Natiijada doorashadii Kazakhstan oo la shaaciyey

0
Monday June 10, 2019 - 22:52:10 in Wararka by
  • Visits: 553
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijada doorashadii Kazakhstan oo la shaaciyey

    Madaxweynaha kumeel gaarka ah ee dalka Kazakhstan Kassym-Jomart Tokayev ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadi madaxtinimo ee Axadi shalay ka dhacday dalkaasi dhaca bartamaha Asia. Guddiga dhexe ee doorashada Kazakhstan ayaa maanta ku dha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha kumeel gaarka ah ee dalka Kazakhstan Kassym-Jomart Tokayev ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadi madaxtinimo ee Axadi shalay ka dhacday dalkaasi dhaca bartamaha Asia. Guddiga dhexe ee doorashada Kazakhstan ayaa maanta ku dhawaaqay in Kassym-Jomart Tokayev uu helay ku dhawaad 71 boqoliiba codadki la dhiibay. Musharraxa ugu dhaw oo ah hogaamiyaha mucaaradka ninka la yiraahdo Amirzhan Kosanov ayay guddigu sheegeen inuu keenay 16 boqolkiiba codadka doorashada.

Laakin guddiga muraaqabeeyay doorashadi shalay ayaa cambaareeyay sida ay doorashada u dhacday, gaar ahaan xadgudubyo dhanka xuquuqda aasaasiga ah oo lagula kacay dadweynaha oo ay ku jireen xarig loo geystay ku dhawaad shan boqol oo ruux ka mid ahaa dad si nabad ah ku mudaaharaday.
Mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda in doorashada la musuq maasuqay.

Doorashadan ayaa aheyd tii ugu horeysay oo dalkaasi ka dhacda muddo 30 sana ah, kaddib marki uu dhawaan is casilay hogaamiyihi mudada dheer xakumayay dalkaan Nursultan Nazarbaev.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip