Naagtee jeclaan lahayd ?!!!

0
Wednesday June 26, 2019 - 06:57:32 in Wararka by
  • Visits: 908
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Naagtee jeclaan lahayd ?!!!

    Nin Doob ah ayaa la weydiiyay Naagteed Jeclaan leheeyd in aad Guursato? Waxa uu yiri: Naag dheer ma rabo, Qoortaa iga daalee sidaan kor ugu fiirinayo. Mid Gaaban ma rabo, Caruuraan u maleynaa. Mid Qurxan ma rabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin Doob ah ayaa la weydiiyay Naagteed Jeclaan leheeyd in aad Guursato? Waxa uu yiri: Naag dheer ma rabo, Qoortaa iga daalee sidaan kor ugu fiirinayo. Mid Gaaban ma rabo, Caruuraan u maleynaa. Mid Qurxan ma rabo

Dhalinyaradaa iga jeclaanee. Mid fool xun ma rabo Nafteeydaa diidee. Mid cad ma rabo, Maqaarkeedu murmuraxa ma qarsam Karo. Mid madoow ma rabo, Mugdi qolkeeygaan Ku nacay. Mid Caqli badan ma rabo waa i siree. Mid Dabaal ah ma rabo waa la igasirsiranayaa. Mid xoola leh ma rabo, waa iigu faanee. Mid faqriya ma rabo, geerideeyda kadib Caruurtaa baahi u dhimee. Mid wax bartay ma rabo, waa ila murmee. Mid Jaahil ah ma rabo isma fahmeeyno.

ALLA ha u naxariisto, Doobkii 70 jir ayuu Ku geeriyooday isaga oon weli guuraan.

Somalia: Isticmaar waa diiday. Dowladii shacabku Soo doortay waa diiday. Xukunkii Ciidamada ee Kali taliska waa diiday. Xukunkii Jabhadaha waa diiday. Xukunkii wadaadada waa diiday, Dowladihii Ku meel gaarka waa diiday. Ugu dambeeyn Federaalii ey fudeydka ugu heshiisayna maanta ( 24/6/2019) ayeey diiday. Waxa eyna door biday Kali talis wajiya badan leh, wadadii Ku noqo ee Isla jidkii gadaal Ka Soo bilaaw miyaa?.


Dhalin yarooy adinkuna dhaqsi u guursada.

Doobka ma u tacsiyeeynaa, Mise waan sugnaa?


Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip