Maqaal: Somali maanta waxay u baahan tahay xilkas og…

0
Tuesday April 16, 2019 - 22:49:14 in Wararka by
  • Visits: 782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqaal: Somali maanta waxay u baahan tahay xilkas og…

    Waa qof waalan qofka ku hawoonayo casrigan inuu Somaliya si xoog ah ugu celiyo sidi ay ahayd 1969ki….Somali maanta waxay u baahan tahay xilkas og cudurka Dalkan iyo Dadkiisa hayo muxuu yahay ,doono sida loo daaweyn karo…. Cudurka na

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa qof waalan qofka ku hawoonayo casrigan inuu Somaliya si xoog ah ugu celiyo sidi ay ahayd 1969ki….Somali maanta waxay u baahan tahay xilkas og cudurka Dalkan iyo Dadkiisa hayo muxuu yahay ,doono sida loo daaweyn karo…. Cudurka na haayo waa kala shaki iyo kalsoonaan la'aan dhaxdeena ka jirto guud ahaan Somali…

sidee lagu soo celin karaa isku kalsoonaan Somali dhaxdeeda ah oo buuxdo.

waa in la helaa Hogaan doono kalsoonida dadka degan halka ay DFS deggan tahay oo iyada ah Muqadishu….hana sugin in dadka degan dalka intiisa kale aad ka heshaan kalsooni iyada oo ay madaxda DFS ku fashilmeen helida kalsoonida dadka ay dowlada la joogto oo canshuurta dowladnimo kaligood bixiyo.

sidee kalsoonida Dadka ku nool Muqadishu lagu heli karaa? taa waa jidka xal u ah in Somaliya mar kale dib loogu celiyo Dowladnimo dadka heshiis ku wada yahay oo xambaarsan kalsoonida Somali oo dhan….

Heltaanka kalsoonida Dadka deggan Mogadishu waa mid aad u fudud haddii la helo Hogaamiya ay ka dhab tahay doonista Somali mid ah oo xuquuqda dalka u siman.

Muqadishu dadkeeda waa inay helaan


1-xuquuqda uu muwaadinka u ogol yahay Dastuurka dalka oo dhameystiran
2-xuquuq Deegaan si la mid ah maamulada kale ee dalka ka jiro.
3-xuquuqda is fidin dhuleed(Yacnii Cariiriga laga dul qaado).
4-Xuquuq siyaasadeed yacnii ay dadka degan Mogadishu helaan tiro u dhiganto dadka degan xildhibaanada ku mathalo golayaasha siyaasadeed ee dalka.
5- xuquuqda in canshuurta laga qaado deegaanka Muqadishu, ugu yaraan 50% ay ahaato mid dib loogu celiyo wax ugu qabashada Mogadishu.
6-xuquuq dhaqaale.
7-xuquuq bulsho.
8-xuquuqda maamul u madax banaan maareynta deegaanka Muqadishu,oo leh gole deegaan oo la soo doortay iyo guddoomiye ay dadka Muqadishu toos u soo doortaan.
iwm.
inta haddii la helo waxaa la helayaa Amni,Nabad, fududaashada iska dhicinta cadawga Dowlada iyo Deegaanka iyo kalsooni laga helo dhanka dadka degan Muqaddishu oo buuxdo ,taasna waxay abuureysaa ama horseedeysaa in Somalida ay is tusaan horumarka Muqadishu ,keddibna waxaa bilaabanayo in Somalida deegaanada kale ay bilaabaan in ay madaxda Dowladooda u fidiyaan kalsooni buuxdo iyo la shaqeyn xambaarsan yididiilo horumarineed..

WQ: Abdullahi Moalim



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip