Xarun Ay Qarax Ku Burburiyeen Al-Shabaab Oo Dib U Dhis Lagu Sameeynayo

0
Tuesday June 11, 2019 - 21:50:48 in Wararka by
  • Visits: 464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarun Ay Qarax Ku Burburiyeen Al-Shabaab Oo Dib U Dhis Lagu Sameeynayo

    Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta ka qayb galay munaasabad looga arrinsanayay dib-u-dhiska Xarunta degmada Warta-nabadd ee gobalka Banaadir, ayaa ku deeqay mushaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta ka qayb galay munaasabad looga arrinsanayay dib-u-dhiska Xarunta degmada Warta-nabadd ee gobalka Banaadir, ayaa ku deeqay mushaarkiisa bisha June. Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa munaasabadda ka sheegay in dib-u-dhiska xarunta uu fududaynayo fulinta adeegyada bulshada, ayna muhiim tahay in laga wada qayb qaato dadaallada dib loogu dhisayo.

Guddoomiyaha Degmada warta Nabadda oo ka hadashay munaasabadda ayaa ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo dhammaan mas’uuliyiinta kale uga mahad celisay ka qayb qaadashada dadaallada dib loogu dhisayo xarunta.

Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta degmada, qorshaheeduna ahaa in dhaqaale loogu aruuriyo dib-u-dhiska xarunta oo ku burburtay weerar ay Al-shabaab ku qaadeen ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirro, xildhibaanno, guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo mas’uulyiin kale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip