SAWIRO:-Ciidamo ka goostay Soomaaliland oo gaaray gobolka Sanaag

0
Tuesday June 11, 2019 - 11:14:12 in Wararka by
  • Visits: 515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Ciidamo ka goostay Soomaaliland oo gaaray gobolka Sanaag

    Ciidamadaan oo aan weli tiradooda la shaacin ayaa ahaa jabhad hubeysan oo taageerta Soomaaliland,waxaana la sheegay inay kqsoo tageen deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag,isla markaana lagu soo dhaweeyey deegaano ka tirsan Gobolka Sool. Ciidamadaas o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamadaan oo aan weli tiradooda la shaacin ayaa ahaa jabhad hubeysan oo taageerta Soomaaliland,waxaana la sheegay inay kqsoo tageen deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag,isla markaana lagu soo dhaweeyey deegaano ka tirsan Gobolka Sool. Ciidamadaas oo wata gaadiidka dagaalka ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in uu Aas'aasay Boqor Buur Madow oo ka mid ah Salaadiinta Soomaaliland,waxaana Ciidamadaas oo dhaweyn qeybo ka mid ah Gobolka Sool ugu sameeyay Odayaasha iyo waxgaradka Gobolkaas.

Qaar ka mid ah Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada kasoo goostay Soomaaliland ayaa waxaa ay ku hanjabeen inay la-dagaalami doonaan Maamulka Soomaaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waa jabhadii labaad ee kasoo baxda ciidamada Soomaaliland,iyada oo horay ay Soomaaliland uga soo baxeen Jabhadda uu hoggaamiyo Korneel Caare,kuwaas oo sheegaya inay dagaal adag la geli doonaan Soomnaaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip