababaran ee maamulka Puntland ee lagu Magacaabo PSF, ayaa sheegay hawlgal ay ka fuliyeen buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari in ay ku burburiyeen saldhigyo ay halkaasi ku lahaayeen AlShabaab.

War kasoo baxay Ciidanka Puntland ayaa lagu xusay in hawlgalka uu ka dhacay degaannada Dhagaxdhaabur, Madarshoon iyo Ceelqaraar oo dhammaantood ka tirsan buuraleyda Calmadow. Howlgalka ayaa sidoo kale lagu gubay godad ay Alshabaab ku kaydsan jireen hubka iyo raashinka, islamarkaana looga burburiyay saldhigyo ciidan. "Ciidanka PSF waxay gubeen godad ay Al Shabaab ku kaydsan jireen hubka iyo raashinka isla mar ahaantana ciidanku waxay burburiyeen saldhigyo dhuumaalaysi oo Al Shabaab ku lahaayeen Buuraleyda Cal Madow"ayaa lagu yiri Warka.

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/IMG_97C7D6-FCA0DA-B439AC-E32CC1-A22DF0-0CAFB6.jpgEEDEYSANAYAAL QIRTAY INAY QARXIN LAHA AYEEN XARUUN ISLAAM OO KU TAALLA MAREYKANKA

Saddex nin ayaa lagu soo eedeeyey in ay qorsheynayeen inay bam ku qarxiyaan Xarunta Mujtamaca Islaamka oo ku taalla magaalladda New York ee dalkaasi.

Eedeysanayaasha oo daraad la soo taa gay Maxkamadda waxay qirteen inay gey steen Dembiyo Argagixiso o oay ku doon ayeen inay ku qarxiyaan Xaruunta Islaam ka ee Islamberg oo 250KM dhanka Waq ooyi kaga toosan magaalladda New Yorrk.

Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaa bo Vincent Vetromile oo 20jir ah, Andrew Crysel oo 19jir ah iyo Brian Colaneri oo 20jir ah waxaa la xiray bishii Janaayo ee sannadkan, kadib, markii uu Arday ku soowargeliyey Boliska qorshaha ay ragg aasi damacsan yihiin.

Baaritaan ay Boliska sameeyeen wax ay ku soo heleen 23 bistoolad iyo tiro qara xyada nooca lagu farsameeyo Guryaha oo ay Eedeysnayaaasha u adeegsan laha ayeen weerar ay ku qaadaan Xaruunta Islaamiga eee Islamberg.

Dhinaca kale, Eedeysanayaasha wax aa la filayaa in xukunkooda lagu dhawa aqo bisha Augsut 8da, iyago omuteysan doona Xabsi u dhexeeya 4 sanno, 7sanno iyo 12sanno.

YUUSUF DABAGEED OO BAAQ U DIRAY BEE LAHA KU DAGAALAMAYA G/HIIRAAN

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa dagaal beeleedyo sababay Khasaaro isu gu jira dhimasho iyo dhaawac ay ka dhac een deegaano hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee Gobolka Hiir aan,waxaana dagaaladaas ka hadlay Md.Yuusuf Dabageed.

Guddoomiyihii maamulka Gobolka Hiir aan ee xilka qaadista lagu sameeyay ee Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa wa xaa uu ka hadlay dagaalkaas ka soo cusb oonaaday Gobolka Hiiraan,isla markaana waxaa uu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee halkaasi ku dagaalam aya.

Md.Yuusuf Dabageed oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Baladweyne ayaa waxaa uu Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka labada dhinac ka codsay inay joojiaan dagaalka Allena ay ka baqaan.

Isaga oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu tilm aamay in wixii dagaalkaas lagu bixin la haa lagu bixiyo heshiis iyo nabad,isla mar kaana beelaha walaalaha ah ee wada de ga deegaanada ay dirirto ka socoto ay dhexgalaan oo ay waxkasto ay isla wad agaan.

Deegaanno hoostaga degmooyinka Ma tabaan iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan ay aa waxaa Maalmihii la soo dhaafay ka soo cusboonaday dagaal beeleedyo saba bay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaaw ac,waxaana ku geeriyooday in ka badan 20 ruux oo u badan maleeshiyaad kii daga alamay.

MAXAY KA WADA HADLEEN MADAXWEYNE DENI IYO SAFIIRKA HINDIYA EE SOMALIYA?

Madaxweynaha Puntland Mudane Sic iid Cabdullaahi Deni ayaa shalay Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wefti uu hogaaminayo safiirka dalka Hindiya ee Soomaaliya Ambassador Rahul Chabbra.

http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_1CB53F-4AB3EA-A5CD50-CF8F5B-0100C6-6A5B9A.jpg&h=210&w=210Kulanka oo ahaa mid muhiimad, gaar ah leh ayaa looga hadlay, xoogana lagu saar ay arrimo ay ka mid yihiin caafimaadka iyo waxbarashada Madaxweyne Deni ayaa ugu horayn ka warbixiyey kulankaasi. "Waxaan shalay magaalada Garoo we noogu yimid Safiirka dalka Hindiya iyo wafti uu hogaaminayo, waxaan aad ugu mahadcelinaynaa booqashadaan oo ahayd tii ugu horaysay oo uu noogu yima ado safiir ka socda dalka Hindiya, waxaan kaloo aad ugu mahadcelinaynaa dalka Hindiya oo xiriir wanaagsan la leh dalke ena Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ee dhinacyada ganacsi, waxbarasho iyo caafimaad intab”

"Puntland dad badan oo Hindiya ayaa ku nool, dhankeenana dad badan baa na ga jira, kuwo waxbarasho, Caafimaad iyo Ganacsi u aaday intaba , waxaan aad uga wadahadalnay in la wanaajiyo xiriirka Hindiya iyo Soomaaliya gaar ahaan Puntl and dhanka Caafimaadka iyo Waxbara shada, iyo sidii Puntland ay uga helilah ayd qoondo ku filan” Ayuu yiri Madaxwey naha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.Safiirka dalka Hindiya ee Soomaali ya Mr. Ambassador Rahul Chabbra ayaa dhankiisa ka mahadnaqay qaabilaadda wanaagsan ee lagu soo dhoweeyey isaga iyo weftigiisa, wuxuu xusay inay diyaar u yihiin dardargelinta wadashaqaynta wan aagsan ee ka dhexaysa Puntland iyo Hin diya ee arrimaha caafimaadka iyo waxb arasha.

GABAR SOOMAALI OO KU HAFATAY WEBI KU YAALLA DALKA BRITAIN

Gabar lagu magacaabi jirey Shukri Ya xye Cabdi oo 12 jir ah ayaa waxay hab eenkii Khamiista ee la soo dhaafay ku hafatay Webiga Inwelli oo ku yaalla magaaladaBury ee Greater Manchester ee Gobalka England ee dalka Britain.

MAAMADA-IYO-GABDHEEDA-WEBIGA-KU-HAFATAY Saraakiisha Boliska Manchester weyn ayaa loo yeeray markii ay gabadha ku haf atay Webiga, iyadoo Kooxaha Quusayaa sha ka soo heleen maydkeeda.

Gabadhaasi oo arday ahayd ayaa la ru meysan yahay inay iyada iyo hooyadeeda dalka Britain tageen bil ka hor, sida ay qa ar ka mid ah Qaraabadeeda u sheegeen WargeyskaThe ManchesterEvening News

Marxuumadda Adeerkeeda oo lagu ma gacaabo Mustafa Omar waxa uu u sheeg ay Wargeyska The Manchester Evening News inaysan gabadha aqoonin qaabka loo dabaasho, wuxuuna xusay inay Hooy adeeda ka argagaxday geerida gabadhe eda yar.

Waxa uu intaasi ku daray inay ahayd gabar fiican oo Qaxooti ahaan u timid dal ka Britain, isla markaana ay ku cusbayd Jaalliyadda Soomaalida ee ku nool Brit ain.

Dhinaca kale, Maama Zamzam Tuure oo iyadoo la ilmeynaysa la hadashay isla Wargeyskaasi waxay sheegtay inay gaba dheeda ahayd qof cajiib ah, deggan oo ra jo wacan lahayd,isla markaana ay wada tebi doonaan iyada iyo Walaalaheeda

Geerida Shukri Yaxye Cabdi, waxa uu ku soo beegmay saacado kadib, markii 2 nin oo da’dooda kala ahayd 25jir iyo 26jir maydkooda laga soo saaray Xeebta mag aalladda Devon oo ah magaalada 4aad ee ugu weyn Gobalka England ee dalka Britain.

Xilligan oo ay dalka Britain iyo dalal ka le ee Europe ka jirto Kulayl daran ayaa wa xay dadka inta badan ku dabaashaan We biyadda, Harrooyinka iyo Badda, iyagoo qabow ka raadsanaya, iyadoo heerkulku Britain gaaray ugu yaraan 30 digirii oo Se ntigareedh ama 80 digirii oo Ferenhayt ah

GACANKUDHIIGLE BRITISH OO HOREY U DILAY MUWAADIN SOOMAALI AH, MAYDKII SANA QARIYEY OO LA XUKUMAY

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/IMG_3007E1-285EBB-4E8C82-2F7A0F-B950DD-90074A.jpg Gacankudhiigle Gary Hapkins oo hor ey u dilay Marxum Cabdi Cali, isla markaa na ma ydkiisa qariyey muddo 8 bilood ah ayaa la soo tagaay Maxkamadda Old Bai ly ee ku taalla magaalada London.

Eedeysnaha waxaa lagu xukumay Xab si 22 sanno ah, ka dib, markii lagu helay inuu ka dambeeyey dilka Marxum la oran jirey Cabdi Cali oo 17jir ah, kaasi oo lagu dilay magaalladda Enfield ee Waqooyiga London.

Gacankudhiiglaha waxaa la sheegay inuu Marxumka burus madaxa kaga dhuft ay, kadibna uu Tooreey kaga dooxay Wad naha, ilaa uu Marxuumka ka geeriyooday.

Waxa kaloo la shegay inuu Marxuum ka ka dhacay Lacag uu watay, ka hor inta uusan maydkiisa ku qarinin Saqafka sare ee gurigii uu degganaa muddo 8 bilod ah.

Qoyska Marxumka waxay ku wargeliye en Boliska inay Wiilkooda ugu aragti dan baysay bishii December 21dii ee sannad kii 2017kii.

Boliska ayaa bilaabay baaritaan bishii August 27dii ee sannadkii hore, kadib, markii loo soo far muuqay inuu mayd dhex yaallo dhismaha uu Gacankudhiiglaha deganaa.

Dhinaca kale, Maxkamadda Old Baily waxaa la soo taagay Haweeney lagu magacaabo Stacey Docherty oo saaxiib la ahayd Gacankudhiiglaha waxaa iyadana lagu xukumay 27bilood, kadib, markii lagu helay inay wax ka ogeyd Marxumka la dilay.

TALIYIHII UGU HOREEYEY EE CIIDDANKA ETHIOPIA KA JOOGAY SOMALIA OO GEERIYOODAY

Jenerel Abraha Woldemariam oo lagu naanaysi jirey Kuwartar waxa uu ahaa Taliyihii ugu horreeyey ee Ciiddankii Ethio pia ee sannadkii 2007dii gudaha u soo galay Somalia, iyagoo dagaal la galay Da gaalamayaasha Alshabaab. Soogelitaan ka Ciiddankaasi waxaa ka dhalatay xasa asiyad xooggan, iyadoo aydadka Soomaal iyeed u arkaan Ethiopia caddowga koowa ad ee dalkeenna.

Jenerel Abraha Woldemariam ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla caaasimadda dalka Thailand ee Ba nkok, isagoo muddo dhowr bilood daawe yn u joogay dalkaasi.

Waxa uu ka mid ahaa dhowr Jeneral oo la magacaabay muddadii uu Ra’isulwas aaraha ka ahaa Ethiopia, Hailemariam De salegne,waxaana Hawlgab laga dhigay, markii uu Ra’isulwasaare Abiy Ahmed awoodda la wareegay.

Jeneral Abraha Woldemariam waxa u gu dambaysay in lagu arko meel Fagaare ah bishii Feberaayo sannadkan, markii uu ka qeyb galay sannadguuradii 44aad ee Ciiddankii hore ee Jabhadda Xorreynta Tir greyga ee haatan maamula Gobalka Tig rayga ee dalkaasi.

Waayihii hore, Jeneral Abraha Woldema riam waxa lagu eedeyn jirey inuu ku lug lahaa Tacadiyadii ka dhanka ah Xuquuq da Aadanaha ee ka dhacay Gobalka Soo maalida Ethiopia, halkaasi oo uu ka ahaa Taliyaha Qeybta K/bari ee Ciiddanka Federalka Ethiopia.

Waxaa lagu eedeeyaa inuu Isbahaysi dhow la lahaa Madaxweynihii Gobalka So omaalida Ethiopia, Cabdi Maxamed Cum ar (Cabdi Ileey), kaasi oo haatan Xabsiga ku jira, laguna eedeynayo Dilalka iyo Bar akicii ka dhacay Gobalka bishii August ee sannadkii hore ee 2018kii.

Faahfaahin lagama hayo qabanqaab adda Aaska Jeneral Abraha Woldemari am, balse waxaa laga yaabaa inuu Aas Heer DowladGobaleed looga sameeyo Gobalka Tigrayga ee uu ka soo jeedo.

Warbaahinta Ethiopia waxay dhowr bilood ka hor sheegeen in Jeneral Abraha Wolde mariam doonayey inuu fasax ka helo Ra’ isulwasaare Abiy Ahm,ed, si uu ugu ambabaxo dalka Thailand, oo uu iskaga soo daaweynayey cudddur aan weli la sha acinin waxa uu ahaa.

Si kastaba ha ahaatee, Ethiopia wax ay hal isbuuc gudahiisa ku weyday 3 Jene ral, kuwaasi oo kala ah: Taliyihii Guud ee Milliteriga Ethiopia, Jeneral Seare Mekonn en oo uu dilay Ilaaliyihiisa Khaaska iyo Je neral Gezae Aberra iyo Jeneral Abraha Woldemariam.

HOGGAAN CUSUB OO LOO DOORTAY URURKA ISUTAGA SUXAFIYIINTA SOOMAALIYEED EE FESOJ ..

Waxaa shalay Muqdisho lagu qabtay doorashada guud ee Isutaga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ oo Saddexdii sanaba mar la qabto iyadoo la dooranayo Xoghayaha Guud ee Ururka, Gudoomiye, iyo Gudoomiye ku xigeen.

Waxaa doorashada oo aheyd mid xiiso leh islamarkana ay u tartamayeen musharixiin kala duwan ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay dowladda Soomaaliya,madaxa warbaahinada dalka iyo waliba Wariyeyaal ka kala socday goballada dalka.

Gudoomiyaha Ururka FESOJ ee loo soo gaabiyo Federation of Somali Journalists waxaa loo doortay Abaadir Cabdiqaadir Cilmi oo la tartamayay Gudoomiyiyii hore ee ee Ururka Maahir Jaamac Aadan.

Laanta dambi baarista oo gacanta kusoo dhigtay nin ku eedeysan inuu geystay dil

 
 

MUQDISHO(HALBEEG)-Laanta dambi baarista ciidanka booliska Soomaaliya ee CID ayaa baadi goob dheer kaddib ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan nin looga shakisanyahay in uu dhawaan dil u geystay haweeney lagu magacaabo Suleekha Yuusuf Axmed.

Sida aannu kasoo xigannay taliye xigeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed sarreeye guuto Zakiya Xuseen Axmed ninka ku eedeysan dilka ee ay ciidamadu soo qabteen ayaa lagu magacaabaa Bishaar Cabdirisaaq Maxamed.

Dhowr cisho ka hor ayay ahayd markii meydka Suleekha laga helay hotel ku yaalla agagaarka isgoyska Baar Ubax ee degmada Hodan.

Ninka looga shakisanyahay dilka haweeneydan ayaa la sheegay in uu muddo xariir kala dhexeeyay marxuumadda hase yeeshee ugu dambeyn sababay in loo maleego shirqool lagu khaarijinayo nafteeda.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (yariisoow) oo ka warbixinayay shirka amniga ee caasimadda ayaa ayaa si weyn ugu mahad celiyay dadka ku dhaqan degmada Hodan oo uu sheegay in laamaha ammaanka ay ka gacan siiyeen xogo muhim ah oo ku aaddan halka uu ku dhuumaaleysanayay ninka ku eedeysan dilka marxuumad Suleekha.

Bishaar ayaa la filayaa in dhawaan uu kasoo hor muuqdo maxkamad ku qaadda kiiska loo heysto.


Xoghaya Guud ee Ururka Isutaga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ waxaa loo doortay Maxamed Ibraahim Macalimow, waxaana la tartamaya Aamiin Yuusuf Khasaaro oo tanaasulay ka hor intaan la guda gali codeynta Xoghayaha Ururka, sidoo kale gudoomiye ku xigeen Muxudiin Xasan Maxamed Xusni, waxaana Gudoomiye ku xigeenka Labaad loo doortay Cabdifitaax Xasan Faarax.

Doorashada oo aheyd mid xor iyo xalaal waxaa ka soo qeyb galay sharci yaqaano ka socda garsoorka dalka kuwaa oo si dhaw ula shaqeynayay Guddiga Doorashada, waxaana doorashada ay u dhacday hab cod qarsoodi ah.

Xoghayaha FESOJ Maxamed Ibraahim Macalimow oo ka hadlay dib u doorashadiisa ayaa waxa uu ka sheekeyay halka ay ururka ka soo qaadeen markii hore iyo heerka uu hadda taagan yahay waxaana uu Ballan qaaday inuu meel sare gaarsiin doono, iyadoo uu xusay in caqabado ka heestay dhanka magaca NUSOJ laga gudbay hadda, waxaana uu aad ugu mahadceliyay wariyeyasha dalka oo taageero weyn u muujiyay.

Sidoo kale Gudoomiyaha Ururka Abaadir Cabdiqaadir Cilmi oo isna dhankiisa khudbad ka jeediyay munaasabadda doorashada waxaana uu tilmaamay in ururka uu noqon doono mid wax qabadleh oo hurumar dhan walba leh gaarsiiya guud ahaan warbaahinta dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip