Faah faahin ka soo baxaya dagaal culus oo ka dhacay degmada Qoryooley

0
Monday December 28, 2015 - 09:52:48 in Wararka by
  • Visits: 612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah faahin ka soo baxaya dagaal culus oo ka dhacay degmada Qoryooley

    Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo shalay gelinkii dambe ka dhacay degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo shalay gelinkii dambe ka dhacay degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkaayaa ka dambeeyay markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay soo weerareen fariisimo ay ciidamada dowladda ku lahaayeen degmadaas.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen in ka badan 10-ruux oo ah labada dhinac ee dagaalamay ahaa, iyadoo dadka deegaanka ay sheegayaan in khasaaraha intaa ka badan yahay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu socday muddo saacado ah, isla markaana dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab gudaha u soo galeen Qoryooley.

Al-Shabaab ayaa baraha Internet-ka ee taageera ku soo qoray in degmada Qoryooley la wareegeen, hase ahaatee saraakiil ka tirsan Milateriga ayaa sheegay inay iska caabiyeen.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Shiino ayaa sheegay in shan ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilay dagaalka, balse dhinaca Al-Shabaab ka dileen illaa 10 dagaalyahan.

Degmada Qoryooley ayaa waxaa saldhig ku leh Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda, waxaana horay uga dhacay dagaalo dhowr ah, tan iyo markii Al-Shabaab laga saaray horaantii sanadkii 2014.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip