
Sheekh Kenyawi oo isagoo ilmeynaya si kulul uga jawaabay warar laga faafiyay (Daawo)
"Kenyawi siyaasi ma aha, mana yaqaano siyaasad, Kenyawi uma ololeynayo siyaasiyiin howsha uu wadana waa cafi walaalkaa” ayu yiri Sheekh Kenyawi oo sheegay in barnaamijkiisu uusan ahayn mid siyaasi ah.
Waxa uu sheegay in barnaamijkiisu uu yahay mid diini ah, wuxuuna uga mahad celiyay qaar ka mid ah hay’adaha Dowladda Federaalka oo iyagu ka gacan siiyay barnaamijkiisa Islaamiga ah ee uu shacabka ugu jeedinayo muxaadarooyinka.
Dhinaca kale Sheekh Maxamed Sh. Ibraahim (Kenyawi) ayaa ugu baaqay shacabka magaalada Muqdisho in maalinta Jimcaha ah oo ku beegan berri taariikhduna tahay 18/01/2019 uu muxaadaro ka jeedinayo Stadium Conis ay ka soo qeyb galaan, isagoona si gaar ah ku booriyay Darawalada Bajajleyaasha iyo kuwa gawaarida kale ee magaalada Muqdisho inay lacag la’aan ku qaadaan dadka doonaya inay muxaadarada ka qeyb galaan.
Farriinta Sheekha ayaa ku soo beegantay xilli baraha bulshada lagu faafiyay warar lagu dacaayadeynayo imaatinta Sheekha ee magaalada Muqdisho iyo ujeedka muxaadarooyinka uu ugu qabanayo bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir, waxaana ka mid ah Xildhibaan Mahad Salaad oo siyaasadeeyay socdaalka Sheekha.
Sheekh Kenyawi oo isagoo ilmeynaya si kulul uga jawaabay warar laga faafiyay (Daawo)
Sheekh Maxamed Sh. Ibraahim (Kenyawi) ayaa farriin muuqaal ah oo uu soo dhigay baraha bulshada waxa uu si kulul uga hadlay warar laga faafiyay socdaalkiisa magaalada Muqdisho, isagoona ku tilmaamay in la siyaasadeynayo muxaadarooyinka uu u jeedinayo