Maqaal: Dowlada Kenya oo bilowday inay soo dhaweyso mucaaradka dowladda Soomaaliyeed

0
Monday April 22, 2019 - 07:21:37 in Wararka by
  • Visits: 815
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqaal: Dowlada Kenya oo bilowday inay soo dhaweyso mucaaradka dowladda Soomaaliyeed

    Dowlada Kenya markeey danteeda naga hesho waxey leedahay dalkeyga laguma qaban karo shirar siyaasadeed oo dowlada Soomaaliya looga soo horjeedo. Sanadkii hore waa ayagii Siyaasiga C/rixmaan Cabdi Shakuur u diiday shirkii uu Nairobi ku qabsan rabay,si

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Kenya markeey danteeda naga hesho waxey leedahay dalkeyga laguma qaban karo shirar siyaasadeed oo dowlada Soomaaliya looga soo horjeedo. Sanadkii hore waa ayagii Siyaasiga C/rixmaan Cabdi Shakuur u diiday shirkii uu Nairobi ku qabsan rabay,sidoo kalena Siyaasiyiin badan ku qasbay iney dalkooda ka baxaan.

Maantana markii ay danaheedii Badda laga hor istaagay iyo qorshayaal kaloo ay Soomaaliya ka laheyd waxey bilowday howlaheedii waxaana Nairobi ku sugan Qaar ka mid ah Madaxdii Maamul Goboleedyada iyo Siyaasiyiin Mucaarad ah iyo kuwa Xisbiyo Siyaasadeed hogaamiya waxaana dalkeeda ka socda dhaqdhaqaaq xoogan oo lagu wiiqayo dowladnimada Soomaaliya.

Nasiib daro dadka Soomaaliyeed waxaa ilaaheey ka dhigay kuwa aan fahamsaneyn halka loo dig iyo dam leeyahay iney tahay Soomaaliya oo dhan weligiinba idinku iskala qaad qaada ama 10 Magac isku kala bixiya hal qaanad unbaad ugu jirtaan Cadowgiina oo la yiraahdo SOOMAALIYA.

Kenya, UAE, Ethiopia, EU, Qatar, Norway, Mareykan, Saudi Arabia iyo dalalka kale ee ku howlan baabi’inta Soomaaliya Farmaajo, Kheyre Iyo Axmed Madoobe, Dani, Xaaf, Muuse Biixi, Ama All Mucaarad iyo Muxaafid kalama jecla ee iyaga ujeedadoodu waxey tahay iney maalinba Koox madax isku sheeg ah Simcard kooda marsadaan


Isweydiiya bal aaway Siyaasiyiin teenii lagu kala adeegtay Abdikariim Guuled, Siilanyo, Abdiweli Gaas , Sh Shariif, Shariif Xadan, Faroole, Xasan Shiikh, Daahir Riyaale, Abdiqaasim Salaad, iyo qaar kaloo maanta weli noolba intii dhimatay waaba dhimatee AU, ma aragtay dalal soo dhaweynaya ama ixtiraamaya ama la Shiraya, waa MAYA dantii laga lahaa waa laga gaaray waxeyna ula mid yihiin dadka caadiga ah kuwaanina biri marka waqtigoodu dhamaado daadkaa qaadi doona lkn qof waliba taariikhdeey ugali doontaa wixii uu Soomaaliya taray ama ka bi’iyay,…..TAARIIKH HADASHAANA HADHOW KALA SAARI

=WAA ARAGTI DEYDA GAARKA AH:-

Abdulqadir Dulyar



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip