HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 7-DA MAY 2019-KA
JEN. HAFTAR OO DIIDDAY INUU JOOJIYO DAG AALKA BISHA RAMADAAN
Ciidammada daacadda u ah Jeneraalka fallaagoobay ee dalka Liibya,Khali ifa Haftar ayaa weerarro cusub ka gey sanaya magaalada xarunta ah ee Tr ipo li,iyadoo hoggaamiyahaan uu diidday dal ab uga yimid Q/M oo la xiriiray dhinacya da isku ha ya colaadda inay wadda gaara an heshiis xabbad joojin ah bisha barakey san ee Ramadaan.
Q/M wuxuu ahaa dalab keeddu in xaa ladda ban’iidanimada la dhowro balse Jen.Haftar ayaa ugu baaqay taageeraya ashiisa inay ballaariyaan go’aankooda iyo damacooda ah inay weerarro kale ku qa adan magaalada Tripoli si ay ula wareega an gacan ku heynta halkaasi. Jen. Haftar oo taageerro ka helaya dal al ay kuwa khaliijka ku yaalla ku jiraan ay aa doonaya inuu buuxiyo awoodda uu ku leeyahay dalka Liibiya, isagoo si gaar ah diirad da u saaraya sidii uu ula wareegi lah aa maamulka Tripoli.
Muddada uu dagaalka ka socday caas im adda Liibiya waxaa la aaminsanyahay 10nnaan kun oo qof inay guryahooda ka qax BOGGA CAYAARAHA
HORDHAC: LIVERPOOL VS BARCELONA- MIYAY RAJADII SOO LAABASHO EE REDS BURBURIN DOONTAA DHAAWACYADA MUSIIBADA AH EE KU HABSATAY?
Liverpool ayaa Anfield ku soo dhawanaysa kooxda Barcelona oo kulankii lugtii kowaad ee UEFA Champions league guul 3-0 ah ku gaadhay Camp Nou waxayna Blaugrana doonaysaa in ay caawa u soo baxdo finalka tartankan.
Rajada ay Liverpool ka qabto inay dhanka kale u rogto natiijadii 3-0 ee looga soo badiyay kulankii lugta hore ee semi-finalka Champions League ee Camp Nou ayaa sii yaraaneysa ka dib dhaawacyos oo wajahay kooxda.
Barcelona ayaa hal lug kula jirto finalka Champions League ka dib guushii weyneyd ee ay isbuuca hore ka soo gaareen kooxda Klopp, waxaana Reds looga baahan inay 4-0 ku badiso si ay 90ka daqiiqo ugu soo gudubto finalka.
Laakiin waxaa Liverpool ka maqan kulanka lugta labaad ee Anfield ka dhacaya xiddigaha weerarka Mohamed Salah iyo Roberto Firmino, waxaa kulankaan sidoo kale seegaya xiddiga khadka dhexe Naby Kieta.
Virgil van Dijk oo ah kan ugu muhuhiimsan daafaca kooxda Liverpool ayaa isna shaki uu ku jiraa taam ahaanshihiisa ka dib uu seegay tababarkii ugu danbeeyay ee Melwood.
Barcelona iyadana kuma fekereyso in shaqadeeda ay soo dhamaatay ka dib natiijadii lugta hore, waana mid ay ka digayaan Lionel Messi iyo tababare Ernesto Valverde.
Blaugrana waxa ay dooneysaa inay gool ku dhaliso Anfield si ay u xaqiijistaan u soo bixitaankooda finalka Champions League ee Madrid lagu qabanayo.
Wararka Labada Kooxood Ee Ka Hor Kulankan
Liverpool waxaa ka maqan xiddigahooda muhimka ah Mohamed Salah iyo Roberto Firmino, waxaa sidoo kale ka maqan xiddigaha khadka dhexe Naby Kieta iyo Adam Lallana halka taam ahaanshaha Van Dijk iyo Alex Oxlade-Chamberlain uu shaki ku jiro.
Dhanka kooxda Barcelona waxaa ka maqan weeraryahanka Faransiiska Dembele kaasoo dhaawacmay kulankii ugu danbeeyay ee La Liga halka Rafinha uu isna weli dhaawac jilibka ah ku maqan yahay.
SHAXDA MACQUULKA AH:
Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Milner, Wijnaldum, Fabinho, Hen derson; Mané, Origi
Barcelona: Ter Stegen; Semedo, Piqué, Lenglet, Alba; Roberto, Rakitić, Busquets, Vidal; Suárez, Messi
Kabtan Vincent Kompany Oo Gool Layaableh Dhulka Ku Dhigay Leicester City Iyo Man City Oo Hogaanka Premier league Ku Soo Laabtay.
Manchester City ayaa guul dahabi ah oo ay u dagaalantay waxay Etihad Stadium kaga gaadhay kooxda Leicester City oo City xaalad adag ku abuurtay. Man City ayaa hogaanka Premier league ku soo laabtay iyada oo hal kulan oo kaliyi uu baaqi u yahay.
Kabtan Vincent Kompany ayaa noqday geesiga Guardiola iyo kooxdiisa Man City xaalad xun ee ay galeen ka soo saaray wuxuuna dhaliyay gool cajiib ah oo koobka Premier league u qalma.
Manchester City ayaa maalinta xili ciyaareedka ugu danbaysa waxay la ciyaari doontaa kooxda in ay heerka labaad u dhacdo ka badbaaday ee Brighton waxayna hadda qarka u saaran tahay in ay koobka Premier league difaacato.
SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:
LEICESTER CITY (4-5-1): Kasper Schmeichel; Ricardo Pereira, Jonny Evans, Harry Maguire, Ben Chilwell; Marc Albrighton, Youri Tielemans, Wilfred Ndidi, Hamza Choudhury, James Maddison; Jamie Vardy.
Kaydka: Wes Morgan, Kelechi Iheanacho, Christian Fuchs, Danny Ward, Nampalys Mendy, Dem arai Gray, Harvey Barnes.
MANCHESTER CITY (4-3-3): Ederson; Kyle Walker, Vincent Kompany, Aymeric Laporte, Oleks andr Zinchenko; David Silva, Ilkay Gundogan, Phil Foden; Bernardo Silva, Raheem Sterling, Sergio Aguero.
Kaydka: Gabriel Jesus, Leroy Sane, Riyad Mahrez, Arijanet Muric, John Stones, Nicolas Otamendi, Danilo.
Manchester City ayaa doonaysay in ay imtixaankii ugu danbeeyay kaga soo gudubto Etihad Stad ium maadaama oo ay Leicester City u arkayeen kooxda kaliya ee u hadhsan ee Premier league ka galaafan kartay.
Laakiin Branden Rodgers ayaa Liecester City u soo dhigay taatiko cajiib ah taas oo ay qaybtii hore ee ciyaarta cadho wayn ugu abuureen Manchester City waxayna Foxes qaybtii hore soo bandhigay ciyaar xoogan oo waliba farsamo sare ku dhisnayd.
Weerarkii daadka ahaa ee Manchester City ayaa qaybtii hore ee kulankan awoodi kari waayay in ay wax goolal ah dhaliyaan iyada oo markasta oo uu waqtigu sii socdaba uu cadaadisku ku sii kordhyay ciyaartoyda Man City.
Daqiiqadii 9 aad Leicester City ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee heshay laba fursadood oo xidhiidh ah oo mid ahaan gool lagu dhalin kari lahaa laakiin Laporte iyo Kompany ayaa sameeyay daboolid cajiib ah si ay kooxdooda goolal uga joojiyaan.
Intaas kadib Man City ayaa bilawday weerar joogto ah kaas oo ay ku raadinaysay goolka furitaanka basle dhibata ugu wayn ayaa ahayd in kubbad kasta oo ay soo dhisto City ay ku burburaysay cidhifka xerada ganaaxa Leicester City.
Difaac danbeeyada Leicester City ee Ben Chilwell iyo Ricardo Pereira ayaa shaqo layaableh qaybtii hore ka qabtay joojinta labada xidig ee xilli ciyaareedkan Man City ugu saamaynta badnaa ee Raheem Sterling iyo Bernardo Silva.
Ciyaarta ayaa noqotay mid laysku daalay isla markaana ay Liecester City difaacasho adag iyo waliba weeraro rogaal celis ah ay fursad ku raadinaysay halka Man City ay wax walba u samaynaysay in ay goolka furitaanka isku dajiso.een.
MADAXWEYNIHII UGU HOREEYEY EE MAAM ULKA GALMUDUG OO GEERIYOODAY
HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 7-DA MAY 2019-KA
MAAMULKA HIRSHABEELLE OO WAR KA SOO SAARAY DAGAALKII DULEEDKA BALCAD Shalay Gelinkii dambe ayay aheyd markii deegaanka Yaaqle oo duleedka ka ah degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe uu dagaal culus ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladd