HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 27-KA MAY 2019-KA

0
Monday May 27, 2019 - 09:58:26 in Wararka by
  • Visits: 1007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 27-KA MAY 2019-KA

    MAXAA KA JIRA IN MARKALE UU FASHILMAY IMTIXAANKA AY QAADEYSO WASAARADDA WAXBARASHADA? Iyada oo Maanta lagu wado in uu bilaawdo Imtixaanka Shahaadiga ee Dusiga sare oo ay qaado Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faaf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAXAA KA JIRA IN MARKALE UU FASHILMAY IMTIXAANKA AY QAADEYSO WASAARADDA WAXBARASHADA? Iyada oo Maanta lagu wado in uu bilaawdo Imtixaanka Shahaadiga ee Dusiga sare oo ay qaado Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafiyey Warqado lagu sheegay in uu yahay qishka maadooyinka Imtixaanka,waxaana warkaasi beenisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.


Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxman Maxamuud (Jaabir) ayaa sheegay in aan waxba ka jirin Imtixaanka Baraha Bulshada lagu faafiyey ee la shegay in laga helay Gaalkacyo,isla markaana uu yahay mid hore oo laga soo gudbay.

Waxa uu sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay muujisay diyaar garoow xoogan,isla markaana ay dadaal badan gelisay in markale uusan fashilmin Imtixaanka Wasaaaradda ay qaadeyso,waxaana uu digniin u diray dad uu sheegay in waxyaabo been ah ay faafinayaan.

11kii Bishaan ayaa Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka waxaa ka bilaawday Imtixaanka Dowladda,hayeeshee markii dambe Baraha Bulshada lagu arkay maadooyin ka mid ah Imtixaanka taas oo keentay in Wasaaradda Baabi’iso,isla markaana maanta markale la galayo.

In ka badan 30,000 oo Arday ayaa la filaya inay Maanta u fadhiistaan Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare,iyada oo Muqdisho iyo Gobolada dalka siweyn looga diyaar garoobay.

SARKAAL KA TIRSANAA CIIDANKA HAWLGAL KA U JOOGAY BADDA SOMALIA OO GEERI YOODAY

Sarkaal ka tirsanaa Ciiddanka Badda ee dalka Koonfurta Kuurya ayaa geeriyo od ay, 5 kalena wey dhaawacmeen, wax yar kadib, markii ay dib ugu laabteen dalkooda hooyo.

Shilkaasi ayaa la sheegay inuu dha cay Jimcihii la soo dhaafay, kadib, markii uu Sarkaalkaasi iyo Badmaaxiintii kale uu si kedis ah ugu soo dhacay xarig weyn oo ka soo go’ay Markabkii dagaalka ee ay la socdeen. Hadal ka soo baxay Taliska Cii ddanka Badda ee dalkaasi ayaa lagu she egay in uu shilkaasi ka dhacay Dekedda lagu ma gacaabo Jinhae oo ku taalla Ko onfurta dal kaasi, xilli uu Markabka waxburburiya ee lagu magacaabo Choi Young baroosinka dhigtay Dekedaasi.

Saraakiisha waxay sheegeen inaysan kala caddayn waxa sababay xariga ka soo go’ay Markabkaasi ee waxyeelladda dhim ashadda iyo dhaawaca geystay.

Sarkaalka shilkaasi ku geeriyooday ayaa la sheegay inuu ahaa 22jir, iyadoo shanta Badmaax ee ku dhawaacantay shi lkaasi la dhigay Isbitaalo ku yaalla mag aalada Choi Young.

Xilliga uu shilkaasi dhacayey, waxaa gudaha Dekedda ka socotay Munaasbad lagu soo dhaweynayey Badmaaxiinta ka soo laabatay Hawlgalkii ay u joogeen Bad da Somalia.

Wakaaladda Wararka Koonfurta Kuur ya ee Yonhap News Agency ayaa soo tebi say in Askartaasi soo dhamaysteen Hawl gal muddo 6 bilood ah oo ay qeyb ka aha ayeen Hawlgalka Caalamiga ee u xilsaa ran Ladagaalanka Burcadbaddeeda ka qowleysta Badda Somaliya iyo gelbintaMaraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Samaf alka ee isticmaala Badda Somalia.

HIRSHABEELLE OO WAR KA SOO SAARTAY GO' AANKA DOWLADDA EE HABRAACA DOORA SHOOYINKA MAAMUL GOBOLLEED YADA

Kadib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ay soo saartay habraaca Guud ee doorashada Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa kasoo horjeestay Maamulka HirShabeelle oo no qday Maamulkii labaad ee qaadaca.

WarSaxaafadeed kasoo baxay Wasaa radda Arrimaha Dastuurka Maamulka HirShabeelle ayaa walaac looga muujiyay Go’aanka Wasaaradda Arrimaha guda ha, waxaana lagu sheegay in habraacaas uu yahay mid baalmarsan nidaamka federaal ka iyo midka dimuqraadiyada.

Hatan oo ah 27ka Maajo, 2019 waxaa si rasmi ah guud aha an dalka uga bilaab an doona imtixaanka shahaadiga ee dugsi yada sare.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxb arashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mu dane Feysal Cumar Guuleed ayaa kulan wacyigilin ah u sameyay qaar kamid ah ardayda fasalka 4aad ee dugsiyada sare ee Magaalada muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay Jaamacadda U mmadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa Wax aa ka qeyb galay lataliyaal sare oo ka tir san wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Federa alka Soomaaliya.

Hadafka kulanka ayaa ahaa sidii wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada uu u dhageysan lahaa Su’aalo weydiinta ardayda ee ku aadan imtixaanka sanad dugsiyeedka kaas oo dhici doona

27– bishan oo ah maalinta bari oo isni in ah. Lataliyaha sare ee wasaaradda wa xbarshada Cabdullaahi Cabdi Cumar aya a ardayda kala hadlay imtixaanka iyo ard ayga ku guuleesta qiimaha uu leeyahay iyo wax yaabaha ka reeban ardayga imt ixaanka galaaya sida qishka moobilada oo fasalka lala galo hadalka badan iyo arda ydu in ay ka soo dib maraan xiligii loogu tala galay in imtixaanku biloowdo.

Qaar ka mid ah Ardayda fasalkaa 4aad ee dugsiyada sare ee Magaalada mu qdisho oo ay ku jiraan arday araga la’ ay aa wasiir ku xigeenka weydiiyay Su’aalo ku aadan imtixaanka iyo halka uu ka dha cayo iyo gaadiidkii ay ardaydu ku tagi lah aayeen goobaha uu imtixaanku ka dha caayo.

Md.Feysal Cumar Guuled ayaa arda yda ka qeyb galay kulanka u sheegay in wasaaradda waxbarashada ay diyaarisay dhamaan goobihii lagu gali lahaa imtixaa naadka sanad dugsiyeedka islamarkana aysan dhici doonin in arday wadada laga xiro.

Wasiir ku xigeynka wasaaradda wax barashada mudane Fersal Cumar Guule ed ayaa ardayda kula dar daarmay in maa linta bari ah 27bishan oo ku began isniinta in arday walbo u diyaara garoobo imti xaanka islamarkaan uu xaadir ku ahaado goobaha loogu talagay in uu imtixaanka ka dhaco.

MID KA MID AH ERGADA SOO DOORATAY XILDHIBAANADA GOLAHA SHACABKA OO LAGU DILAY MUQDISHO

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo hubeysan oo gelinkii dambe ee Shalay gudaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku dilay Nabadoon Caan ahaa.

Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay xaaf ada Fagax ee Degmada Yaaqshiid,isla markaana waxaa loo geystay Nabadoon ka oo kamid Erg ada soo dooratay Xildhib aanada Golaha Sh acabka Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Maamulka Hirshabeelle.

Qof goobjooge oo la hadlayIdaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheeg ay in rag dhalinyaro ah oo ku hube ysnaa Bastoolado ay toogteen Ninkaas xili uu ku sugnaa Masjid ku yaalla halkaas.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu maga caabi jiray Allaha u naxariistee Ibra ahim Cariif iyadoo goobta si deg deg ah ay uga baxsa deen kooxihii ka dambeeyay dilkaas. Ehelada Marxuumka ayaa gaaray Mas jida uu falkan ka dhex dhacay,isla ma rkaa na ka soo qaaday Meydka. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa tegay halkaasi,iyagoona sida caadada u aheyd sameeyay baaritaano la xiriira dil ka,ha yeeshee kuma guuleysan in ay soo qabtaan raggii geystay.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha internetka Alshabaab ayaa waxaa ku sheegteen Mas’uuliyada dilkii gelinkii dam be ee Shalay loo geystay mid kamid ahaa Ergada soo dooratay Xildhibaanada Gola ha Shacabka ee ka soo jeeda Hir shabeelle

 

 

 

GUDDOOMIYE YARIISOW OO SHAQO JOOJIN KU SAMEEYAY MID KA MID AH KUXIGEE NADIISA Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa shaqojoojin ku sameeyay Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow.

Wareegto uu soo saaray Guddoomiye Yariisow ayaa lagu sheegay in Guddoomiye kuxigeenka shaqada laga joojiyay uu same eyay amar diido iyo shaqo curyaamin uu ka wado qeybta Howlaha Guud iyo Nadaafadda. Sioo kale waxaa lagu eedeeyay inuu shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Engineeriyada, isla mar kaana aanu kala tashan, sidoo ka le waxaa la sheegay in Guddoomiye kuxigeenka uu amar ku bixiyay in la joojiyo mashruucii lagu dhisayay Garoonka Qoob Door ee degmada Kaaraan. Halkan hoose ka akhriso wareegtada

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


 


ITOOBIYA OO QABATAY SARKAAL SARE OO 'UD UB DHEXAAD U AHAA XUKUUMADDII MAA MULKA SOOMAALIDA'

Itoobiya ayaa ku raad joogta saraakiil loo heysto tacaddiyo Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay sarkaal horay uga tirsanaa maamulkii dee gaanka Soomaaliya ee uu madaxweyna ha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar. Ninka la qabtay oo in muddo ah lagu raad joogay ayaa loo heystaa gaboob fallo dha cay intii ay jirtay xukuumaddii hore, waxaa na la filayaa inuu wajaho maxkamadeyn.

Xasan Ismaaciil Ibraahim, oo loo yaqaa nno Xasan dheere ayaa ahaa korneyl ka tirsan ciidanka Liyu Booliska, waxa uuna horay usoo qabtay xilal kala duwan oo sar sare.

Wuxuu horay u ahaa hoggaankii nab adgalyada ee dowlad deegaanka Soomaa lida, wuxuuna ahaa guddoomiyihii dhinaca asluubta.

Sharci ahaan suurtagal ma tahay in cafis loo fidiyo Cabdi Maxamuud Cumar?

Abiy Axmd "Arrinta Cabdi Maxamuud Cu mar waxay u taal sharciga Itoobiya"

Maxaad ka ogtahay xaaladda Cabdi Maxamuud Cumar?

Markii ay dhacday dowladdii Cabdi Ma xamuud Cumar, wuxuu ka mid ahaa sara akiishii baxsatay eek a carartay Itoobiya.

Balse markii uu u gudbay dhinaca Soom aaliya, wuxuu ku hakaday deegaannada u dhow xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, isa goo haddana laga soo qabtay magaalada Goldogob.

Xasan Ismaaciil Ibraahim, oo loo yaq aanno Xasan dheere ayaa ka mid ahaa in ka badan 40 ruux oo xeer ilaaliyaha dalka Itoobiya uu amar ku bixiyay in lasoo xiro, si caddaaladda loo hor geeyo.

Waxaa ninkan lagu eedeynayaa inuu mas'uul ka yahay tacaddiyadii ugu badnaa eeka dhacay dowlad deegaanka Soomaali da, gaar ahaan xabsiga caanka ku ahaa xad gudubyada ee loo yaqaanno Jeel Oga adeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaba shadiisa ay gacan ka geysteen dadka ku sugan deegaanka uu ku dhuumaaleysan ayay. Dacwadaha loo heysto Cabdi Max amuud Cumar oo soo muuqday markii ko owaad isaga oo askarta hareer socota ay san ahayn kuwa waardi ye ka haya, balse ay yihiin kuwa xiraya

Sida ay faafisay wakaalada wararka ee Itoobiya ee FANA, xeer illaaliyaha gu ud ee Itoobiya ayaa sheegay in loo haysto dacwado la xiriira gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoo deed.

Lama oga caddeymaha xeer illaalinta ay maxkamadda horkeeni doonto, iyo go orta maxkamadda la hor geyn doono.

Hase yeeshee Ra'isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo Dorraad ka hadlayay shir ja raa'id ayaa sheegay in arrinka Cabdi M axamuud Cumar uu mari doono dariiqa sa xda ah ee garsoorka, helina doono maxk amadayn caddaalad ah.Hase yeeshee wuxuu Cabdi noqona yaa qofkii ugu sareeyay oo lasoo xiro, ma xkamadna la soo taago marka laga had layo dadka kala duwan ee guud ahaan Ito obiya lagu eed eynayo xad gud ubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Dr. Abiy oo Dorraad sidoo kale ka had lay xisbiga TPLF ee gobolka Rigrinya ay aa yiri "TPLF oo kaliya ma ahan dadka isb adalka kasoo horjeeda, ee dhammaan xis biyada ku jira isbahaysiga tallada haya dad ka mid ah ayaa kasoo horjeeda isb adalka, waxna waan ka qaban doonaa" ayuu yiri Abiy oo u muuqda in markii ugu horeysay uu si toos ah uga hadlayo arrimo aanan shaaca usoo bixin wixii ha dda ka horeeyay.

Cabdi oo kaliya ma ahan dadka cadd aalada lala tiigsanayo, ee sidoo kale war baahinta Itoobiya waxa ay sheegaysaa in sidoo kale ay booliiska soo xirayaan dad kale oo Cabdi ku xirnaa, kana mid ahaa xukuumadiisa.

Cabdi Maxamuud Cumar oo weli "ma jaraha u haya" dowlad deegaanka soo ma alida ee Itoobiya Abiy Axmed "Arrinta Ca bdi Maxamuud Cumar waxay u taal shar ciga Itoobiya"

Internetka oo dib loogu soo celiyey bariga Itoobiya Dorraad ayay ahayd markii baarlamaanka dowlad deegaanka uu xa saanaddii ka xayuubiyay Cabdi Maxam uud Cumar iyo dhawr kale oo shaqsiyaad ah oo loo heysto dambiyo kala duwan.

Dad kala duwan oo BBCda la hadlay mu ddooyinkii lasoo dhaafay, ayaa sheegay in dhibaatooyin jirdil ah ay kula kulmeen dhulka Soomaalida, gaar ahaan xabsi ku yaala magaalada Jig Jiga.

Waxaa sidoo kale warbixin taas la mid ah soo saaray hay'addaha xuquuqda aad anaha oo iyagu ku baaqay in caddaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay xadg udubyada. Hub laga heley gurigiisa?

Sida uu soo bandhigay taleefishinka Itoobi ya ee ETV, waxaa guriga laga heley hub tiro badan oo ka koobnaa qoryaha AK47, ku waas oo ka badnaa 5 qori iyo rasaasto oda, iyo waliba baastoolado, wuxuuna TVGa sheegay in Cabdi Maxamuud Cu mar uu haystay.

Balse lama soo muujin ciidankii qory ahaas haystay, gurigana waxa kaliya ka soo baxay Cabdi Maxamuud Cumar oo kaliya.

Arrinta hubka ayaa la sheegay in gal ka dacwadda ay ka mid tahay, lamase oga sida uu Cabdi ku heley hubka had iiba muddo bil ah uu xabsi guri ku jiray.

Waxaase la fahamsanyahay in Cabdi uu u talinayay ciidamo kumanaan ah oo la gu magacaabo Liyuu Booliis, kuwaas oo weli aan taliyeyaashoodii la arag, lana og ayn xaalkooda meel u ku dambeyn doono.

ITOOBIYA OO JAWAAB KA BIXISAY KHARIID ADDII MURANKA DHALISAY EE SOOMAALIYA LOOGU DARAY DALKEEDA

Mas'uuliyiinta Dowladda Itoobiya ayaa war kooban oo ay soo saareen ku she egay inay ka xun yihiin sawir muran xoog leh dhaliyay oo lagu daabacay bogga inte rnetka ay ku leedahay wasaaradda arrim aha dibadda ee xukuumadda Addis Aba ba.

Qoraalka oo la soo dhigay isla Websi teka sawirka lagu daabacay ayaa la yidhi: "Waxaan fahannay in sawir khaldan oo aan la aqbali karin oo muujinaya Khariida dda Afrika uu si kadis ah kusoo galay bogga internetka ee Wasaaradda Arrim aha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraa ddiga Federaalka ee Itoobiya. Isla markii aan arrinta ka war helnay, si deg deg ah ayaan sawirkaas uga bixinnay Websiteka.

Fadlan xaqiiq u haya in kooxdeena dhinaca ICTga ay ka shaqeynayaan hubi nta ammaanka Websiteka. Waxaan si kal iyo lab ah uga qoomameyneynaa jah war eer kasta oo ay suurta gal tahay in uu sab abay iyo isfaham darro ka dhalatay dhacd adaan" Qoraalkan ayaa u muuqday mid ay dowladda Itoobiya ku sheegeyso inay ka xuntahay dhacdadaas, balse ma aha mid lagu xusay raalli galin rasmi ah.

Sidoo kale laguma xusin macluumaad ka dhabta ah ee laga dheehanayay saw irka, arrintaasoo ahayd tii carada dhalisay, lamana soo hadal qaadin in Khariidadda ay muujineysay Itoobiya iyo Soomaaliya oo la isku daray, lagana dhigay Itoobiya oo kaliya.

qariidaddan ayaa si weyn ugu faaftay baraha bulshada Dadka Soomaalida ah ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga falceliyay sawir lagu daabacay bogga internetka ee wasaaradda arrima ha dibadda ee dalka Itoobiya, kaasoo mu ujinaya khariidadda Afrika, iyadoo Sooma aliya lagu daray Itoobiya.

Sawirka muranka dhaliyay, oo ilaa imin ka aysan ka hadlin dowladaha Soomaali ya iyo Itoobiya ayaa durba laga saaray bo gga wasaaradda, kadib markii qeylo dha an la xiriirta ay cirka isku shareertay.

Waxaase xusid mudan in khariidadda Soomaaliya ee Itoobiya la raaciyay laga reebay dhinaca Waqooyi, halkaasoo ay ka arrimiso jamhuuriyadda iskeed madax ban naanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Goorma ayay soo bilaabatay fikradda mid eynta Soomaaliya iyo Itoobiya?

soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea oo he shiis wada saxiixday Maxaa kasoo baxay shirkii hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya uga furmay Bahr Dar?

Arrintan ayaa lagu tilmaamay mid meel ka dhac ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda fed eraalka Soomaaliya, waxaana dadka ka fal celiyay ay sheegeen in Itoobiya ay doo neyso wax ay ugu yeereen"dhul ballaarsi".

Khariidada saxda ah ee qaaradda Afri ka

Dhanka kale waxaa khariidadda lasoo sa wiray aan lagu muujinin Suudaanta Koon fureed, iyadoo lagu daray dalweynaha Suudaan.

Hase ahaatee, lama oga in khariidad dan la sameeyay ka hor intii aysan Suu da anta Koonfureed ka go'in Suudaan intee da kale. Tan iyo markii sanadkii lasoo dha afay uu xilka Ra'iisul wasaaraha Itoobiya qabtay Dr Abiy Axmed, waxaa horumar dheeraad ah sameynayay xiriirka Soomaa liya iyo Itoobiya, waxayna labada dal ma daxdooda yeesheen shirar badan oo ay uga arrinsanayeen sidii ay horumar wada jir ah u gaari lahaayeen.

MADAXWEYNE DENI OO FAAH FAAHIYEY SAFARKIISA SHIINAHA

Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo soo gebagebeeyey safarkiisii gobolka Mudug ayaa Shalay oo Axad aheyd safar shaqo ugu ambabaxay dalka Shiinaha.

Madaxweynaha oo ka hadlay muhi ima dda safarkiisa ayaa ku dheraad ay arr ima ha muhiim ka ah ee uu daaran yahay soc daalka isaga iyo weftigiisa ee dalka Shii naha, waxaana uu xusay in dal kaasi ay u tegidoonaan iskaashi ganacsi.

"Waxaan Shalay safar shaqo ugu am babaxay dalka China aniga iyo wefdi Was iiro ka kooban oo ilasocda, safarkaasi waa safar ka kooban sidii wax wadaqabsi noo dhexmarilahaa gobol kamida gobol ada China ee dhinacyada horumarinta ga nacsiga iyo kala faa’iidaysiga khibradaha ee dhismayaasha wershedaha iyo xoojin ta xidhiidhka ganacsi ee naga dhexeeya.”

"Waxaan rajaynaynaa mudadaas aan joog no inaan aragtiyo fiican kala soonoqondo ono, Iyagana aan u sharixidoono fursada ha ganacsi iyo maalgashi ee Puntland ay leedahay, waxaan aad ugu faraxsanahay in dalalka ka qaybqaata koboceena dhaq aale inay yimaadaan dalkeena, iyagoo u soo maraaya sharciga iyo nidaamka dow liga ah, Puntland waxay balanqaadaysaa dhankeeda inay fududayso waxkasta oo horumarka ka qaybqaadanaya”. Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa u beyaamiyey dalalka saaxiib ka dh owla ah Soomaaliya, gaar ahaan Puntla nd ee dhinacyada ganacsiga inay kasoo qayb galaan shirka maalgashiga Puntland oo dhowaan Puntland lagu qabandoono.

"Waxaanu Sidoo kale jecelnahay inaan ugu yeedhno iyaga iyo wadamadii hore aan u tagnayba shirka maalgashiga ee Pu ntland ka dhicidoona oo aan rabno khayr aadka dihin ee dalkani leeyahay inay maa lgashtaan, sida kalluumaysiga, macdanta, beeyada iyo waxyaabaha la xiriira wax soosaarkeena”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

DIGNIIN LOO DIRAY DHAQAATIIRTA AJANBIGA EE KA HOWLGASHA HIRSHABEELLE

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka HirShabelle Cabduqaadir Aa dan Jeelle ayaa sheegay inay baaris ku ha yaan Dhaqaatiir Ajaanib ah oo aan khi brad badan laheyn,kuwaas oo ka howlgal la Magalada Baladweyne ee Xarunta Go bolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay in dhaqaatiirtaas ay hayaan xogtooda,isla markaana dadka ay u qoraan daawo aan sax aheyn,waxaana uu sheegay in baaritaanka kadib tallaabo laga qaadi doono.

Waxa uu u digay cid kasta oo uu shee gay inay ku howlan tahay falal la xiriira am nidarro inay tallaabo ka qaadi doonaan, waxaana uu dignii u diray dhaqaatiirta Ajn abiga ah ee ka howlgalla deegaanada M aamulka HirShabeelle.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Amn iga Dowlad Goboleedka HirShabelle Cab duqaadir Aadan Jeelle ayaa kusoo aad aya xilli deegaano badan oo ka tirsan maamulka HirShabeelle ay ka howlgalla an dhaqaatiir Ajnabi ah,kuwaas oo ka Sha qeeya Isbitaalo sigaar ah loo leeyahay.

CIIDANKA BOOLISKA OO GACANTA KU DHIG AY KOOX BURCAD AH

Ciidanka boliiska ayaa Habeen hore howlgal ka fuliyay degmada Warta Nadda ee gob olka Banaadir. Howlgalka ayaa lagu soo qabtay koox Burcad ah oo Shacabka deg mada dhibaato ku hayay sida ay sheegtay taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Sak iyo Xuseen.

"ka dib marka ay warbixin ka heleen shacabka degmada ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan 3 burcad oo hubaysan oo shacabka ku dhici jiray de gmooyinka Warta Nabadda iyo Yaqshiid halka mid kale isku dayay inuu fakado. Isr asaaseyn ka dib ciidanka ayaa gacanta ku soo dhigay burcadkaas” ayay tiri taliye Sakiyo. Ciidanka Booliska ayaa kordhay howl gallada ka dhanka ah Kooxaha Burc adka ah ee dadka Shacabka ah dhibaata da ku haya.

WASAARADDA WAXBARASHADA OO FARRIIN U DIRTAY ARDAYDA BERI GALEYSA IMTIXAANKA

Maanta oo ku beegan 27ka Maajo, 2019 waxaa si rasmi ah guud ah aan dal ka uga bilaaban doona imtixaanka shaha adiga ee dugsiyada sare.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Wax bara shada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xu kuumadda Federaalka Soomaaliya Mu dane Feysal Cumar Guuleed ayaa kulan wacyigilin ah u sameyay qaar kamid ahar d ayda fasalka 4aad ee dugsiyada sare ee Magaalada muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa Wax aa ka qeyb galay lataliyaal sare oo ka tir san wasaaradda waxbarashada Hidda ha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Fe dera alka Soomaaliya.

Hadafka kulanka ayaa ahaa sidii wa siir ku xigeenka wasaaradda waxbara sha da uu u dhageysan lahaa Su’aalo we ydi inta ardayda ee ku aadan imtixaanka san ad dugsiyeedka kaas oo dhici doona 27bishan oo ah maalinta bari oo isniin ah.

Lataliyaha sare ee wasaaradda waxbar shada Cabdullaahi Cabdi Cumar ayaa ard ayda kala hadlay imtixaanka iyo ardayga ku guuleesta qiimaha uu leeyahay iyo wax yaabaha ka reeban ardayga imtixaanka galaaya sida qishka moobilada oo fasalka lala galo hadalka badan iyo ardaydu in ay ka soo dib maraan xiligii loogu tala galay in imtixaanku biloowdo. Qaar ka mid ah Ar dayda fasalkaa 4aad ee dugsiyada sare ee Magaalada muqdisho oo ay ku jir aan arday araga la’ ayaa wasiir ku xige enka weydiiyay Su’aalo ku aadan imtixaan ka iyo halka uu ka dhacayo iyo gaadiidkii ay ardaydu ku tagi lahaayeen goobaha uu imtixaanku ka dhacaayo.

Mudane Feysal Cumar Guuled ayaa arda yda ka qeyb galay kulanka u sheeg ay in wasaaradda waxbarashada ay diyaa risay dhamaan goobihii lagu gali lahaa imt ixaanaadka sanad dugsiyeedka islamar kana aysan dhici doonin in arday wadada laga xiro.asiir ku xigeynka wasaaradda waxbaras hada mudane Fersal Cumar Guuleed ay aa ardayda kula dar daarmay in maalinta bari ah 27bishan oo ku began isniinta in arday walbo u diyaara garoobo imtixaanka islamarkaan uu xaadir ku aha ado gooba ha loogu talagay in uu imtixa anka ka dhaco

GALMUDUG OO KA HORTIMID GO’AAN KA SOO BAXAY XUKUUMADDA SOOMAALIYA

W/arrimaha Gudaha XS ayaa xalaysa aci say Habraaca Guud ee doorash ooyin ka dow lad goboleedyada,hayee Go’aan kaas Wasaa radda ayaa waxaa ka soo horje estay Maa mulka Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudu g Bu rhaan Maxamed Samatar ayaa she egay in aan lagala tashan Warqada kasoo baxday WA Gudaha So omaaliya ee ku saabsan dooras hooyin ka,isla markaana ay tixgelin siin wey say. Waxa uu soo hadal qaaday hadalkii xa lay kasoo baxay Guddoomiyaha Baarlmaanka Galmudug Cali Gacal ee ahaa in doo rash ada Madaxweynaha Galmudug ay dhici doon taa Afarta Bisha July ee Sanad kan.,waxaana uu sheegay in Wasa aradda arrimaha Gudaha So omaaliya ay meesha ka saartay awoodii doora shooyin ka ku lah aayeen Dowlad gobole edyada.

Isaga oo la hadlayay Idaacadda BBCda laanteeda afka Soomaaliga ayuu she egay in xilliga doorashada Galmudug ay ka dhaceyso ay ku qoran tahay dastuurka Galmudug iyo he shiiskii Galmudug iyo Ahlusuna ee dalka Jab uuti. Waa maamulkii ugu horeeyay ee ka soo horjeesta habraacad oorashooyinka dowlad Goboleedyada oo ay xalay soo sa artay Was aaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisii nta X F Soom aaliya.

Wasiir Sabriye Oo Ka Hadlay Habraa ca Doorashooyinka Dowlad Goboleedya da Dal ka Wasiirka wasaarada arimaha gudaha fedraalka iyo dib u heshiisiinta DFSoomaaliya Cabdi Maxamed Sebriye oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOAda ayaa faah faahin dheeriya ka bixi yay Habraaca loo marayo doorashooyinka Dowlad goboleedyada dalka ee Wasaa radu dhawaan shaacisay .

Wasiir Sebriye ayaa sheegay in qorsh ah ani yahay midkii horaba loogu shaqeyn jiray balse hadda kaliya uun ay shacabka u soo ba ndhigeen. Wasiirka oo arintaa ka hadlayay ay aa yiri "Wax hadda cusub oo aan soo saar nay ma jiraan, waxaan goaansanay uun inaan soo dhigno shacabka hortiisa systeaamkii) aw alba la gu dhaqmaay ay, ma jiro runtii hal qo do bna allaha ka dhi gee 27ka qodob ee aan soo bandhignay qodob ku cusub”.

Wasiirka arimaha arimaha gudaha oo la we ydiiyay waxa ay ka yeelayaan ka wasaarad ahaan Maamuladda cabashada durba ka muujiyay arintaan ayaa ku jaw aabay, "Wa saarada arimaha gudaha guud ahaan dalkaan Dimuquraadiyeytiisa, iyo Fedraaleyntiisa masu uliyadooda guud iyadaa iska leh, Wasaaradu kaalinbeey le edahay Dowlad goboleedkuna kaalinbeey leedahay mana ku fara galindoono kaalint ooda, Waxaana diyaar u nahay in aan ka la fariisano cid kasta oo cabasha ka qabta Habraaca aan soo saarnay ee loo marayo Doorashooyinka Dowlad goboleedyada”.

Hadalka Wasiirka arimaha gudaha XF S, Md,Sebriya ayaa daba socda Warqad Dorraad ka soo baxday Xafiiskiisa oo looga hadlay Hab raaca Doorashooyinka

2AAD


DAGAAKII BADER

 

Tuduca 2aad/Q/2aad

Ka dib Sacad binu Mucaad ayaa fikrad soo jeediyey oo yiri "Nabigii Allow, maan kuu dhisno waab aad joogtid, rakuub kaagana agtaada ku xirno, dabadeedna aan cadowgayaga la kulanno. Haddii Ilaah na ciseeyo oo aan cadowgayaga ka guuleysanno, waa arrintii aan jeclayn, haddii ayse sida kale noqoto, rakuubkaaga ayaad fuuleysaa, waxaadna haleelaysaa raggii naga dambeeyey. Rasuulkii Allow waxaa haray rag aannan annagu jacalkaaga ka badsan, haddii ay malayn lahaayeen dagaalna, kaama ay hareen, iyaga ayaana ku difaacaya oo kuu gargaaraya, kulan jihaadaya”.

Rasuulku SCW wuu yeelay fikradii Sacad, wuuna u duceeyey dabadeedna waabkii ayey muslimintu u dhiseen, waxayna ka dhiseen meel xoogaa korreysa oo dhinaca woqooyi bari ka xigta goobtii dagaalka waxaana waardiye qabtay koox Ansaar ah oo Sacad binu Mucaad madax u yahay. Rasuulku SCW habeenkii geed meesha ku yaalley hoostiisa ayuu salaad ku tukanayay ilaa uu waagu ka baryey.

Ka dib wuxuu subixii ku dhex socday goobtii dagaalku ka dhici lahaa, wuxuuna sii sheegay qaar ka mid ah madaxdii qureysh meelaha ku nafbixi lahaayeen isagoo gacantiisa ku ishaaraya oo leh "halkaani waa goobta hebel la dhig doono berri haddii Alle idmo, halkaanna waa goobta hebel la dhigi doono berrii hadii Alle idmo”. Muslimiintii waxay waabariisteen iyadoo ay dabooshay xasillooni, degganaan iyo aamin ahaansho. Habeenkaasi wuxuu ahaa habeen jimce ah oo bishaa Ramadaan 17 ahayd sannadkii 2aad ee hiriga. Ciidankii qureysheed wuxuu habeenkaas ku waabariistey dhinicii kore ee Badar, Allena isagoo tilmaamaya wuxuu yiri:

”XUSUUSTA MARKAAD AHAYDEEN DHINICII U DHAWAA (BADAR), IYAGUNA AHAAYEEN DHINICII KA FOGAA (BADAR), SAFARKUNA IDINKA HOOSEEYEY, HADDII AAD BALLAMI LAHAYDEENA WAAD ISKU KHILAAFI LAHAYDEEN BALLANTA, LAAKIIN ALLAA XUKUMAY ARIN UU AHAA MID SAMEEYA, SI CIDDII HALAGSAMIN SI CAD U HALAAGSANTO, CIDDII NOOLAANA SI CAD U NOOLAATO, ALLENA WAXA UU AHAADAY ALLE MAQLA OO OG”, (Surah: Al-Anfaal – Aayah 42).

Ciidankii qureysheed markuu waabariistay ayuu soo guuray oo soo degay goobtii dagaalka, ka dibna koox ka mid ahayd ayaa soo aaday darkii muslimiinta si ay biyo uga cabaan, markaasaa Rasuulku SCW wuxuu asxaabta ku yiri "iska daaya”, biyihii ayey ka cabbeen (nimankii) waxayna ku laabteen ciidankoodii. Kooxdaas biyaha cabtay goobtii dagaalka ayaa lagu wada diley illaa Xakiim ibnu Xisaam maahane, isaga lama dilin, ka dibna wuu islaamay, islaamkiisuna wuu wanaag sanaaday, markuu dhaarta ku xeel dheeraanayana wuxuu dhihi jirey Allihii maalinkii Badar iga nabad geliyaan ku dhaartay”.

Labadii ciidanba dagaal ayey isu diyaariyeen iyadoo ciidan walbaba xeeladdiisa dagaal isticmaalayo. Ciidankii qureyshtu waxay direen nin ciidankoodii ka mid ah oo la oran jirey Cumeyr binu Wahab Al-jumaxi si uu u soo kormeero una soo qiyaaso ciidanka muslimiint caddadkooda iyo hubkooda.

Cumeyr faraskiisii intuu ku dhacay oo ciidankii muslimiinta ku soo wareegay ayuu soo laabtay, markaasuu yiri "Waa 300 oo nin, ama wax yar bay ka badan yihiin ama wax yar yihiin, laakiin

bal ii suga aan soo hubiyo in wax gurmad ahi gadaal u jiro”, cabbaar markuu socday oo uu waxba soo waayey ayuu soo laabtay oo yiri "waxba ma soo arag, laakiin qureysheey waxaan soo arkay geel mayd xambaarsan, geeli Madiina u aroori jirey oo mayd xambaarsan, Ilaah baan ku dhaartaye iima muuqato in nin laga dilayo ilaa ay nin idinka dilaan, haddii ay wax gaarsiiyaan tiradiinna oo ay la tagaan (dilaad) caddadkooda in le’eg nolol

kheyr leh ma arag”.

Xakiim ibnu Xisaam, oo ah ninka ka badbaadi doona raggii biyaha soo cabbay, marku hadalkaas maqlay wuxuu u tegey Cutba ibnu Rabbiica oo uu ku yiri "Abaa Waliidow qureysh duqeedii baad tahay, waana lagu maqlayaa ee ma rabtaa in khayrka maanta lagugu sheego waligaa?”, Cutba wuxuu yiri "muxuu yahay kaasi Xakiimow?”. Wuxuu yiri Xakiim "ciidanka celi, ninkii aad xulafada la ahayd oo la oran jirey Camar ibnu Xadrami arrintiisa dusha saaro”. Cutba arrinkii wuu u riyaqay wuxuuna yuiri "xaliifkaygii buu ahaa, diyadiisii iyo maalkii laga qaatayba waa dusheyda ee Xakiimow u tag ibnu Xandaliyah (Abii Jahal) maxaa yeelay amarka ciidanka cid kale ma hayso”.

Ka dibna Cutba ciidankii buu u khudbeeyey oo yiri

EEG BOGGA 6AAD

WAXAA ISKU SOO DUBARIDEY:


Osman Bilad
Email:osmanbilad@hotmail.com

Wargelin {Fadlan la ilaali in aad dhigto kuna isticmaasho siyaaboama meelo aan mudneynqormooyinkan diini ah mahadsanid} Mahadsanid

2AAD

 

 

 

 

 

 

 

 


KA YMID BOGGA 5AAD

DAGAAKII BADER

 

"qureysheey Ilaah baan ku dhaartaye inaad Maxammed iyo asxaabtiisa la kulantaan waxba idiin tari mayso, Ilaah baan ku dhaartay haddii aad la dagaallantaan ka suuli maysaan ninku in uu ninka kale wajigiisa fiirin waayo, maxaa yeelay ina adeerkiis buu dilay ama ina abtigiis ama qaraabadiis, haddaba laabta oo isu daaya Maxammed iyo carabtaas kale oo hadii ay ka adkaadaan waa sidii aad rabteen, hadduuu ka adkaado oo boqortooyo helana idinkoo aan wax dambi ah ka gelin ayuu idiin imaanayaa, idinkuuna idinka dhashay”.

Xakiim wuxuu u tegay Abii Jahal oo canbuur bireedkiisii haysta oo ku yiri "Cutba ayaa ii soo kaa diray oo sidaas i soo yiri. Abii Jahal wuxuu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye sambabaduu ka bararay (Cutba) markuu arkay Maxammed iyo ciidankiisa ee ma jirto arrintaasi, Ilaah baan ku dhartaye ma laabanayo ilaa Ilaahay nakala xukmiyo annaga iyo Maxammed, Cutbana wuxuu arkay in Maxammed iyo asxaabtiisu yihiin rudmo hilib ah, waxaana ku jira ciidanka Maxammed wiilkiisii Xudeyfa ibnu Cutba oo uu idinkaga baqayo inaad ka dishaan”.

Cutba markuu hadalkii Abii Jahal maqlay wuxuu yiri "wuu ogaan doonaa kaayagii fulayoobay ani iyo isaga”. Abii Jahal si degdeg ah ayuu u istaagay isagoo ka baqay in fikraddaan laabashada ah ay ciidanka ku dhex fiddo, wuxuuna u cid diray Caamir ibnu Xadrami, oo la dhashay ninkii la dili jirey ee Camar ibnu Xadrami, wuxuuna ku yiri "xiliifkaagii (Cutba) wuxuu doonayaa inuu ciidanka celiyo markaad aragtay aarkaagii aad aarsan lahayd ee orod oo qayli”, markaasuu Caamir ku dhex orday ciidanii isagoo qaylinay aoo leh "waa Camaray”.

Markii labadii ciidan fagaarihii isugu soo baxeen ayaa Rasuulku SCW Allaah baryey oo yiri "Allahayow tani waa qureysh oo kibirkeedii iyo faankeedii la soo qaabishay la dagaallankaaga iyo beeninta Rasuulkaaga, Allahayow saaka halaaji”. Intaa ka dib Rasuulku SCW wuxuu isha mariyey gaaladii markaasuu wuxuu arkay Cutba oo rati guduudan saaran markaas ayuu asxaabtiisii ku yiri "haddii ragga nin kheyr leh uu ku jiro waa ninkaas ratiga guduudan saaran haddii ay adeecaana way hanuunayaan”.

Ka dib Rasuusku SCW wuxuu gudo galay inuu safayo ciidankii muslimiinta isagoo gacanta ku wata gammuun. Waxaa markaa safkii ka soo baxay nin la oran jirey Sawaad ibnu Qays, markaasaa Rasuulku SCW gamuun caloosha uga muday oo ku yiri "Sawaas is toosi”, Sawaad ayaa hadlay oo yiri "Rasuulkii Allow waad i xanuujisay ee ii qisaas”, Rasuulku SCW intuu calooshiisii fayday ayuu yiri "ka aarso”, Sawaad intuu Rasuulka SCW isku duubay ayuu caloosha ka dhunkaday.

Rasuulka SCW ayaa waydiiyey "Sawaadow maxaa arrinkaa kugu xambaaray?” Sawaad wuxuu yiri "Rasuulkii Allow waxaan u jeedo ayaa yimid, sidaa darteed waxaan jeclaystay inuu ahaado waqtiga iigu kaa dambeeya jirkeyga oo jirkaaga taabta”, markaas ayaa Rasuuku SCW kheyr ugu duceeyey.

Ka dib markii uu Rasuulku SCW safiddii dhammeeyey ayuu ciidankiisii amray in aysan dagaalka bilaabin ilaa uu amar kama dambays ah bixiyo. Waxaa kale oo uu u sharraxay arrin ka mid ah bilowga dagaalka oo wuxuu yiri "haddii ay idin hareereeyaan gammuunadiinna ku gana, seefahana ha siibannina ilaa ay idin dul yimaaddaan”, ka dib wuxuu aaday waabkii isaga iyo Abuubakar, Sacad ibnu Mucaad iyo koox uu watana waardiye ka qabteen.

Dhinaca mushrikiintana Abii Jahal oo hoggaamiye ahaa ayaa Ilaahay baryay oo yiri "Allahayow kaayagii qaraabada gooyey oo waxaannaan aqoon la yimid saaka halaaji, Allahayow kaayagii loogu kalgacayl badan yahay agtaada oo loogu raalli ahaansho badan yahay maanta u gargaar”, arrintaas Ilaahay wuu ka aqbalay oo Abii Jahal wuxuu baryeyey ayuu helay.

Allena isagoo arrintaa tilmaamaya wuxuu qur’aankiisa ku yiri:

”HADAAD KALA XUKUMID DALABTEEN (GAALO) WAXAA IDIIN YIMID GARGAARKII (ALLE UU U GALAY RASUULKIISA SCW), WAXAANA IDIIN KHAYR INAAD REEBTOONAATAAN, HADDIISE AAD KU NOQOTAAN (LA COLAYTANKA DIINTA ALLE) ANAGUNA WAANU KU NOQON (U GAR GAARIDDA RASUULKA SCW), WAXNA IDIIN TARI MAYSO KOOXDIINU (CIIDANKIINU) HABA BATEE, ALLENA WAXA UU LA JIRAA MU’MINIINTA”, (Surah: Al–Anfaal 19).

Waxaa la yaab ah in Abii Jahal isagoo Ilaahay iyo Rasuulkiisii la dagaallamaya uu haddana hadalladaas ku duceysanayo oo uu weliba isu arko inuu isaga xaq ku taagan yahay. Taani waxay la mid tahay maahmaahda soomaaliyeed oo ah; Nin walba qumanihiisaa qoorta ugu jira. Sida badanna qofku haduu og yahay inuu baadil ku taagan yahay wuu ka haraa mid caniid ah (madax adag) oo hoogey maahane, laakiin haddii uu isu haysto in uu xaq ku taagan yahay waligiis kama haro, qolo walbana waxay leedahay; anagaa xaq ku taagan”, hase yeeshee xaqu ma qarsoomo, mana qaybsamo, Ilaahay baana ummadda kala saari doona.QEYBTA 2AAD DHAMMAAD

LASOCO QEYBTA 3AAD

WAXAA ISKU SOO DUBARIDEY:
Osman Bilad
Email:osmanbilad@hotmail.com

Wargelin {Fadlan la ilaali in aad dhigto kuna isticmaasho siyaabo ama meelo aan mudneyn qormooyinkan diini ah mahadsanid} Mahadsanid

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip