Siyaasiyinta Somalida qaar, waa sida caruurta oo kale..!!!=Nasashada Jimcaha. Q-154aad=

0
Friday June 28, 2019 - 20:40:54 in Wararka by
  • Visits: 1235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyinta Somalida qaar, waa sida caruurta oo kale..!!!=Nasashada Jimcaha. Q-154aad=

    1-Gabar Rajo ah ( Hooyadeed dhimatay) ooTahriib aheeyd ayaa waxaa Qabsaday Magafihii Libiya. Si xun ayaa loo jir dilay, kadibna Telefon ayaa loo dhiibay si ey u wacdo Qooyskeedii. Telefonkii waxaa Qabatay Eedadeed ( Xaaskii Aabaheed) . Gabadhii ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Gabar Rajo ah ( Hooyadeed dhimatay) ooTahriib aheeyd ayaa waxaa Qabsaday Magafihii Libiya. Si xun ayaa loo jir dilay, kadibna Telefon ayaa loo dhiibay si ey u wacdo Qooyskeedii. Telefonkii waxaa Qabatay Eedadeed ( Xaaskii Aabaheed) . Gabadhii ayaa tiri: Eedo macaan Lacag ha la ii soo diro, haddii kale kuwani waa i sii dilayaan. Eedadii ayaa ku tiri: intii aadan bixin maxaadan Alaabta iigu dhaqan oo aad u dhuumatay. ( F.S: 1aad) ( Ar Dumarka qaar naxariis badanaa !!!!!)

2- Naag xanuunsan oo Isbitaalka jiiftay ayaa Dhakhtarkii yiri: Waxa ey u baahan tahay Qaliin qiimihiisu yahay 60,000 Dollar. Ninkeedu waxa uu heeystay 30,000 Dollar oo kaliya, waxa uuna goosay in uu iibiyo Babuurkiisa , waxa uu aaday gurigii si uu u soo qaado Documentigii Baabuurka. Waxa uu ku fadhiisatay Sariirta, waxa uu dareemay wax Joodariga dhaxdiisa ka soo riixayo. Waxa uuna ku dhax arkay Joodarigii Bac ey ku jirto 60,000 Dollar oo Xaaskiisu leheyd in kasta oo ey u sheegtay in eyna Lacag heysan, Lacagtii ayuuna ku bixiyay kharajkii Isbitaalka.

Guriga ayuu u soo Laabtay isaga oo soo Gaday Joodari Cusub, Caruurtii ayuu ku yiri: Joodarigii hore banaanka ku guba Cayayaanka Dhilqada ayaa ka buuxo lagumana seexan karo. Weeyna gubeen.

Hooyayii ayaa markii ey Isbitaalka ka soo baxday waxa ey aragtay Joodari cusub. Ninkeedii ayaa ku yiri: kii hore Dhilqaa ka buuxday caruurtaana gubtay, Caruurtii ayaa tiri: Hooyo Annagaa gubnay.

Hooyadii ayaa Madaxa Gacma saaratay iyada oo ku calaancalee, Joodati geeygii, Joodari geeygii, ileeyn lacagteeydii ma dhihi kartee.

( Qofkii Kheyraadka Dalka bixiyo, haddii Lacagta lagu boodo, Hadhoow yuuna na dhihin, Kheyraadkeeynii, Khayraadkeenii, ileen ma dhihi karyo Lacagteeydii)

3-Nin ku jiray Xabsiga Muddo Sannad ah ayaa ku yiri: Taliyihii Xabsiga , waxaan kaa codsanayaa in habeenka Jimcaha oo kaliya la ii ogolaado Mobile-keyga si aan uga Aqristo Nasashada Jimcaha ee uu Qoro Yahya Amir. Taliyihii ayaa ku yiri: Ma taqaan Ninkaa haddii aad aragto ?. Maxbuuskii ayaa ku yiri: Maya . Taliyihii ayaa ku yiri: Maxaad uga baahan tahay Aqris, isagaa 2 Bil ku jiray Qolka kugu dhagan ee la sheekeeyso.

Maxbuuskii ayaa yiri: War Annigu waxaan ahaa Abwaan wariye ah, waxaa leeygu soo eedeeyay fekerkeeyga oo aan cabiray, isaga maxaa lagu soo eedeeyay? Taliyihii ayaa ku yiri: isku dambi ayaad tihiin. ( F.S: 2aad)

( Xabsiga kaliya ee Qur’aanka lagu sheegay,waxa uu ku yiil Dalka Masar, waxaana ku xirnaa Eedeysane aan Dambi leheeyn. Nabi Yusuf CS )

4- Axmed ayaa isaga oo ag marayo Qabuuro, ayaa Saxiibkii ku yiri: Qabuuradaan waxaa ku aasan Dad Ahlu khayr ah iyo Asaxaabihii, Qiyaamahana ( Yoomul Bacthiga) qofba halkii lagu aasay ayaa laga soo saarayaa. Deris Aduunyo deris Aakhiro.

Axmad ayaa yiri: Saaxiiboow haddii ey saas tahay, Mugoo Anniga yaan leeygu Aasin Qubuuraha Golaha Shacabka. ( F.S: 3aad)

(Siyaasiyinta Somalida qaar, waa sida caruurta oo kale wax kasta oo ay gacanta ku qabtaanba Afka ayey la aadaan ) ( F.S: 4aad)

5-Waqti hore, ayaa Nabad sugidda Dalka Mareykanka CIA-da waxa ey tababar u qabatay Nabad sugiidii Wadamada: Jabuuti Sudan iyo Somaliya. Waxaa la geeyay Meel keeyn ah, waxaana lagu sii daayay Keeyntii Sagaaro ey ku dul qoran tahay CIA, waxaan lagu yiri: ku soo Qabta 30 Daqiiqo.

A : Naabd sugidii Sudaan waxa ey ku soo Qabteen Sagaaradii 30 Daqiiqo. B: Jabuutiyankiina Sagaaradii waxa ey ku soo qabteen 25 Daqiiqo. C: Nabad sugudii Somalidu waxa ey ku soo Afjareen Howlgalkii 10 Daqiiqo, waxa eyna keeneen Daanyeer.

Waxaa lagu yiri: Sagaaraan idiin dirnay waxaadna keenteen Daanyeer. Waxa ey ku yiraahdeen isaga weeydiiya. Daanyeerkii ayaa la weydiiyay . Isaga oo neeftuurayo ayuu yiri: waxaan ahay Sagaaro , sidii leey garaacayay ayaa ley geeyay Qol Xafiis ah leeygu Save-gareeyay in aan ahay Saguaro.( F.S: 5aad).

( Ar Farsama Badanaa, Ninkii Daanyeer Sagaaro ka dhigay)

6- Nin Reer Waqooyi ah oo Wade ka ahaa Bus ka shaqeeyay Mogadishu – Marko ayaa markii uu marayo N. 50 Baskii dhinac u liicay, laakin ma gadoomin ee waa sii socday. Islaan Kursiga gadaale fadhiday ayaa ku qeylisay , Shiikh Aweeysoow, Shiikh Aweeysoow.

Darawalkii ayaa ku yiri: Naayaahee, Dee ha noogu yeerin boos uma heeynee, basku waa buuxaa. ( F.S: 6aad)

( Meel, Maamul Gobaleed lagu dhisayay ayaa Nin ku qeyliyay, War Xubintii Culumada iyo Sheikha, waxaa lagu yiri: Hanoogu yeerin Culumo, Boos uma heyno, Qabiiladiyaa buuxiyay Boosaskiiye)

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip