Ma taqaan Luqadda Ciyaalka Xaafadda!!!.

0
Saturday June 29, 2019 - 15:51:13 in Wararka by
  • Visits: 1361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma taqaan Luqadda Ciyaalka Xaafadda!!!.

    Luqaduhu waa koraan, waana isbedlaan ama dhintaan waqti kadib, sida ey sheegaan Culimada Luuqaduhu. Waqtiyadaan dambe waxaa soo batay Kalmado ku soo kordhay Luqadda Somaliga oo badanaa ey isku Fahmaan dhalin yarada Jiilka Cusub. Waxaan dhageystay Dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Luqaduhu waa koraan, waana isbedlaan ama dhintaan waqti kadib, sida ey sheegaan Culimada Luuqaduhu. Waqtiyadaan dambe waxaa soo batay Kalmado ku soo kordhay Luqadda Somaliga oo badanaa ey isku Fahmaan dhalin yarada Jiilka Cusub. Waxaan dhageystay Dhalin yaro Somali ah oo sheekeeysanayo, laakin dhowr weerood oo hadaladoodii ka mid ah ma fahmin. Bal Adigu haddii aad iga roon tahay ii Macnee?

Sey Wallaahi, Gooy Baro, Waa Nuureysaa, waa Bajaq, Nuucaas waaye, Waa kala kacsn tahay, waa isku yaacsan tahay, Dhulkaan hoos marayaa, waa Xabbad Jirto, Waa Shidan tahay, Iska Camba Cambeyso, ii Cimaamad nooh, waa Booday, Jiqeey ku tahay,kan waa ka dhamaatay, Bashaan ku ahay, Naga Gooy, U gambi, dhac dhac, Waa nuucee, Taargo ma leedahay, Igu Qaado, Balbalaarka, Saas mii, Jeebka banaanka dhig, Madax la bax, Baska ka deg, Baal weyn, Maxaa isku dhacayo caawa, Dhii dhiin, wey dhiiqeysaa, waa falaq falaq, Abuu Ukun, Maxaa kaa khaldan, Adigaa lagu dhahaa,Faras Cad ayey saaran tahay, woow is daqraa, Dufuloow, Koramku ma dhamo, iga bareejeey, is dar dar, Single Father Fiigsan, soo Qor, Olyadey daadisay, too Bac ka sii ah, ka dhanaansaday, waa Jirtaa, Khatar waaye, waa kaa dhuujiyay, ku Qabso, waa mid koobi ah, waa shuufay, waa Caarifay, Honey, ka Qileey, Bibe, Ciyaal dhaqan celis, Caadi iska Dheg, Kor uga bax, Badar noole waaye, dhulkaan ku jiiday, Naga booti, ha nagu shidin, Suuf waaye, Farmashiyuu ka soo Casheeyay, Iga Dhamaaw, Guudo, Habeenka 1aad ee Arooskeeda khadka ka bixi meeyso, Caadi iska dhig, Waaweynka waaye, ii Codey, Matooraa Saaran, i soo qabo, iyo kalmado kale oo aan qaban waayay.

Annigu ma Fahmin, markaan weydiiyayna waxa ey i dheheen: Oday Dhooraa tahay ee ka Bul dheh. Iyadana ma fahmin.

Caawa Ciyaalka Xaafaddu Xaal ha i siiyeen ama ha ii macneeyeen.

Afka Hooyo yaan la minguurin, dhaqanka Suubanna hala dhoowro.

Qore: Yahya Amir

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip