Cumrigaaga Sarifo, "Muhim"

0
Wednesday April 17, 2019 - 11:35:56 in Wararka by
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cumrigaaga Sarifo, "Muhim"

    Waxaa la yiraa,Celceliska Cumriga Somalidu waa 45 Sanno, laakin aan ka soo qaadno celceliska Dadka waaweyn in uu u dhexeeyo 50-70 Sanno, celceliskuna uu yahay 60 Sanno. Haddii aad Noolaato 60 Sanno, 15 Sanno oo ka mid ah waxaad aheyd Saqiir. Waxaa k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa la yiraa,Celceliska Cumriga Somalidu waa 45 Sanno, laakin aan ka soo qaadno celceliska Dadka waaweyn in uu u dhexeeyo 50-70 Sanno, celceliskuna uu yahay 60 Sanno. Haddii aad Noolaato 60 Sanno, 15 Sanno oo ka mid ah waxaad aheyd Saqiir. Waxaa kuu soo haray 45 Sanno. Nolosha Qofka waxaa la yiraa maalintii celcelis ahaan 8 Saac ayuu hurdaa, taa oo ah Saddax meel ka meel, macnaha Qofku Cumrigiisa waxaa uu hurdaa 1/3 ,taa oo ah in 15 Sanno oo ka mid ah 45 taa Sanno in aad hurdeeysay. Waxaa kuu soo haray 30 Sanno oo ka mid ah 60 kii sanno oo aad nooleeyd. Cibaadada Badi: Mudadaa 45ta Sanno ah waxaa soontaa Sannadkiiba 1 Bil, waa 45 bilood, Laakin Bishaa Maalintii oo dhan ma soontid, waxaad ka soontaa 12 Saacadood.45/2=22.5 billood, haddii aad Reer cibaado tahay oo aan ku darno waddaca iyo Sunnada,waa 24 Bilood oo ah 2 Sanno oo ka mid ah 60kii Sanno ee aad nooleed in aad ka soontay.

Dhinaca kale maalintii waxaad Salaad ku jirtaa 20 Daqiiqo, Sannadkii oo ah 365 maalin waxa aad Salaad ku jirtaa 7.300 Daqiido /60= 122 saac sannadkii /24= 5 Maalin Sannadkii, 5×45 sanno=225 Maalin Cumrigaaga 60ka sanno ah, waana in cumrigaaga oo dhan aad 7 billood Salaad ku jirtay. Salaadaha Sunadda, Ciidaha, Janaasada iyo kuwa kale ku dar, kaba dhig in 1 sanno in aad Salaad ku jirtay 60kaa sanno.



Cumrigii ahaa 60 Sanno ee 15 aad Saqiir aheed, 15na aad hurdeeysay waxaa kuu soo haray 30 sanno, ka jar 2 Sanno oo Soon ah iyo 1 Sanno ka yar oo Salaad ah. Waxaa kuu soo haray 27 sanno.

Waxaa la yiraa Qofku 3 sanno oo noloshiisa ka mid ah waa maqane maahsan oo aan wax gaar ah ka fekereyn,taa oo caafimaad ahaan muhim u ah. 4 sanno wax ayuu cunyaa ama wax Cunnid ayuu isku diyaarinayaa. 1 sanno saxaro ayuu jirkiisa ka saarayaa, hoowlo uu ka maarmu oo Dambi iyo Xasannad aan leheyn waxaa uu ku jiraa 7 sanno. Taa oo ah.27-3-4-1-7=12.

Ogoow 12 sanno oo kaliya ayaad heeysataa in aad wax ku barato ama ku tacbato Hanti Xalaal ah ama Xaaaraan ah, Caruurna aad ku korsato.

Runtii, 60 Sanno waad iska tirsanee, laakin Cumrigaaga Runta ahi waa dhoowr iyo 10 Sanno.
Makuu sarifan laheeyd dhowr iyo 10kaa sanno ,50.000 Sanno iyo ka badan? .

Maalinta Qiyaamaha intaan Naar iyo Jannaba la gelin, waxaa la is xisaabinayaa Maalin kaliya oo u dhiganta 50.000 Sanno oo ah Sannadaha aan aduunka ku tirsano, sida Qur’aanku noo sheegay.

Maalintaa Qoraxda ayaa la soo dhaweynayaa, oo Qofka dhididka ka baxo waxaa uu gaarayaa heerka dambigiisa, qof qoobka, Jilibka, xudunta, garbaha, qoorta, qofba meel, maalintaa dheer oo 50.000 sanno u dhiganto, waa la taaganyahay Fadhi ma jiro, Qaar ayaanba arkeyn kuleeylka Qoraxda oo harsanaya Carshiga Alle, Sida Masuul caadil ah, Kuwa cibaadada ku dhafro iyo kuwo kale. Qaar ayaa haraad la joogi la’ kuwana Xoowlkii Rasuulkeena CSW ayeey ka cabayaan.

Haddaan Alla ceebtaada Asturin Dhambigaaga oo dhan ayaa la soo bandhigayaa, waxaana fiirsanayo dhamaan Faracii Nabi Aadam CS.

Qof kastaa dambigiisa ugaarka ah iyo Xisaabta intii uu masuulka ka ahaa waa la weeydiinyaa, ( waana mid ka mid ah Sababaha aanan u jecleeyn in aan qaado Xil dambi iga soo gaarayo)
Walaalkeey/walaasheey. Xisaabtan, Cumri dhowr iyo 10 sanno ah ma ku sarifanee maalin 50.000 Sanno ah, oo weliba ey ka sii dambeeyo Cumri aan dhamaad leheeyn oo janno iyo Naar ah?.

Ma taqaanid meel geeridu kuu soo jirto, saf dheer ayaad ku jirtaa. Ma ahan in aan ku quusinayo, Dunidu waa tii Aakhiro lagu tacbayay. Horaa loo yiri: Dunnida ugu shaqeeyso sida adiga oo weligaa Noolaanayo, ileeyn camalka aad ku sameyso Dunida ayaad weligaa ku noolaanee. Aakhira ugu shaqeyso sida adiga oo Berri dhimanayo.

Somalida Qaar ka mid ah sida: Madaxda ,Culumada, Hogaamiyayaasha Bulshada iyo Ganacsatada waan u baqayaa, kuwa kalena waan u baqayaa!!!!!!!!!!.

Akhristoow: Marxalada noloshu marba heer ayaan ka mareeynaa,(F.S:1aad). Mana naqaan Safka aan ku jirno waqtiga nalaga saari doono.(F.S: 2aad) . Alla hana Mootiyo ( F.S: 3aad). Aniga, Adiga, waalidiinteen iyo Kuwa aan jecelnahay Alla ha naga dhigo kuwo aan maalintaa Ceeboobin. Aamiin.

FG: Sida Allaah kuugu naxariisatay, cumrigaaga oo gaaban, Cibaadadaada Ajirkeeda waa laguu 10 jibaaray. Dhowr iyo 10 Sanno oo cibaado ah ayaa laguu xisaabiyay 100 iyo dhowr Sanno. ALLA mahadii.

Sideed Cumrigaaga u Sarifanee? Ad Lee waaye.

F.G: wixii aan ka khalday iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip