HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DSAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 22-DKA MAY 2019-KA

0
Wednesday May 22, 2019 - 09:17:14 in Wararka by
  • Visits: 1093
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DSAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 22-DKA MAY 2019-KA

    MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO AMAR SIIYAY BOOLISKA GOBOLKA MUDUG Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulalahi Deni oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu kulamo amniga looga hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO AMAR SIIYAY BOOLISKA GOBOLKA MUDUG Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulalahi Deni oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu kulamo amniga looga hadlayay la qaatay saraakiisha Ciidamada Booliska Gobolka Mudug, Nabadoonada iyo Ganacsatada Gobolka gobolkaas.

 

saar-696x464

Kulamadaas ayaa inta badan waxaa looga hadlayay ariimaha amniga,waxaana Madaxweyne Deni iyo mas’uuliyiintii uu la kulmay ay siwadajir ah uga hadleen sidii loo xaqiijin lahaa amniga deegaanada Maamulka Puntland uu ka maamulo Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulalahi Deni ayaa sheegay in Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ay waajib ku tahay sugida amniga,iyaga oo garab ka helayo waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada,isla markaana ka maamul ahaan waxyaabaha looga baahan yahay ay diyaar u yihiin.

Waxa uu saraakiisha Ciidamada iyo waxgaradkii uu la kulmay uu ka dalbaday inay sugida amniga la kaashadaan Maamulka Galmudug oo ay wada maamulaan deegaano ka

XUKUUMADDA FS OO FARRIIN U DIRTAY GANACSATADA SOOMAALIYEED

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soo maaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo shalay warbaahinta kula had lay xafiiskiisa ayaa digniin u diray ganac satada Soomaaliyeed ee ay hantidoodu taallo dalka dibaddiisa, wuxuuna ugu baaqay in ay xaqiijiyaan ammaanka dhaq aalahooda.

Wasiir Beyle ayaa hoosta ka xariiqay in dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool looga baahan yahay in ay dhegtu u taagnaato, wuxuuna tibaaxay in halka kaliya ee hantidooda ku nabad geli karto ay tahay gudaha dalkooda, isagoo kula dardaarmay in ay ku soo guryo noqdaan dalkooda Hooyo.

Hadalkan ayaa imaanaya, xilli uu mud dooyinkii ugu dambeeyay uu khilaaf ka dhex jiray dowladaha Soomaaliya iyo Ken ya, waxaana hadda muuqata in khilaa fkaas oo awal ku koobnaa dhinaca xiriirka Diblumaansiyadda ee labadda dal, in uu u sii gudbay dhinaca dhaqaalaha iyo ganac siga.Kenya ayaa daraad u diiday in ay garoonka Joma Kenyatta ka baxaan wafdi ka socday DFS oo dalka Kenya u tagay ka qeyb galka shir ka furmi lahaa caasimadda dalkaasi ee Nairobi, waxaa na dib loogu soo celiyay magaalada Muq disho.

WEERAR LAGU QAADAY SALDHIG CIIDAMADA KENYA KU LEEYIHIIN JUBBADA HOOSE

Wararka laga helayo Gobolka Jubbada Hoose ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal culus uu deegaanka Jaziirada Kudhaa uu ku dhexmaray Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo AlShabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii AlShabaab ay weerareen Saldhig Ciida mada Kenya oo ka mid ah howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Ku dhaa,waxaana dadka deegaanka ay shee geen in uu halkaasi ka dhacay dagaal mudo socday.Weli lama oga khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray labada dhinac,hayeeshee warar ay AlShabaab ku qoreen Baraha Internetka ayaa waxaa ay ku sheeegeen in mudo kooban la wareegeen Saldhigyadii ay weerareen.

Saraakiisha Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland weli kama hadlin dagaalka deegaanka Jaziira Kudhaa ku dhexmaray Ciidamada Kenya,kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo AlShabaab.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Jubbooyinka ayaa inta badan waxaa ka dhaca weeraro ay fuliyaan AlShabaab,iyada oo Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay sheegaan inay iska difaacaan weerarda kaga yimaada dhinaca Ururka AlShabaab.

DENI IYO XAAF OO KULAN KU LEH M/ GAALKACYO

Madaxweyneyaasha maamullada Galmudug iyo Puntland Saciid C/laahi Deni iyo Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay kulan ku yeeshaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Kulankan ayaa diirada lagu saari doonaa xaaladda Mudug iyo sidii loo xoojin lahaa nabadda gobolkaasi.

Xaaf-iyo-Deni-324x235Sidoo kale labada mas’uul ayaa ka wada hadli doono arrimo ku aadan xaaladda guud ee dalka.

Madaxweyne Xaaf oo shalay gaaray Gaalkacyo ayaa ayaa sheegay in kulanka uu la qaadanayo dhiggiisa Deni ay ka soo saari doonaan War Murtiyeed.

Labada maamul oo daris ah ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriiy xoogan iyo wada shaqeyn ku aadan nabad galyada gobolka ay wadaagaan ee Mudug.

KENYA OO KA HADASHAY GO'AANKII LAGU SOO CELIYAY MAS'UULIYIINTA DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Dowladda Kenya ayaa markii u horreysay ka hadashay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda oo wasiir iyo xildhibaanno ay ku jireen oo loo diidday dal ku galka dalkaas, habeen horena ku baryay garoonka diyaaradaha ee Nairobi.

MADAXDA-LOO-DIIDAY-2-740x409

Waxa dhaliyay iyo mas'uuliyiinta ay dib ugu soo noqdaan Muqdisho iyaga oo aan gudaha u galin Nairobi ayaa lagu sheegay in laga rabay fiisaha dal ku galka inay kaga soo qaataan safaaradda Kenya ay ku leedahay magaalada Muqdisho,sida uu ku warramay wargeyska Daily Nation oo xigtay saraakiil ka tirsan Waaxda socdaa lka dalka Kenya oo magacooda qariyay.

Waxa ay sheegeen in dowladda Soomaa liya ay ku wargaliyeen inuu dha cay is bed del cusub oo dhinaca socdaalka ah, taa soo keentay in xubnaha dowladda Soom aaliya la faro inay dib ugu laabtaan Muqdi sho, ayna tagaan safaarad da Kenya ee magaalada Muqdisho.

Xubnaha ka tirsan dowladda Soomaal iya oo dib shalayy ugu soo laabtay maga alada Muqdisho ayaa kala ah,Wasiir kuxi geenka Tamarta Soomaaliya Cusmaan Libaax iyo laba Senator oo ka tirsan Aq alka Sare, kuwaasoo kala ahaa Ilyaas Cali Xasan iyo Zamzam Daahir,iyagoo qorsha hooda uu ahaa in shalay oo Talaado ah ay magaalada Nairobi uga qeyb galaan Barnaamij uu maalgeliyay Midowga Yur ub, kaas oo looga hadlayo sida loo maamulo khilaafyada ka dhasha isaga gudbidda soohdimaha. Dowladda Soom aaliya ma jiro illaa hadda warbixin ka soo baxday oo ku aaddan go'aanka ay Kenya dal ku galka uga diidday mas'uuliyiinta ka tirsan xukuuma dda iyo Baarlamaanka.

XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY OO CANAANTAY DOWLADDA SOMALIYA

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters, ayaa si kulul uga hadlay tayada iyo shaqada dowladda Soomaaliya ee hadda jirta.

Warbixin cusub oo uu soo saaray Mr Gutteres ayuu ku sheegay in dib u dhiska Hay’addaha dowliga ah horumar laga sameeyay laakiin Madaxda Soomaaliya ee hadda joogta ay ku fashilmeen la dagaallanka argagixisada, ka hortagga argagixisada, dagaallada, xasilooni la’aanta siyaasadeed iyo la dagaallanka musuq maasuqa.

Mr Gutters ayaa sheegay in bilihii March iyo April ay weerarradii ugu badnaa ka dhaceen Muqdisho taas oo muujinaysa tabar yarida dowladda, waxaa uu intaas ku daray in ay tahay wax laga xumaado in mudadaas kooban ay 77 qarax iyo weerarro ka dhacaan Muqdisho.

Waxaa uu intaas raaciyay in ay tahay weerarradii ugu badnaa ee muddadaas AlShabaab ka geystaan Soomaaliya tan iyo 2016kii, isaga oo xusay in qaraxyada u badan Miinooyinka yihiin farsamada ugu badan ee hadda ay adeegsato AlShabaab.

Warbixinta Gutteres ee uu daraad ka horjeediyay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayuu sidoo kale ku sheegay in hawlgallada Ciidamada dowladda ay kordheen mudadaas sidoo kalena weerarrada dhinaca cirka ah ee ka dhanka ah AlShabaab ay sare u kaceen

DIYAARAD AY LAHAAYEEN MILLITERIGA MAREYKANKA OO BURBURTAY

Diyaarad nooceedu ahaa Harrier Fighter ayaa daraad ku burburtay Gobalka North Carolina, waana Diyaaradii 4aad ee ay Ciiddanka dalkaasi leeyihiin ee bi shan gudaheeda burburtay. Duuliyihii Diyaarad da oo Baarshuut kaga booday Diyaarad da, waxaa soo gaaray dhaawac yo.Maalmo ka hor, Diyaarad Dagaal oo no oceedu ahaa F16 ayaa ku burburtay Koo nfurta Gobalka Kaliforniya, iyadoo Duuliy ihii ka badbaaday, inkastoo ay ku dhaawa cmeen 11 qof oo dhulka joogay.

Tan iyo bilowgii bishan May waxaa la sheegay inay Milliteriga Maraykanka ka burbureen 4 Diyaaradaha Dagaalka ee tababarka lagu qaato, kuwaasi oo noocyadooda kala ahaayeen T 45 iyo T 6.

GUDDOOMIYE CUSUB OO LOO MAGAC AABAY DEGMADA CEELBERDE (WAREEGTO)

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Dib u Heshiisiinta iyo dowlaha hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa waxaa uu xilkii ka qaaday Guddoomiyihii degmada Ceelberde ee Gobolka Bokool,iyadoo mid cusub loo magacaabay.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Abuukar Cabdi ayaa waxaa Guddoomiyaha cusub ee degmada Ceelberde ee Gobolka Bokool loogu magacaabay in uu noqdo Haadi Siraad Cumar,isla markaana waxaa xilkii laga qaaday Cabdifitaax Cumar Maxamed oo ahaa Guddoomiyihii degmadaas.

Degmada Ceelberde ayaa waxaa ay kamid tahay Degmooyinka ka tirsan Gobolka Bakool ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

KENYA OO XIRTAY QAAR KAMID AH XAWAA LADAHA SOOMAALIDA EE MAGAALADA NAYROBI

Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in la xiray qaar kamid ah Xawaaladaha Soomaalida ay ku leedahay dalkaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Kenya ayaa waxaa la sheegay inay Albaabada isugu dhufteen 5 kamid ah Xawaaladaha Soomaalida ay ku leedahay ee Magaalada Nairobi.

Arrintaan ayaa waxaa loo maleynayaan in ay daba socoto falkii habeen hore habeen hore loogu lagu xanibay Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport ee dalka Kenya Wasiir kuxigeenka Tamarta iyo Biyaha Cusmaan Libaax, Senator Ilyaas Cali iyo Senator Zamzam Dahir oo ka tirsan Aqalka Sare,kuwaasi oo loo diidday in Baasabooradooda Diblomaasiga loogu dhufto fiisaha dal ku galka Kenya.

MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO LA KULMAY WAKIILKA MIDOWGA AFRIKA EE

A Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Aqalka Martida shalay oo talaado ah ku qaabilay Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, iyo Taliyaha AMISOM Tigabu Yil ma Wondimhunegn iyo Masuuliyiin ka le.

Kulan gaar ah kadib waxaa Saxaafada la hadlay Madaxweynaha iyo Danjire Ma deira.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la isku raacay sidii howlgalada amniga loo xoojin lahaa iyadoo la isku furayo wadooyinka ay xireen AlShabaab. Madaxweynahu wu xuu intaas ku daray in Arimaha doorashoo yinka la isla soo qaaday la iskuna raacay in Hay’adaha Amniga Jubbaland ay ku filan yihiin sugida Amniga Doorashooyinka.

Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in howlgalka AMISOM uu qorshaynayo sidii Ciidamada Soomaalida loogu wareejin lahaa Amniga dalka waxaa uu intaas ku daray in wararka la isla dhexmarayo ee la xiriira in is badal lagu sameeyay Ciidamada AMISOM ee jooga Jubbaland ay yihiin waxba kama jiraan dhamaana ay ahaan doonan sidii ay markii hore u howlgalayeen.

AMISOM ayuu wakiilku sheegay in ayna faraha la galaynin Arimaha doorashooyinka wixii kaalmo ah ee Jubbaland ay uga baahatana ay la garab taagan yihiin wuxuu xusay in ay rajaynayaan in doorasho xalaal ah ay ka dhacdo Jubbaland.

MUWAADIN SOOMAALI OO DHOWR SANNO KU XIRNAA MAREYKANKA OO LA SII DAAYEY

xabsiMaxamed Axmed Cali ayaa daraad laga sii daayey Xabsi ku yaalla ma gaalada New Hampsh ire ee Gob alka New Engl and ee dalka Britain, kadib, mar kii muddo 2sanno iyo 7 bilood ku xirnaa Xabsiyo ku kala yaalla 6 Gobal oo ka tirsan Goballadda Mara ykanka.

Siidayntiisa ayaa waxay ka damba ysay, kadib, markii ay Hay’adda u dooda Xorriyadda Maddaniga Maraykanka ee ACLU dhawaan buuxiyeen Galdacwa deed ay ku codsadeen in la sii daayo Muw aadinka Soomaalida ee sharcidarr adda u xirnaa.

Saraakiisha Hay’adda ACLU waxay sheegeen inuu Maxamed Axmed Cali isku dayey inuu qaab sharci ah u soo galo De ked ku taalla magaalladda San Diego san nadkii 2016kii, balse ay Saraakiisha Hay ’adda Socdaalka iyo Canshuuraha ay xireen, iyagoo aan wax fursad ah u siinin in loo gudbiyo Maxkamadda.

Mar uu la hadlay Telefishinka WMUR 9 waxa uu u mahad celiyey Hay’adda u do oda Xorriyadda Maddaniga Maraykan ka ee ACLU iyo Qareenadiisa ee gacan ka geystay sidii uu uga soo bixi lahaa Xabs iga.

Maxamed Axmed Cali waxa uu sheegay inay Saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Canshuuraha ee ICE jirdileen, muddadii ay socotay Iskudaygii fashilmay ee lagu masaafurin lahaa.Waxa uu xusay inay Ka tiinad kaga xireen lugaha, isla marka ana uu u xirnaa Garbaduub, loona geys tay jirdil iyo cabsigelin kale. Waxa kale oo uu sheegay inuu weli ka walaacsan yahay Ammaankiisa, isagoo sheegay inuusan doonaynin in Wejigiisa lagu soo bandhigo Shaashadaha.

Saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Canshuuraha Maraykanka ee ICE waxay sheegeen inaysan ka jawaabi Karin eedeymaha loo soo jeediyey.

Dhinaca kale, Maxamed Axmed Cali waxa uu hataan doonayaa inuu sii joogo Maraykanka, isagoo sii maraya qaabka Mgaangelyodoonka.

Waxa uu ka mid ahaa 92 qof oo Soomaali oo dacwad ku soo oogay Dowladda Maraykanka, kadib, mar kii iyagoo lugaha iyo gacmaha ka jeebadaysan ay muddo 2 maalmood dhex yurureen Diyaarad la doona yey in dib loogu celiyo dalka Somalia sannadkii 2017kii.

co-750x430Xil.C/Qaadir COSOBLE,” 7 FEBRAAYO 2021 HADDII DOORASHO AYSAN KA DHICIN DALKAAN WUXUU YEELAN DOONAA 10 MADAX WEYNE

Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka h lay muddo kor dhin uu sheegay in ay doonayaan ma dax da dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Cosoble ayaa sheegay in madaxda dowladda Soo maaliya ay doon ayaan inay helaan fursad labo sano oo dheeraad ah oo ay doon ayaan inay ku darsadaan, taasina aysan ka soconeyn dalka, sida uu hadalka u dhi gay.

Wuxuu sheegay in madaxda dalka ay durba soo jeedintooda ku aadan in mud dada loo kordhiyaa ay u direen qaar ka mid ah madaxda dalalka caalamka.

Bisha Febraayo ee sanadka 2021 ayuu sheegay in loo baahan yahay in dalka ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya, haddii taasi aysan dhicina in dalka uu yeelan doono 10 madaxweyne.

"Waxaan og nahay inay doonayaan mud do kordhin inay sameeyaan madaxda had da talada haya, taasina suuragal maaha, oo waxayba hadda Proposal u direen dalalka caalamka iyaga oo u sheegaya in muddo kordhin loo sameeyo”

"7 Febraayo 2021 haddii doorasho aysan ka dhicin dalkaan wuxuu yeelan doonaa 10 Madaxweyne”ayuu yiri Xildhibaan C/qa adir Cosoble.

Xisbiyada kala duwan ee dalka ayaa wal aac ka muujinaya muddo kordhin ay sheegeen inay doonayaan inay sameyn

karaan madaxda dowladda Soomaaliya.

HORMUUD FOUNDATION OO DEEQ LACA GEED GAARSIISAY ISKUULKA DHAGOOLAY AASHA SEDDCO EE MUQDISHO

Hormuud FONTION OO DEEQ SIISAY DHAGOOLAYAALDeeqdan dhaqaalle oo ay Hay’adda Hor muud Telecom Founda tion gaarsiisay ard ayda dhagoolayaasha ee wax kabarta Du gsiga hoosedhex iyo sare ee SEDDCO oo ku yaalla Degmada Dharkeenley ee G/Banaadir ayaa waxa uu qeyb ka yahay ma shaariicda heyada ah oo ay fuliso inta lagu guada jira Bisha Bara keysan ee Ra madaan.

Cabdifaatax Mubaarak Maxamed oo ah maamulha Iskuulkaasi ayaa madaxda Hay’adda uga mahd celiyay deeqdan dha qaalle ee Shalay la gudoonsiisay, maad aama ay u baahi qab aan Macal imt iinta wax ka dhigta Iskuulka.

Guddoomiyaha Hay’adda Hormuud Te lecom Foundation Md. Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa Qiray in Mar walba Maam ulka Hay’adda Hormuud Foundat ion u taag an yihiin sidii ay dad ka Soomaa liyeed ee dhibaateysan u Caawinlahaaye en,isla markaana ay wax wan aagsan u qaban doonaan.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in tani ay qeyb ka ta hay Dadaalo dheeraad ah oo ay Hay’adda Hormuud Foundation ay ku caawineyso Dadka ay ku adagtahay in ay maareeyaan Noloshooda Inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

RA’IISUL WASAARE KUXIGEENKA DALKA OO U AMBABAXAY TURKIGA

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS (XFS) Md.Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa shalay safar sha qo ugu baxay dal ka Turkiga.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe, Cabdir axmaan Maxamed Cabullaahi, iyo maaree yaha dekadda Muq disho, Axmed Maxa med Maxamuud ayaa kamid ah wafdiga Ra’iisul Wasaare kuxigeenka hoggaa min ayo ee u baxay dalka Turkiga.

Md. Mahdi ayaa inta uu joogo Turkiga waxa uu kulamo la qaadanayaa mas’uulyi in kamid ah dawla dda Turkiga.

WARARKII UGU DAMBEEYAY DAGAAL KA QARXAY GOBOLKA SANAAG

Wararka naga soo gaaraya degaanka lagu Magacaabo Damalla Xagarre ee koo nfurta gobolka San aag ayaa sheegaya in hadda uu halkaasi ka bilowday dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo Pun tland.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Was iir ka tirsan maamulka Puntland uu ga aray degaankaasi oo ka mid ah degaa na da ay ku muransanyihiin maamulada Pun tland iyo Somaliland.

Wasiirka waxbarashadda Puntland ayaa kormeer ka waday degaanno ka mid ah gobolka Sanaag oo uu ka socday imtixa anka guud ee dugsiyadda Sare ee Pun tland. Wararka ayaa sheegaya in uu dag aalku uu bilowday kadib markii ciida mo ka tirsan Somaliland ay weerar ku qaade en wefdi uu hoggaaminayo wasiirka waxb arashada Puntland oo marayay degaanka Damalla Xagarre balse weli faahfaahin lagama hayo khasaaraha dagaalkaasi.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO SHEEGAY IN LA XOOJIN DOONO LAAMAHA AMNIGA GOBOLKA MUDUG

Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabd ullaahi Deni ayaa kormeer ku sameeyey xarumaha qeybta Booliska gobolka Mu dug, saldhigga dhexe ee Booliska Gaalka cyo, Dambi Baarista iyo Isbitaalka Weyn ee maagalada Gaalkacayo.

Kormeerka Madaxweynaha oo ay ku wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan Gole yaasha dowladda iyo taliye kuxigeenka 2aad ee Ciidanka Booliska Puntland ayaa waxaa uu Madaxweynuhu kormeerkiisa ka bilaabay Saldhigga dhexe ee Gaalkac ayo, qaybta Booliska gobolka iyo deni bar ista.

Madaxweynaha ayaa xarunta qeybta Booliska gobolka Mudug kula hadlay Sara akiisha laamaha ciidanka Booliska gobo lka iyo degmada Gaalkacayo.

"Booliiska waa halbowlaha nabadda uma dda, hadaan nabadi Jirin horumar ma jiro, hadaan boolis jirina nabaddi ma jirto, wa an dareemi karnaa xaaladda lagu jiro iyo wakhtiyada la soomaray, kormeerkeena markii uu dhammaado waxaan rajeynay naa in uu qorshe cad kasoo boxo wixii cii danka la gudboona iyaga ayaa looga baa han yahay, wixii dowladda looga baahan yahayna waa balan qaadaynaa." ayuu yir madaxweynuhu.

Dhinaca kale,Madaxweynaha ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka weyn ee ma gaalada Gaalkacayo oo dhisme uu ku so cdo marayana heer gebagebo ah, Mad axweynaha ayaa halkaas kulan kula qaa tay maamulka cisbitaalka iyo guddiga horumarinta gobolka Mudug.

"Gaalakacayo waa ubucdii Soomaa liya, waa meel aad u muhiim ah, Isbitaalku ha noqdo mid caafimaad saldhig u ah iyo horumarada kale ee Soomaaliya iyo Pun tlandba muhiim ayeey u tahay waxaa wax lagu farxo ah in cisbitaalku uu soo sa aro dhakhaatiir, dhaakhaatiirta dalka lagu tabarucona waxaa ay ka fiican yihiin kuwa dibadda lagu tabaruco, waayo waxay xog ogaal u noqonayaan baahiyaha iyo qaab ka loogu shaqaynayo bulshada." ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntl and ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa korme er ku sameeyey dhismaha cusub ee Isbitaalka oo heer gebogebo ah maraya oo loo dhisay qaab casri ah, waxaana uu madaxweynuhu ku boggaadiyey gudiga dhismaha cisbitaalka dedaalka balaadhan ee a y muujiyeen iyo heerka wanaagsan ee ay soo gaarsiiyeen dhismaha

IRAN OO SI KULUL UGU HANJABTAY MAREYKANKA

Dowlada Iiraan ayaa si kulul uga jawa abtay hanjabaad ka soo yeertay Mare ykanka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ay aa Mareykanka ugu baaqay in ay jooji yaan hanjabaada ay Iiraan u jeedinayaan.

iiranWasiirka arrimaha di badda ee Iiraan Moh ammad Javad Zarif ayaa si wayn u qaa da cay hadalkii ka soo yeeray Madaxw ayne Trump ee ahaa "in Iiraan ay baab’in don aan”

Mr Zarif ayaa uga digay Mareykanka inay u hanjabaan Iiraan. Wasiirka arrima ha dibadda ee Iiraan Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in madaxwaynaha Ma reykanka ay tahay in uu dib u milicsado taariikhda.

"Iiraan si geesinimo leh ayay ugu ista agtay iyada oo dhammaan dadkii soo wee raray ay tageen aan is xusmayno” ayuu yiri Mr Zarif.

Abaanduulaaha ciidamada Iran Ali Ha jilou ayaa dhankisa sheegay in Mareykan ka iyo cadawga Iran aysan awood u laha yn in ay dalkooda ay ka adkaadaan.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in haatan uu Mareeykanka uusan lahayn awood mil atari oo u ku weeraro Iran, arrintaasi oo ay sida oo kale toodobaadkii hore ka dhiidhi yeen ciidamada Kacaanka Islaamka ee Iran.

Abaanduulaha ayaa sida oo kale shee gay in waqooyiga dalka uu si adag isugu diyaariyay weerar kasta oo kaga yimaa dda cadawga Iran.

”Mareykanka waxaa uu Iran kula daga alamayaa warbaahinta oo uu adeegsana yaa in uu Iran cabsi geliyo.”

XILDH. ILHAAN CUMAR OO TAAGEERO U MUUJISAY DADKA ISKU JINSIGA AH EE ISU GALMOODA.

Xildhibaanadda soomaalida ah ee laga soo doorto gobolka Minnesota ee dal ka Mareykanka, Ilhaan Cumar, ayaa Aqa lka Congresska geysay hindise sharc iyeed difaacaya xuquuqda dadka isku jin siga ah ee isu galmooda.

Waxayna dooneysaa in arrimaha soc daalka laga hor istaago qof kasta oo ga can ka geysatay fulinta sharci laga me elmariyay boqortooyada dalka Brunei, ka as oo dhigaya in la mamnuucay in ay isu galm oodaan dadka isku jinsiga ah.

Sharciga dalka Brunei ayaa dhigaya in dadka lagu helo in ay isu weeydaarteen iyaga oo isku jinsi ah, in lagu xukumayo dil dhagax ah (rajmin).

Ilhaan oo fariin soo dhigtay boggeeda Twitterka ayaa sheegtay in sharcigan ay oga gol leedahay in ay oga hor tagto wax ay ku tilmaamtay «Naceybka iyo dulqaad la’aanta kala aragti duwanaanta», sida ay ha dalka u dhigtay.

War qoraal ah oo ay soo dhigtay bog ay ku leedahay internetka oo ay kaga hadl aysay sharciga boqorka Brunei uu dhow aan shaaciyay, ayay ku tiri «Sharci gan waa mid lid ku ah qiyamkeena xuquuqda aad anaha, waana in lagu dhaleeceeyaa ereybixinnada ugu xoogga badan».

Sharciga ay Ilhaan Congresska hor gey say ayaa quseeya in xayiraad la saaro isla markaasna laga hor istaago in uu ganacsi la yeesho Maraykanka qof kasta ama shir kad kasta oo gacan ka geysata hirgelinta sharciga cusub ee Brunei ee ka dhanka ah dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.


GOLAHA AMMAANKA OO BOGGAADIYAY KORARKA DAKHLIGA DOWLADDA SOMALIYA

Warbixin uu soo saaray golaha ammaan ka oo looga hadlay xaaladda uu marayo dalka Soomaaliya ayaa lagu muujyay guu lalaha laga gaaray dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay gelisay kor u qaadidda dakhliga gudaha si ay u gaarto isku filnaansho dhaqaale.

Warbixnta ayaa lagu caddeeyay in dakhliga gudaha dalka Soomaaliya laga soo aruuriyay intii u dhexeysay January iyo November 2018 uu ka badnaa sannad kii ka horreeyay uuna gaaray $161 Million.

Sannadkii 2017 ayaa warbixinta lagu she egay in dakhliga guduhu ahaa $142.6 million.

Qoraalkaan golaha ammaanka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dakhligaas badan ee gudaha ka soo xarooday uu ahaa natiijada kasoo baxday dadaaal ball aaran oo joogta ah oo la geliyay aasaaska canshuur qaadisata, hagaajinta iyo awoo daynta hannaaka canshuur aruurinta iya da oo bishii June 2018 la sameeyay xafiis cusub oo canshuuraha u gaar ah.

GOLAHA AMMAANKA OO U RIYAAQAY SIDA AY SOOMAALIYA UGA GO’AN TAHAY DHAM EY STIRKA BARNAAMIJKA DEYN CAFINTA

Warbixin golaha ammaanku uu kasoo saaray arrimaha Soo maaliya ayaa lagu sheegay in barnaamijka dayn cafinta dal ka wajigiisa sedaxaad (SMP3), barna ami jka socda ee xoojinta awoodda dada all ada lagu hagaajinayo dakhliga gudaha ka soo xarooda iyo hannaanka lagu wada qancay ee dowladdu u dhaqan glisay dha mmaan shuduudihii ku xirnaa dibuhaba ynta dhaqaalaha ay muujiyeen sida DFS ay uga go’antahay ka guul gaaridda barn aamijka dayn cafinta dalka.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu she egay in barnaamijka SMP3 uu watay had afyo waawayn oo ay kamid ahaayeen in si dhaqsa ah loo dhaqan geliyo isbedelka qa ab dhismeedaka bangiga dhexe ee dalka, dadaallada la dagaalanka musuqa iyo isla xisaabtanka oo ay qayb ka yihiin samay nta shariciyada muhiimka u ah ka gun gaa ridda hadafyadaas waa wayn.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in intii lagu guda jiray doodda heerkeedu sarreeyo ee lagu qabtay Washington D.C, in dhinacy ada daymaha ku leh Soomaaliya iyo deeq bixiyayaashuba ay xaqiiqsadeen in horum ar wayn la gaaray, dibuqaab ay nta hay’ adaha dhaqaalaha arrinta as oo dalka soo gaarsiisay heerka go’aannada looga gaaro wadamada faqriga ah ee sida xad dhaafka ah u daymaysan (HIPC). Warbi xnta golaha amm aanka ayaa lagu sheeg ay in dhammaan dhinacyada muhi imka ah ee daymaha ku leh Sooma aliya ay ka hadleen dareenkooda ku aaddan taagee rada qorshaha daynta looga cafin ayo So omaaliya, maadaama ay ku qanc een sida ay uga soo bexeen shuru udihii laga doo nayay in kasoo gudb aan.Warbixinta ayaa lagu sheegay in magac aabistii guddoom iyaha Bangiga dhexe ay ahayd tillaabo wa naagsan oo muujinaysa in Soomaaliya ay xaqiijisay hadafyada dibuhabaynta dhaq aalaha dalka.

SAFIIRKA MIDOWGA AFRIKA OO KISMAAYO SHALAY GAARAY AYAA BEENIYAY IN ISBED DEL LAGU SAMEEYAY CIIDAMMADA AMIS OM EE HALKAA KU SUGAN

Madaxweynaha dowladgobolleedka Ju bbaland ,Axmed Maxamed Islaam ayaa shalay ku qaabilay magaalada Kismaayo wafdi uu hoggaaminayo safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya ,Francisco Caetano Madeira ,taliyaha AMISOM Tigabu Yilma Wondimhunegn iyo mas'uuliyiin kale.

Kulan gaar ah kaddib waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay madaxweynaha Jubbaland iyo danjire Madeira,iyadoo ma daxweynaha Jubbaland uu sheegay in la isku raacay sidii howlgalada amniga laa xoojin lahaa iyadoo la isku furayo wadd ooyinka ay xireen kooxda alShabaab.

Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in arrimaha doorashooyinka la isla soo qaaday la iskuna raacay in hay'adaha amniga Jubbaland ay ku filan yihiin sugida Amniga doorashooyinka.

Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in howlgalka AMISOM uu qorshaynayo sidii ciidammada Soomaalida loogu wareejin lahaa amniga dalka waxaa uu intaas ku daray in wararka la isla dhexm arayo ee la xiriira in is beddel lagu same eyay ciidammada AMISOM ee jooga Jubbaland ay yihiin waxba kama jiraan dhammaana ay ahaan doonan sidii ay markii hore u howlgalayeen.

" Ma aha wax jira hadallada ku aaddan in isbeddel lagu sameeyay ciidanka AMIS OM, dhammaana ciidammada waxay joog aan halka ay horey u joogeen.. imaatinke enna Kismaayana wuxuu la xiriiray sidii aan warbixin uga siin lahayn madaxwey aha Jubbaland go'aankii golaha amniga ee la xiriiray in ciidammada Soomaaliya la gu wareejinayo amniga." ayuu yiri safiir ka Midowga Afrika ee Soomaaliya .

Madeira , waxaa xaqiijiyay AMISOM inay san arrimaha siyaasadda ee Jubbaland faragelin doonin oo wixii kaalmo ah ee Ju bbaland ay uga baahatana ay la garab taa gan yihiin wuxuu xusay in ay rajaynayaan in doorasho xalaal ah ay ka dhacdo Jubb aland. Hadalka wakiilka Midowga Afrika ayaa meesha ka saaray hadalheyn ku aad dane yn in ciidammo Itoobiya lagu wareej inayo amniga ama xataa goobaha muhiim ka ah ee garoonka diyaaradaha Kismaayo uu ka mid yahay lagu wareejinayo ciidam

mo dheeraad ah.

DAGAALKII BADAR

Qeybta | 1aad

Waxaan soo marnay inuu Rasuulku (scw) muddo hal sano ku dhow uu ciidamo dirayey isagoo rabay inuu qureysh dhaq aaleheeda curyaamiyo oo ka gooyo jidka ganacsigoodu ku xiran yahay maddaama ay xoolihii muslimiinta dheceen, kana soo saa reen guryahoodii, maalkoodii iyo ehelkoodii, ayna tahay qureyshi codowga ugu daran islaamka iyo muslimiinta intaasna soo dhibayey.

Muslimiinta iyagoo ka jawaabaya falalkaas xun xun ee qure ysh waxay ka joojiyeen safaradii u kala socday Shaam iyo Mak ka oo dhaqaalahoodu ku xirnaa. Qureyshi aad ayey arrintaa uga xumaatay, jidkiina ciriiri ayuu ku noqday ilaa ay ku kalliftay inay maraan badda xeebteeda oo halkaasna looga daba tegey. Wa xaa kaloo qureysh ka sii xanaajiyey in Makka duleedkeeda safarradoodii laga ugaarsado.

Haddaba waxaan soo marnay in Rasuulka (scw) iyo ciidan u hoggaaminayo ay bishii Jamaadul Uulaa ku bexeen safar ay qureysh ledahay oo Makka ka tegey Shaamna u sii jeeda, hase yeeshee Rasuulka (scw) iyo asxaabtiisu waa soo wayeen safa rkaas, dabadeedna waxay dhowrayeen soo noqodkiisa dambe.

Labo bilood ka dib markii la is yiri safarkaasi waa soo gaddoo may ayaa Rasuulku (scw) wuxuu diray laba nin oo kala ahaa: Dalxa ibnu Cubeydillaah iyo Saciid ibnu Seyd wuxuuna ku yiri "socda oo baadi gooba soona ogaada meesha ay soo maraaya an iyo waqtiga ay ku soo aaddan yihiin”.

Labadii nin way baxeen dabadeedna waxay gaareen mee sha la yiraahdo Xuura, halkaas markay ayaamo joogeen ayaa waxaa soo maray safarkii qureysh oo tijaaro iyo alaab fara ba dan wada, kana koobnaa kun rati oo ay wadeen 40 nin, uuna ma dax u ahaa abuu Sufyaan ibnu Xarbi. Si degdeg ah ayay markaa labadii nin u soo noqdeen khabarkii oo dhanna Rasuuka (scw) ugu soo gudbiyeen.

Rasuulku (scw) wuxuu Madiina ka soo baxay bishii Rama daan sannadkii 2aad ee hijriga, wuxuuna Madiina madax uga dhigay Cabdullaahi ibnu Ummi Maktuum hase yeeshee markuu marayo Rawxaa’ ayaa (rasuulku scw) direy abaa lubaaba oo ku yiri "Madiina madax ka noqo, Cabdullaahina salaadda ha tujiyo”. Calanka guud ee muslimiinta wuxuu Rasuulku (scw) u dhiibay Muscab ibnu Cumayr, wuxuuna Rasuulku (scw) ciidanka u qey biyey labo qaybood: Muhaajiriin iyo Ansaar.

Qaybta Muhaajiriinta wuxuu calankooda u dhiibay Cali binu Abiidhaalib, qaybta Ansaarna Sacad binu Mucaad. Habka duul laanka ciidanka wuxuu Rasuulku (scw) u qeybiyey shan qayb ood oo waagaas ciidanka loo qaybin jirey: Midig, bidix, horey, ga daal iyo dhexda. Dhinaca midig wuxuu madax uga dhigay Sub eyr binu Cawaam, dhinaca bidixna Miqdaad ibnuAswad waana labadii nin oo labada faras ka watay ciidanka. Dhinaca gadaale wuxuu madax uga dhigay Qeys ibnu abii Sacsac.

Rasuulka (scw) iyo ciidankiisii way dhaqaaqeen waxayna qaa deen waddadii Makka aadi jirtey hase yeeshee markay u dhow yihiiin ceelka Badar oo ay marayaan meesha la yiraahdo Rawxa’ ayey dhinaca midig u leexdeen ka dibna way sii socdeen markay u dhow yihiin meesha la yiraahdo Safraa’ ayaa Rasuulku (scw) wuxuu ceelkii Badar u diray laba nin oo sahan ah oo la kala oran jirey Basbas ibnu Cumar Aljuhani iyo Cadiyi ibnu Saqbaa Alju hani, si ay u soo ogaadaan safarkii qureysh iyo meesha uu marayo.

LA SOCO DHAMEYSTIRKA QEYBTA…….

BOGGA CAYAARAHA

KOOXDA CHELSEA OO WEYN DOONTA CIYAARYAHAN MUHIIM AH

Kooxda Kubadda Cagta ee Chelsea ayaa la xaqiijiyey inay iska iibineyso mid ka mid ah ciyaaryahanada ugu muhiimsan kooxdaas oo lagu Magacaabo Eden Hazard,xilli ay qarka u saran tahay Kooxda in laga ganaaxo suuqa kala iibsiga.

Eden Hazard ayaa si cad u qiray inuu doonayo soo gabagabeynta toddoba sano uu ku sugnaa Stamford Bridge kadib final-ka Europa League oo ay la balansan yahiin isbuuca soo aadan Arsenal, wuxuuna kusii jeedaa Real Madrid.

Kooxda Chelsea ayaa dhowr bilood ka hor Ciyaaryahan Eden Hazard inay ku qanciso isku-dayday hehsiis Cusub si uu u noqdo xidiga ugu mushaarka badan,hayeeshee taasi uu ka biyo diiday,waxaana Chelsea ay weyn doontaa xidig muhiim u ahaa.

Kooxda Chelsea ayaa dhawaan soo iibsatay ciyaaryahanada Jorginho, Kepa Arrizabalaga iyo Christian Pulisic oo ku fadhiya lacag ku dhaw 200 Malyan oo Pound,waxna xilligaan la sheegay in Kooxda ay soo wajahday dhaqaalo la’an.

LIISKA CIYAARTOYDA LIVERPOOL EE FINALKA CHAMPIONS LEAGUE OO LA SHAACIYEY

Liiska ciyaartoyda Liverpool ee nalka Champions League ka qayb gali doonta ayuu Jurgen Klopp ku dhawaaqay xili ay Reds u duushay dalka Spain oo ay kulanka Tottenham ugu diyaar garoobi doonaan.

Liverpool ayaa daabacday liiska 26 ciyaartoy oo u safray dalka Spain halkaas oo ay ku qaadan doonaan lixda maalmood ee soo socota si ay ugu diyaar garoobaan nalka UEFA Champions league.

Ciyaartoyda iyo shaqaalaha Liverpool ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha John Lennon Airport waxayna ka digi doonaan xeebta Andalusia si ay cimilada diiran ee Spain tababarka ugu qaataan.

HOOS KA AKHRISO LIISKA CIYAARTOYDA LIVERPOOL EE FINALKA CHAMPIONS LEAGUE

Liverpool Alexander-Arnold, Alisson, Brewster, Fabinho, Firmino, Gomez, Henderson, Jon es, Keita, Kelleher, Lallana, Lovren, Mane, Matip, Mignolet, Milner, Moreno, Origi, Oxla de-Chamberlain, Robertson, Salah, Shaqiri, Sturridge, Van Dijk, Wijnaldum, Woodburn.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip