Sawirro:-Shil Khasaare Nafeed geystay oo ka dhacay gobolka Bari

0
Wednesday May 15, 2019 - 20:28:43 in Wararka by
  • Visits: 347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Shil Khasaare Nafeed geystay oo ka dhacay gobolka Bari

    Inta la xaqiijiyay Seddax ruux ayaa ku geeriyootay 11 kalana dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray ka dib markii maanta uu shil Gaari ka dhacay laamiga dheer ee xiriiriya magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, gaar ahaanna nawaaxiga degmada Carmo ee gobo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta la xaqiijiyay Seddax ruux ayaa ku geeriyootay 11 kalana dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray ka dib markii maanta uu shil Gaari ka dhacay laamiga dheer ee xiriiriya magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, gaar ahaanna nawaaxiga degmada Carmo ee gobolka Bari. Shil ayaa dhacay ka dib markii gaari BL ah oo ka baxay magaalada Boosaaso kuna siijeeday magaalada Garoowe ay isku dhaceen gaari Booyad ah oo isna wadadaas ku socdaalayay.

 0

Dadka ku dhaawacmay shilka ayaa markiiba loola cararay isbitaalka magaalada  Carmo ee gobolka Bari, halkaasi oo haatan dhaawacyadooda lagu dabiibayo.

Marar badan ayaa laamiga dheer ee xiriiriya magaalooyinka waaweyn ee Puntland waxaa ka dhacay shilal nuucaan oo kale ah, kuwaas oo inta badan la sheego in ay sabab u tahay  wadooyinka oo liita, iyada oo ay hada u dheertahay Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay deegaanada maamulkaas kuwaas oo waxyeelo u geystay qaar ka mid ah wadooyinka deegaanada maamulka Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip