Weerar Ka Dhacay Duleedka Afgooye Iyo Khasaaro Ka Dhashay

0
Tuesday June 11, 2019 - 11:11:17 in Wararka by
  • Visits: 548
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Ka Dhacay Duleedka Afgooye Iyo Khasaaro Ka Dhashay

    Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday fariisimo Ciidamada dowladda ay ku lahaayeen duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Weerarka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay Khasaaro nafeed oo soo gaaray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday fariisimo Ciidamada dowladda ay ku lahaayeen duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Weerarka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay Khasaaro nafeed oo soo gaaray Ciidamadii la weeraray xili ay ku sugnaayeen duleedka Afgooye,isla markaana ay geysteen rag hubeysan. Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay weerarka,kaasi ka tirsanaa Ciidanka dowladda,isla markaana waxaa goobta ka baxsatay kooxdii weerarka soo qaaday.

 
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in askariga la dilay horey looga sii qaatay Qoray Ak-47 oo watay.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shabaab Internet-ka ay ku leeyihiin ayaa ay ku sheegteen Mas’uuliyadda weerarkii ka dhacay duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose,iyagoona sheegtay inay halkaasi ku dileen Askari ka tirsan Ciidamada dowladda.

Degmada Afgooye ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto Askarta Ciidamada dowladda Federaalka iyo dad shacab ah,waxaana Mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip