Somalia oo ku guuleysatay Koob Dahab ah!!!=Faallo

0
Friday June 28, 2019 - 20:27:10 in Wararka by
  • Visits: 1225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia oo ku guuleysatay Koob Dahab ah!!!=Faallo

    Dhaliishaada oo aad ogaato Ceeb ma ahan, haddii aad u qaadato Cashar si aad u xaliso. Aduunka waxaa lagu tartamaa waxyaaba badan, Kubadaha Cagta, Gacanta, dabaasha, heerka wax Soo Saarka, Aqoonta, tartamo Quraxda, Musiga, iyo kuwa kale. Annaga xatta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaliishaada oo aad ogaato Ceeb ma ahan, haddii aad u qaadato Cashar si aad u xaliso. Aduunka waxaa lagu tartamaa waxyaaba badan, Kubadaha Cagta, Gacanta, dabaasha, heerka wax Soo Saarka, Aqoonta, tartamo Quraxda, Musiga, iyo kuwa kale. Annaga xatta Koobka foolxumida waa nalaga qaaday. Waa in aan Hal Koob Ku guuleysanaa. Ugu Dambeeyn Caalamka oo dhan waxaan Ka qaadanay, waxaana helnay Koobka Dahabka ah ee Musuqmaasuqa. War bixintii ugu dambeysay we Heyadda Caalamiga ah ee la socodka Musuqa " Global Corruption Watchdog" ayaa Soo saartay warbixinteeda. Denmark ayaa Noqotay wadanka ugu horeeya ee Musuqa Ka badbaaday 88/100 Aduunka oo dhan. Kan Ku guuleysay in uu Caalamka Ku hogaamiyo Musuqa ayaa Noqday Somalia oo heshay 90/100 dhibcood Musuqa, waxaa Ka maqan 10/100 oo kaliya. (F.S: 1aad)

Sida ey Qabto Heyadda kale ee ” Transparency International ” Mareykanka oo ahaa Wadanka 20aad ee Ka badbaaday Musuqa ayaa sidii Trump Xukunka u Qabtay hoos u Soo dhacay 4 dhibcood.

Bacdamaa Aduunka aan noqonay wadanka 1aad Tartanka waxaan muteysanay Koobka Dahabka ee Musuqa ( F.S: 2aad), waxaan dirqi 3-4 dhibcood uga guuleysanay Wadamada Yemen, Koofurta Sudan iyo Syria. waa in aan wax un Ku hogaamino Aduunka.

Xal

Waxaa loo Baahan yahay in aan Raadino sidii aan uga Bixi leheyn Booskaa ugu Dambeeyo Dunida, Dad ayaa ALLA Naga dhigay, waa in Musuqa loo Aqoonsado Dambi Qaran, Cid madax banaan oo la dagaalanto in la helo, Qorshe lagula dagaalamaya in la dejiyo, in la baro Dadka Diinteenu waxa ey Ka qabto Musuqa Lana hirgaliyo, Sharcigu in uu Ka sareeyo Dadka.

Sug, Sug, Ragii noo Soo hooyay Koobkaa Dahabka ah u qeybi Biladahaa Dahabka ah, Adaa yaqane (F.S: 3aad) . Waa Markii ugu horeysay oo Caalamka oo dhan aan Ka qaadno Koob & Billado Dahab ah.

Alloow dhiiqada Naga Bixi.

Fadlan Shakhsi ama heyad ha magacaabin.

Qore : Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip