Qareenadda Askarigii Somali-Maraykanka Ee Dilka Geystay Oo Codsatay In La Sii Daayo

0
Wednesday May 15, 2019 - 20:05:11 in Wararka by
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qareenadda Askarigii Somali-Maraykanka Ee Dilka Geystay Oo Codsatay In La Sii Daayo

    Askarigaasi oo lagu magacaabo Maxamed Nuur waxaa horey loogu helay dilkii Haweeney lagu magacaabo Justine Daiamd oo u dhalatay dalka Australia, balse haysatay dhalashadda Maraykanka. Qareenadda u doodaya Askariga Maxamed Nuur waxay shalay buuxiyee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askarigaasi oo lagu magacaabo Maxamed Nuur waxaa horey loogu helay dilkii Haweeney lagu magacaabo Justine Daiamd oo u dhalatay dalka Australia, balse haysatay dhalashadda Maraykanka. Qareenadda u doodaya Askariga Maxamed Nuur waxay shalay buuxiyeen Fayl ay Maxkamadda Heerka Degmo ee Gobalka Minnesota kaga codsadeen in la sii daayo Askarigaasi, maadaama uu geystay Dil aan ku-tala-gal ahayn. Qareenadda waxay kaloo sheegeen inuusan falkaasi u gelin si uu u dilo haweeneydii uu toogtay, balse uu ka shakiyey goobta uu ku sugnaa oo mugdi ahayd, iyo inuu u cabsaday nolosha Askarigii kale ee la socday.

 

Maxamed Nuur oo muddo 21-bilood ka tirsanaa Boliska dalkaasi waxa shaqada laga ruqseeyey  markii dacwadda lagu soo oogay sannadkii hore, wuxuuna haatan ku jiraa Xabsiga.

Askariga  oo 33-jir ah waxaa bishii hore lagu helay inuu dilay Haweeneydaasi bishii July 15-dii ee sannadkii 2017-kii, iyo fal-dembiyeedyadda dilka ee  heerka 3-aad iyo Heerka 2-aad, kadib, markii ay dhegeysiga dacwadiisa muddo  3 isbuuc ah ka socotay Maxkamad ku taalla magaalladda Minneapolis.

Sida uu qorshuhu yahay Garsoorka Maxkamadda Heerka Degmo ee Gobalka Minnesota waxay xukunkiisa ku  dhawaaqi doonaan bisha soo socota ee June 7-da, waxaana la hadal-hayaa  inuu muteysan doono xabsi 12 sanno iyo 6 bilood ah.

Dhinaca kale, qoyska Haweeneydii la dilay waxay horey u buuxiyeen gal-dacwadeed ka dhan ahaa Maamulka magaalladda Minneapolis, waxaana la siiyey lacag magdhow ah oo dhan 20-million oo Dollar

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip