Kala wareega Badda Somalida.( Ha ooyin)

0
Sunday May 19, 2019 - 14:08:02 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kala wareega Badda Somalida.( Ha ooyin)

    Qoraalka intaan kama yareeyn karo, si aan u kala faa'iido darteed,Qaarna waan ka reebay!!!!!. Maad iska fiirisiin indhaha miyaad la'dihiin, wixii hore ugu dhacay waddamada kale ee Africaanka ah, ma xumo in Caalamka heshiis lala galo, laaki

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraalka intaan kama yareeyn karo, si aan u kala faa'iido darteed,Qaarna waan ka reebay!!!!!. Maad iska fiirisiin indhaha miyaad la'dihiin, wixii hore ugu dhacay waddamada kale ee Africaanka ah, ma xumo in Caalamka heshiis lala galo, laakin waxaa bilaawday in wadamada waaweyni ey boobaan wadamada yar yar ee aan xisaabtameeyn.

Africa.

1- Bal aan cashar ka qaadano wixii ku dhacay walaalaheena Afrika ,ka dibna somaliya. Heshiiskii ugu dambeeyay ee EU & Senegal ee 20 Nov. 2014 – 19 Nov. 2019, kaa oo si xirfadeysan loo cusbooneyysiinayay mudo 5 sanno ah, Kaa oo Maraakibta Spain iyo France u ogolaanayo in Senegal iyo Galbeedka Africa xaalufiyaan.

Waxaa lagu ansixiyay, Council Regulation (EEC) No 2212/80 of 27.6.80 (OJ L 226 ee 29.8.80). weliba protocol-ka dambe waxa uu ahaa, 01.07.2002 ilaa 30.06.2006, oo lix mar la cusbooneysiiyay laga soo bilaabo 1980. Fiiri: Council Regulation (EC) No 2323/2002 ee 16 Dec.2002. xataa nuucyada yar yar ee noolaha badad in la qaato ayuu fasaxayaa. kaaga darane Madaxweynaha shiinaha Mr. Xi Jinping ayaa tagay Senegal markii 5aad 2012, heshiis kale ayuuna la saxiixday Madaxweynaha Senegal Mr. Macky Sall. Senegal hadda waa ceyr.

2- Shiinuhu heshiiskii ey la galeen Dalka Cameroon bal fiiri, 45.000 hector oo aheyd keyn UNISCO u aqoonsatay "world heritage conservation area”,oo xayaawaanad kala duwan ey ku noolayeen ayaa Shinuhu u bedeshay dhul ey ku beertaan Dhirta laga miiro Goomaha " Caaga”, dadkii deegaanka ayaa hadda dhibkii soo gaaray oo qeylinayo. Dalka Gambiya oo beeri Taajir ku ahaa Kaluunku hadda male Kaluun ku filan.



3- Shirkii Sept. 2018, ee "the Beijing Summit of the Forum on China-Africa Cooperation” Madaxweynaha Dalka Africaanka ah ee Madagascar waxa uu Shiinaha la saxiixday 10 Sanno oo kaluumeysi ah heshiiskaa oo dhax maray shirakada "the Malagasy Agency for Economic Development and Promotion of Enterprises”, iyo "the Chinese business consortium” Shiinuhu waxa ey ku maalgalinayaan Mashruucaa $7.2 Billion, waxaana ka jilaabanaya dalka Madagascar 330 Markab oo Shiinuhu leeyahay. dhowr bil ka hor ayaan si ku helay heshiiskaa waxaana iiga muuqatay in dhib ugu jiro shacabka Madagascar, Aragtideeyda Qofeed.

4- Kaluumeysatadii Afrikaanku, xeebaha galbeedka Africa ayey fadhiyaan , meel 12 km u jirto xeebta dalkooda, kamana kaluumeysan karaan, waa eyna u jeedaan maraakiibta ajnabiga ah oo kaluunkoodii guranayo, sharciga dowladooda ayaa u diidayo oo deyn lagu leeyahay ayaa loo qaadanayaa kaluunkooda, habeenkii ayeey dhuumaaleysi xeebahooda uga kaluumeystaan,iyaga oo baqayo. Kenya ayaa durba Deynta dibadda looga leeyahay 70% waxaa ku leh Shinaha.

Somalia.

1- EEZ-ka Somaliaya waa 830,389 km2 dhinaca "Indian Ocean” oo kaliya. Waana cabir gaarayo illaa 200 Nautical miles sida ku cad sharciga Law No. 37 ee soo baxay 1972. Kacaanka oo 3 Sanno oo kaliya jiro ayaa ka gaarsiiyay, waqtiga oo dhici rabay in uu Diiwaanka Caalamka galiyo.

2-Somaliya waxaa ka jirta 7 wasaaradood ee kaluunka & kheyraadka Badda, oo midba goonideed heshiis u gasho, 7da wasiir waxaan ka aqaan 3 ka mid ah, midkood oo heshiis kaluumeysi saxiixay, Aqoontiisa kaluunku waa ey kooban tahay. waxa uu lahaan jiray Makhaayad Cuntada lagu iibiyo, waxaa ka mid ahaa Cuntadaa kaluunka, kaa ayuuna suuqa ka soo iibin jiray sii uu makhaayada ugu sii iibiyo, Aqoon kale oo kaluuna male, waa sida Anniga oo kale oo ey igu yar tahay Aqoonta aan u leeyahay nuucyada kaluunka, haddii uuna iga sii liidanba.

3- waqtigii Dowladihii hore, waa jireen Maraakiib kaluun oo heshiis lala galo, Markab kasta waxaa la saari jiray ugu yaraan 2 Arday oo ka baxday dugsida Sare ee Kaluumeysiga Somaliya, waxa ey xisaabin jireen inta uu jilaabto, kadibna dekada uu geeyo, nuuca loo ogolaaday oo kaliya in uu jilaabtay, qalabka uu u isticmaali jilaabashada iyo qiimaha laga siiyo, 3-6 Bilood kadib waa laga bedeli jiray Shaqaalahaa Somaliga ah oo kuwa kale ayaa la saari jiray, si eyna isku fahmin shirkada Markabka leh iyo Ardaydaa shaqaalaha ah, waxaa kale oo muddo kadib loo diri jiray Hanti dhowrka Qaranka, si ey u soo hubiyaa. Hadda ma jirtaa Cid Somali ah oo saaran?, mise iyagaa is xisaabiyo?.

4- Bangiga "Exim Bank of china” heshiiskiisii uu la galay Somalia ee 22 Dec. 2018 waxa Xuquuq kaluumeysi oo aan xad leheyn uu siinayaa Shiinaha, waxaa kale oo jira in lagu heshiiyay 200 Million si dib loogu dhiso dekada Xamar laguna bedesho kaluumeysi aan xad leheyn oo faa’iido badan ey ka soo galee shiinaha iyo in ey Dekada qeyb ku lahaato Shiinuhu inta lacagteeda ey ka soo ceshanee, waana nuuc cusub oo Burcad badeed ah.

5- Burcad badeednimada waxaa faa’iido ku qabo kuwa ka masuulka ah ,Sannadkii 2011, Burcad badeeda Somalidu waxa ey heleen $ 120 Million, Shirkada sheegta la dagaalanka Burcad Badeeda iyo Ceymisyadooduna waxaa ey heleen $ 800 Million, kuwaa oo Xarumo ey Burcada ka hagaan ku lahaa Magaalooyinka London, Dubai, Nairobi iyo Capetown. isla heshiiskaa ey gaareen 7da wasaaradood ee kaluumeysigu, waxaa lagu bixiyay 31 fasax kaluumeysi, waxaana la siiyay 150 shirkadood oo Shiina ah oo wato maraakiib casiriya oo warshado leh, qalab aad u xaalufinayo badda, iyo hub ey isaga ilaaliyaan kaluumeysatada Somalida.

6- Sannadkii 2013 ayaa shirkad Shiina ahi balan qaaday in ey lacag la’aan ku dhisee Dekada Ceel macaan iyo Garoonka Cisaleey, waxa la sameeyay darasadii ,khubaro labada dhinac ah ayaa loo xilsaaray, naqshadihii waa la dhameeyay Qiimuhu waxa uu noqday $770 Million, kadibna wafdi somaliya ayaa tagay dalka Shiinaha, shirkadii ayaa tiri: Annagu wax Lacag ah hadda idin warsan meeyno, waana idiin dhiseeynaa, Lacagta waxaan ka deymaneynaa Bangiga "Exim Bank of China” deyntaana dib ayaad isaga bixin doontiin oo Bangiga ayaa idinkula xisaabtami doono. Wafdigii iyo wasiirkii la socday waa diideen, weyna soo noqdeen. Qaar aan ka aqiin ayaan weydiiyay, waxa eyna igu yiraahdeen heshiiska khiyaano ayaa ku jirtay, deyn intaa la egna uma soo qaadi karno jiilka dambe.

7-Sannadkii 1997 ayaa "the environmental NGO Greenpeace” waxa ey cadeeyeen in Shirkado ka socda wadamada Swiss iyo Talyaanigu ey badda somaliya ku aaseen haraaga wasaqda warshadaha iyo sun khatar ah. Haddana waxaa soo baxaya Cabsi, laga baqayo in Shiinuhu ey ku aasaan Badda somaalida ""toxic waste”. Bacdamaa Shiinuhu ey leeyihiin warshado badan lana la’yahay meel lagu shubu wasaqdaa.

8- Habkii FAO, World Bank iyo IADC ey nooga caawin lahaayen 2013..ee ahaa in aan si miisaaman, Ceymiska, sida dakhliga looga soo xareeyo, iyo farsamada "technical assistance” loogu heshiiyo "Tuna-ha”. Mashruucaa Ma laga faa’iideystay??? Taa oo weli aad ka heli kartid "updated website”. Maxaa noo diidayo in aan Ku dhaqano?

9- Habeen ayaa casho naloogu Sameeyay Magaalada "the Hague” ee Dalka "Holland” ayaan xasuustaa in Gabar Cashada nala joogtay ey tiri: Annigu Kaluunka ma cunno oo mar hore ayaan iska joojiyay, waxaan ogaaday in kaluunka yurub laga cunu uu u badan yahay Kaluun laga soo xaday Dal miskiin ah oo Somaliya la yiraa. Waxaa lagu yiri: Ninkaan ayaa Somali ah, waan xishooday.

10- ogoow: lacagta kaluunka nooga baaqaneyso ayaa ku filan miisaaniyada dalka oo dhan. Waxa kale oo jira wadamo noloshoodu ey ku tiirsaneyd Kaluumeysiga oo aan maanta leheyn kaluun ku filan hal maalin. Kaluunku waa la cirib tiri karaa sida Duurjoogta kale, aaween Biciidkii & Goronyadii Dalku?.

11- waxaa la yiraa Kaluunka kalya ee u ooyo sida caruurtu waa kan loo yaqaan "Zoologger” qadarka Alle. Annigu waaba ooyee, yaa ka waramo Zoologger –kii somalida.

Kaluumeysata Somalidu ha isku diyaariyeen kala wareeg.

Talo:

Dib ha loo eego Heshiisyada Kaluumeysiga ee hore loo galay, kuwa dambena guddi khubaro ah ha loo xilsaaro, haloo mideeyo 7da wasaaradood si dhab ah, ama awooda fasaxyada ha lagu soo koobo dowlada dhexe oo kaliya.

FG: Aragtidaada Xur ayaad u tahay, ka raali ahaaw Aqoon badan uma lihi kaluumeysiga, mana diidani in lala heshiiyo Dalka Shiinaha, waxaan ka fiiriyay dhinaca dhaqaalaha oo kaliya. wixii iga khaldan iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip