
Shimbir Maroodi: Yaa dilay Shimbirtii aadka u waynayd ee soo marta ifkan?
Lahaanshaha sawirka ZOOLOGICAL SOCIETY OF LONDON Image caption Haraaga Shimbirta waxaa laga helay webiga Christmas oo ku yaalla dalk Madagascar
Lahaanshaha sawirkaZOOLOGICAL SOCIETY LONDON Image captionHaraaga lafaha shimbirta
Waxaa la sheegay in shimbirta ay la noolayd dadkii halkaasi ku noolaa kumannaan sanno ka hor inta aanan la dabar gooyinin.
" Shimbirta ayaa kumannaan sanno ku noolayd halkaasi ka hor inta aanan la dabar gooynin muddo haatan laga joogo in ka badan 9,000 sanno, waxayna tani nagu dhiiri gelinaysaa in aan ka qayb qaadanno ilaalinta duur joogta iyo dhirta maanta" ayu yiri Dr Hansford oo ka tirsan jaamacad sayniska lagu barta ee Zoological Society London.

Shimbir Maroodiga ayaa caan ku ahayd jasiiradda dalka Madagascar.
Waxayna ahayd mid wayn oo dheererkeedu lagu khiyaasay 3 miitar, ukumo waawayn ayay dhali jirtay.

Qaar kamid ah baarayaasha ayaa isweddinaya su'aasha ah in Shimbirtan ay noqon karta nolohii ugu horreeyay ee ku jasiiraddaasi.
" Ma garan karo halka ay ka timid balse ma ogaan karno ilaa laga sameeyo baaritanno kale oo ku salaysan haraaga nolahan" ayuu yiri profesor Patricia Wright oo bare jaamacadeed ah isla markaasna kamid ah baarayaasha.
Shimbir Maroodi: Yaa dilay Shimbirtii aadka u waynayd ee soo marta ifkan?
Culimada sayniska ee ku takhasusay haraaga nolaha ayaa ka shakiyay in la ciribtiray shimbirtii, shimbiraha ugu waynayd ee soo marta ifkan aan ku nool nahay kaddib markii la arkay haraaga lafaheeda. Saynisyahanada ayaa shimbirtan magaceeda ku sheeg