Dahabkaaga ayaan kuu hayaa !!!!
Waxaan Soo Xasuustay Akhristoow, Dahabkii Anniga iyo Adiga Naga dhexeeyay.
Waxaa jiro keyd Dahab looxaan ah ” Gold Bars” oo noo yaal "National Reserve” dibadda ah, waxa uu ahaa qiimahiisu markii iigu dambeysay $25.000.000. oo ah Dahab Asala ah, waxa uu halkaa noo yiil in kabadan 30 Sanno. waa keyd Ka dhexeeyo Somali oo dhan oo aad qeyb Ku leedahay.(F.S:2aad)
Ma jirto Sabab igu kalifee in aan been kuu sheego oo Qiyaamaha la iigu qabsado, waa Dahab keyd ah oo aad wax Ku leedahay, 30 Sanno Ka badan ayuu kuu yaal, annaga Somali ah ayaa dhiganay ee cid nagu sadaqeeysatay ma jirto.
Ubadkaaga ayaa kaa dhaxlayo, u sheeg in aad uga tagtay keydkaa Dahabka, ha ilaashadeen……Kan kale ee dhulka ugu jirana yeeyna tala xumo seejin.
Waa iga xasuusin Adiga xagaaga & Talo in Caruurtaadu eynan isaga dheelin dhaxalkaaga.
Wax bar Caruurta. Dhalin yarada maanta iyo Jiilasha dambe runta ha loo sheego.
Qore: Yahya Amir
Dahabkaaga ayaan kuu hayaa !!!!
Akhristoow, Dahab aad leedahay ayaan kuu hayaa!!!. Subaxan, ayaa Xaasku igu tiri: Faraantigeyga ayaan iska sii iibinayaa, kharajikii Waxbarashada iyo Bajaaj raacii ciyaalka ayaa batay.( F.S:1aad) Waxaan Ku iri: Aqbal, dib u eegid Ku sameey Miisaa