Igu Sawir Odayga gaaban!!!.

0
Saturday April 27, 2019 - 23:37:13 in Wararka by
  • Visits: 806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Igu Sawir Odayga gaaban!!!.

    Igu Sawir Odayga gaaban, haddii aan la hureeyn in Odayga la isku sawiro walba hala Fadhiisto.kkkkk. Maxaad Ka taqaan Odayga gaaban? Kuwa isku Sawirayo ha ogaadeen. Amb.Donald Yukio Yamamoto. Saqiir ma ahan waa 66 jir Ku dhashay Washington 1953. Waxn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Igu Sawir Odayga gaaban, haddii aan la hureeyn in Odayga la isku sawiro walba hala Fadhiisto.kkkkk. Maxaad Ka taqaan Odayga gaaban? Kuwa isku Sawirayo ha ogaadeen. Amb.Donald Yukio Yamamoto. Saqiir ma ahan waa 66 jir Ku dhashay Washington 1953. Waxna Ku bartay Jamacadda Columbia University. 1980 ayuu bilaabay Arrimaha Deplomasiyada.

Odaygu waa khabiir, waxa uu Ka Soo shaqeeyay Kabul- Afghanistan, waxa uu aad u yaqaan Geeska Afrika, waxa uu Safiir Ka Soo noqday Dalka Eritrea 1993-1997. Kadibna Safiir Dalka Jabuti 2000-2003. Kadibna George W.Bish ayaa u magacaabay in uu Safiir Ka noqdo Dalka Ethiopia Nov. 2006, kadibna warqadihii Aqoonsiga ayaa waxaa Ka gudoomay Mr.Meles Zenawi Dec.6-2006. kadibna waxaa loo magacaabay wakiilka Arrimaha Africa ee Mareykanka 3/Sept.2017- July 23.2018. ugu dambeyna Mr. Trump ayaa u magacaabay Safiirka Somalia Nov.17. 2018.

Odayga gaaban, waxa ey aad isku yaqiineen Nin kale oo gaaban oo aad taqaan waa Mr.Gabre. waxaa la sheegaa in Odaygu uu aaminsan yahay in la mideeyo Wadamada Geeska Afrika Lana hoos geeyo Ethiopia oo ah Dowlada ugu weyn, waxaase wareer Ka jiraa sidee?.

Wareer Uma yaro Labada Quwadood ee waaweey ee Mareykanka iyo Somaliya!. Hore ayeey 1992 Hogaamiyayaasha Labada Dal ugu dagaalameen Somaliya dhaxdeeda, Haddana America Dhaxdeeda ayaa waxaa Ku dagaalamaya, Ms.Ilhaan Cumar iyo Trump.

Odayga gaaban inta Aadan isku Sawirin wax badan Ka sii ogaaw Siyaasiga Somaliga ahoow, waxaa Jira Baabuur Coverka Dal lagu sameeyay, Engine-kana Dal kale lagu sameeyay, Odayga Cover ( Bata Lamayeeriga) waa Asiyaan, waxaana Saaran Mashiin Mareykan ah, hala yaabin, Horaa Labada Quwadood ee waaweyn ee Mareykanka iyo Somalia waxaa Soo maray Hogaamiyayaal Cover- Ka Afrikaan Ka ah, Mashiin mareykanna saaranyahay,Obama iyo Farmajo.

Odayga gaaban, Ciyaar Ciyaar ha u maleeyn, intaadan isku sawirin, Danta Dalkaaga iyo Dadkaaga ha hilmaaminina Hogaamiyayaasha Somalidoow.

Waa iga Tallo, wixii Ka khaldan Ka sax

Qore: Yahya Amir





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip