WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 28-KA DICEMBAR 2015-KA

0
Monday December 28, 2015 - 08:20:10 in Wararka by
  • Visits: 1314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 28-KA DICEMBAR 2015-KA

    XILDHIBAAN DALXA: "WAXAAN ARKAYEY CULIMO JIBEYSAN, MANA JIRTO IN LA FAAFINAYEY SHIICO". G/Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Barlamaanka Federalka Soomaaliya, Xildhibaan Prof. Max amed Cumar Dalxa ayaa gaashaanka ku dhuftay Eedeymaha lagu shee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XILDHIBAAN DALXA: "WAXAAN ARKAYEY CULIMO JIBEYSAN, MANA JIRTO IN LA FAAFINAYEY SHIICO". G/Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Barlamaanka Federalka Soomaaliya, Xildhibaan Prof. Max amed Cumar Dalxa ayaa gaashaanka ku dhuftay Eedeymaha lagu sheegay in Munaasabaddii ay Safaaradda Iiraan qabanqaabisay Khamiistii la soo dhaafay ahayd mid lagu faafinayey Madhabta Shiicadda.

 

Xildhibaan Dalxa oo shalay Wareysi Khaas ah siiyey Radio Dalsan waxa uu tilmaamay inuu ka mid ahaa Madaxdii lagu casuumay Munaasabadaasi oo ka dhacday Baarka Village ee magaallad da Muqdisho, wuxuuna sheegay inay Munaasabadda ahayd mid lagu weyneynayey Mowlidka ama Dhalashadda Nebigeenna Maxamed CSW.

"Waxaan arkayey Culumo Jibaysan oo ku digrinayso Salliga Nebigeenna Muxumad Calayhi Salaatu Wasalaama, mana jirin arrimaha kale ee la sheegayo” ayuu yiri Prof. Dalxa, wuxuuna intaasi ku daray inuu isagu Xafladaasi uga qeyb galay Casuumaad ay Safaaradda Iiraan u fidisay Barlama anka Soomaaliya.

Xildhibaanku waxa uu tilmaamay in Kaqeyb galayaasha la kala dareeriyey, iyagoo aan dham aysanin Munaasbaddaasi, wuxuuna dhanka kale xusay inuusan falkaasi carqaladayn doonin Xiriirka Diplomaasiyadeed ee u dhexeeya Dowladaha Federalka Somaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamka Iiraan.

Hadalka Xildhibaanka ayaa ku soo beegmay iyadoo ay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugi dda ee NISA soo saartay Qoraal ay ku sheegtay in la qabtay Labo Nin oo u dhashay Iiraan, kuwaasi oo lagu helay inay faafinayeen Madhabta Shiicadda.

Warbixinta ayaa lagu muujiyey in raggaasi la xiray, ka dib, markii ay ka weecdeen Heshiiskii ay ku heleen Martigelinta ay ku joogaan gudaha Somaliya.

NINKII KA DAMBEEYAY DILKII GUDDOOMIYIHII HORE EE DEGMADA AFGOOYE OO GACANTA LAGU SOO DHIGAY

Saraakiisha ciidamada Booliska Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku soo dhigeen ninkii ka dambeeyay dilkii loo geystay Guddoomiyihii hore ee Degmada Afgooye C/laahi Maxamed Iideey.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Afgooye Maxamed Amiin oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay howlgal saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen Degmada Afgooye inay ku soo qabteen dhowr ruux oo falal lidi ku ah dhanka ammaanka ka geystay Degmadaasi.

Waxa uu sheegay Taliyaha dadka ay soo qabteen inuu ka mid yahay gacan ku dhiiglihii ifka dhaafiyay Guddoomiyihii Degmada Afgooye, islamarkaana hada uu ku xiran yahay Saldhiga Booliska Degmada Afgooye.

"Waxaan ka xusi karnaa Ciidanka Booliska Afgooye Joogo, Birmad,Daraawiish Afgooye joogta Degmadaan falal badan ayaa ka dhacay oo dilal qorsheysan ah, howlgal ciidanka ay sameeyeen Saacadihii la soo dhaafay dad ayaa lagu soo qabtay oo falal kala duwan lagu soo qabtay, waxaa ka mid ah ninkii Dilay C/laahi Iideey Guddoomiyihii Degmada Afgooye falka ka daba tagiisa ayaana ku soo qabanay.” Ayuu yiri Taliyaha Saldhiga Degmada Afgooye.

Taliyaha oo hadalka sii wata ayaa sheegay ciidamada Booliska inay sidoo kale soo qabteen rag burcad ah oo dadka dhici jiray, kuwaasi oo cabasho laga keenay.

Dhamaan dadka ciidanka ay ku soo qabteen howlgalka ayaa hada waxa ay ku xiran yihiin Saldhiga Degmada Afgooye, halkaasi oo Booliska ay su’aalo ku weydiinayaan.

SHIRKADA POLUCON SOMALIA OO BANDHIGTAY BADEECO DHACDAY OO LAGA SOO DEJIYAY DEKEDDA MUQDISHO

Shirkada Polucon Service Somalia oo shaqadeeda ah in ay ka hortagto, hubisana tayada badeecadaha iyo raashiinka ka soo dega dekadda magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigtay shixnad badeeco dhacday oo lagala soo dajiyay dekadda.

Shirkada ayaa ku guulaysatay in ay gacanta ku dhegto, kalana wareegto mas’uuliyada 38 kartoon macmaanka Shukaalatada loo yaqaan oo dhacsan in ka badan 5 Bilood oo ay shirkad Soomaaliyeed kala soo degtay dekadda Muqdisho.

Badeecadan dhacday ayaa gacanta shirkada Polocon service soo gashay 22/09/2015, waxa ay kharisay magaca shirkadaas si aysan u magac dilin balse ay cashar ku qaataan inaan badeeco aan tayadeedu fiicnayn loo gudbin karin bulshada Soomaaliyeed.

Haddabba shirkada Polocon Service waxa ay ku wargelinaysa shirkadaha ganacsatada Soomaaliyeed ee dibadda badeecadaha kala yimaada in aysan ku kadsoomin oo aanay ku dhiirin in ay badeeco dhacday ama tayadeeda hooseyso ay keenaan, waana wax aan sina loo aqbali doonin, waxana ay shirkada qaadaysaa talaabada kaga aadan.

Polucon services Somalia waa shirkad xubin ka ah Polucon group oo shaqeysa dalal badan oo Africa ku yaala taaso ka hawl bilawday magaalada Muqdisho bishii January ee sannadkan 2015.

Polucon services waxay dekedda wayn ee magaalada Muqdishu ka qabataa howla tayo hubin ah si loo helo badeecoyin tayo leh oo standard ah.

DOWLADA MASAR OO CIIDAMO GAAR AH U TABABAREYSO DOWLADA SOOMAALIYA

Dowlada Dalka Masar ayaa u balanqaaday dowlada Soomaaliya iney tababar siineyso ciidamo qaas ah oo dowlada Soomaaliya ay yeelato, iyada oo ku taageereyso dowlada Soomaaliya.

Kulan ay wada qaateen wasiirka amniga gudaha xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed iyo wasiirka arimaha gudaha Masar Magdy CabdulQafaar ayaa waxay kaga hadleen xiriirka labada dowladood.

Wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya oo kulanka kadib wariyaasha kula hadlay magaalada Qaahira ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid ay kaga hadleen arimo ay ka mid yihiin tababar dowlada Masar ay siiso ciidamada dowlada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay iney si dhow u wada shaqeyn donaan dowladaha Masar iyo Soomaaliya maadaama xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo.

Wasiir C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa kaga mahadceliyay dowlada Masar taageerada wanaagsan oo dowlada Soomaaliya ay siineyso iyo doorka ay ku leedahay la dagaalanka dadka amni darada ka wada Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Generaal Maxamed Sheikh Xasan Xaamud oo kamid ah wafdiga wasiirka amniga ayaa dhankiisa sheegay in dowlada Masar u balan qaaday iney ka qeyb qaadan doonto tayeynta ciidamada booliska Soomaaliyeed.

NIN ASKARI AHAA OO LABA QOF KU DILAY DEGMADA BALCAD EE G/SH/DHEXE

Wararka inaga soo gaaraaya Degmada Balcad Ee G/Sh/Dhexe, ayaa sheegayaan in mid ka mid ah Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida uu Degmadaasi ku dilay 2 qof oo shacab ahaa. Askarigan, ayaa 2daasi qof ku dil ay boosteejada laga raaco gawaarida aadda Xarunta G/Sh/Dhexe Ee M/Jo whar.

Dilka ayaa ka dambeeyay markii askarigaasi ay wada mureen nin dhalinyaro ahaa ka dibna Ask arigu uu rasaas ku furay ninkaasi, taa oo dhalisay geerida ninkaasi dhalinyarada iyo nin kaloo oday ahaa, oo ka ag dhawaa halkaasi.

G/Ku Xigeenka Dhinaca Ammaanka M/Deg/Balcad, C/laahi Maxamed Xasan, ayaa wuxuu xaqiijiyay in Askarigaasi uu 5tii Galabnimo ee sha lay uu 2daasi qof ku dilay Degmadaasi.

G/Ku Xigeenka, ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Dowladdu ay gacanta ku soo dhigeen dembiilaha, isla markaana uu ku xiran yahay xabsi ku yaala Degmada Balcad.

XUKUUMADDA UGANDA OO OO SHEEGTAY IN SOMALIA AY U DIRAYSO BOQOLAAL ASKARI OO CIIDANKA CIRKA AH

Dowladda Uganda ayaa xustay inay waddo qorshe ay ciidammo dhinaca cirka ah ugu dirayso Somalia horraanta sannadka soo socda ee 2016ka; si loo dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Saraakiil ka tirsan millateriga dalka Uganda ayaa xusay in qorshahan lagala shaqeen doono xukuumadda iyo Midowga Afrika oo mas’uuliyad ay ka saaran tahay howlgalka AMISOM ee Somalia oo dhul ballaaran looga saaray Alshabaab.

Dhanka kale, dowladda Uganda ayaa xustay inay qorshaha dhinaca cirka ay ku jiri doonto diyaaradaha shixnadaha qaada, kuwa qumaatiga u kaca & kuwa degdega si ay u taageraan ciidamada Midowga Afrika ee howlgallada ka wada Somamlia, kuwaasoo ka kala socda dalalka Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda.

Ugu dabmeyn, xukuumadda Kamapla ayaa waxaa Somalia kaga sugan tirada ugu badan ciidamada AMISOM ee hoostaga Midowga Afirka, kuwaasoo ka howlgala gobollada ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

CULIMADA SOOMAALIYEED OO KA DIGAY IN CIIDA DADKA AAN MUSLIMKA AH LOOGA DABAAL DAGO MUQDISHO

Maalmo Kooban ayaa ka harsan sanadka sanadka Cusub ee 2016 umadaha aan Muslimka ahayn ayaa isku diyaariya sida caadadooda ah Damaashaad iyo dabaal dagyo u gaar ah maadaamo ay ugu asteysantahay Ciid.

Laakiin umadda Soomaaliyeed oo ah dad Muslim ah kuna faana in ay yihiin dad isku dhaqan iyo diin ah weliba heysta Diinta Islaamka ayaa qeybo ka mid ah dalka gaar ahaan Caasimadda Muqdisho laga dareemayaa weyneynta ciida Kirishmiska.

Shaqsiyaad ayaa dhaqaalo fara badan ku bixiyay Kirada Hoteello lagu qabto Suugaan iyo Xaflado lagu weyneynayo sanadka Cusub , kana dalbay Fanaaniin Soomaaliyeed qurbaha si Heeso sanadka Cusub loogu dabaal dagayo uga ciyaaraan Hoteeladaasi.

Dhalinyarada Soomaaliyeed oo mar hore la dhaqan dooriyay ayaa ku kadsoon ka qeyb galka Munaasabadaha sanadka Cusub iyadoo laga uruursanayo dhaqaalo fara badan iyadoo si aan horay looga baran Magaalada Muqdisho waqti dambe ku gaara wiilal iyo Gabdho ku caweynta hoteelada ay ka dhacayaan dabaal dagyadaasi.

Weli ma dhicin iska daa Munaasabado waaweyn xittaa wax u eg is xasuusin ee horay loogu sameeyay Sanadka Hijriyada ee Muslimiimta ay leeyihiin oo ka dhacay Soomaaliya.

Culimada Soomaaliyeed ayaa ka digaya Xuska Ciida Kirishmiska oo laga dareemayo guuxa qaban qaabadeeda Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyagoo ku baaqay in Masuuliyiinta dowladda Soomaaliyeed mowqif adag iska taagaan arrintaasi.

Xuska sida maldahan loogu dabaal dago Ciida Kirishmiska ayaa dhalay dhaqan xumo ku faaftay umadda , waxaa ka mid ciyaar ay dhalinyaradu u yaqaanaan Jaamka ee Gabdho iyo Wiilal ay ku soo baxaan wax ka baxsan Asluubka iyo Anshaxa Muslimiinta Soomaaliyeed , taas oo caado muddooyinkii dambe ka noqotay Aroosyada iyo Goobaha xafladaha lagu dhigo.

Baahida ayaa ah tan wax hindista, dadka Soomaaliyeed ma isweydiiyeen waxa ay uga bix la’yihiin dhibaatooyinka gebi ahaan camimay dalka, ee amni darri, dhaqaallo xumo, abaarta, iyo sicirka Bararka hareeyay suuqyadooda.

Wax ka qabashada arrimahaan ayey masuuliyad ka saarantahay dhinacyada at ka mid yihiin Hoggaanka umadda ee Dowladda Soomaaliyeed, Waalidiinta oo caruurtooda ay qeyb ka yihiin kuwa ka qeyb gala ciyaaraha aan anshaxa ku habooneen, ama u daawasho taga Xafladaha loogu dabaal dagayo Ciida Kirishmiska intaas oo is biirsadana waxa ay ka celin kartaa kuwa dhaqaalahooda ku bixiyay xuskaas aan salka ku lahayn diinta iyo dhaqan suuban ee Umadda Soomaaliyeed una soo min guu riyay dhaqanno Feyrus ah ee hadda ay dadkeenna ku tallaalayaan.

Dadka Soomaaliyeed waa kuwa Jecel diintooda iyo dhaqankooda waxaana cadeyn u ah in ay tartarmo iyo Bandhigyo caalami ah uga qeyb gali jireen caalamka dacalladiisa kana soo hoyn jiray guulo la taaban karo laakiin waxa ay horay Soomaalida ugu maahmaaheen badda hal mallaay ayaa qurmiya.

ABUURIS ILAAH: MATAANO ISKU DHEGAN OO LEH LABO MADAX, LABO GACAN, LABO LUGO IYO HAL WADNE.

Isbitaalka Takhasusiga ee Shabeen oo ku yaalla Degmadda Alkoom ee Gobalka Meaofia ee dalka Masar waxaa dhawaan ku dhashay Mataano isku dhegan, kuwaasi oo leh 2 madax, 2 gacan, 2 lug, balse waxay wadaagaan 1 Wadne.

MATAANO 2Hooyadda Dhashay Ilmahaasi oo lagu magacaabo Ridaa C/qani Albaqdaadi waxaa la sheegay inay xaalladeeda caafimaad wanaagsan tahay.

Aabaha dhalay Mataanahaasi oo lagu magacaabo Baasim Cabaas waxa uu sheegay inaan Ilaahay uga wada mahad celinayo Xaal kasta, wuxuuna xusay inuu 7 bilood ka hor ogaa inay xaaskiisu leedahay Uur ay ku jiraan ilmo mataano ah oo isku dhegan.

Waxa uu tilmaamay inuusan warkaasi u sheegin Xaaskiisa, isagoo ka baqay inay noloshee da khatar gasho.

Wasiirka Caafimaadka ee Masar, ayaa amray in Ilmaha Mataanaha loo wareejiyo Isbitaalka Takhasusuiga ee Abu Riish oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Qaahira.

Mataanaha iyo waalidkooda waxaa lagu qaaday Gaari Ambalaas aad u casriyeysan, waxaana Mataanihii haatan lagu daryeelayaa Isbitaalka Takhasusiga ee Riish ee magaalladda Qaahira.

Dhaakhaatiirta ayaa la filayaa inay ka baaraandegaan sidii Malaatanaha loo kala waaxi lahaa, waxaana socota Baaritaano dheeraad ah oo lagu ogaanayo qaabka uu u shaqeynayo Habdhiska Jirkooda.

Carruurtaasi ayaa la sheegay inay hal Wadne iyo Hal calool wadaagaan.

Waa Ilmihii Labaad ee noocaasi ah oo ku dhasha Isbitaalka Takhasusiga eeShakiim Alkoom.

MADAXDA SAFAARADDA SOMALIYA EE USA IYO LAANTA SOCDAALKA OO MN LAGU SOO DHAWEEYAY …

Xafladd ballaaran oo lagu soo dhaweynayay madaxda safaaradda Soomaaliya ee Mareykan ka iyo agaasimaha laanta socdaalka dowladda Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Minnea polis ee gobolka Minnesota, iyadoo ay ka qeybgaleen boqolaal Soomaali ah, kuwaasoo ku farax sanaa furitaanka safaarada Soomaaliya ee magaaladda Washington.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay safiirkeenna Axmed Ciise Cawad waxaa ma mid ahaa ku xig eenkiisa Taabit Cabdi, agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Jen. C/llaahi Gaa foow Maxamuud, Cosob Maxamed Cali Samatar iyo howlwadeeno kale oo ka tirsan safaaradda, waxaana soo dhaweeyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota.

"Xaq ayaan u leennahay inaan caawa dabaaldagno, waayo waan soo noolaanay, madaxana kor ayaan u soo qaadannay, waxaan noo shaqeynaysa safaaradeenii oo muddo xirned, balse laakiin hadda calanka ayaa ka dul babanayo, taasina waa guul ku timid samir iyo dulqaad,” ayuu yiri Cawad oo raaciyay. "Mustaqbalkeennu waa qurux badan yahay, dalkeenuna waa soo fiicnaanayaa maalin ba maalinta ka dambeysa”

Safiirka ayaa jaaliyadda ugu baaqay inay taageeraan safaaradda iyo guud ahaan hey’adaha dowladda Soomaaliya. "Waxaan nahay shaqaale idiin shaqeeya, adinka ayaana iska leh safaaradda iyo hey’adaha kale ee dowladda intaba” ayuu sii daba dhigay hadalkiisa.

Danjire Axmed Cawad ayaa sidoo kale jaaliyada ku booriyay inay ka shaqeeyaan wanaaga, midnimada iyo xoojinta magaca, sharafta iyo muqaalka Soomaaliyeed. isagoo yiri "Haddii aad arag taan wax qaldan isku daya inaad toosisaan, laakiinse yaan looga darin.”

Jen. Gaafoow, Taliyaha laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa isagana sheegay in socaalkiisu la xiriiro sidii uu safaarada Soomaaliya ay ugala shaqeyn lahaayeen fududeynta istic maalka baasaboorka iyo adeegyada kale ee la xiriira waaxda socdaalka.

"Waxaan dooneynaa in ruux kasta oo Soomaali ah uu helo Baasaboor waayo waa mid uu u leeyahay xaq, si fudud ayaa looga heli doonaa maagalo kasta,” ayuu Gaafoow yiri, isagoo intaa raa ciyay. "Sameynta baasaboorkan waxaan kasoo marnay dhib badan, waxaasen ku guuleysannay in aan noqono dalkii ugu horeeyay ee African ah oo isticmaala baasaboorka caalamiga ah ee E Pass port, taasina waxay noo sahashay inaan ka gudubno baasaboorkii qof kasta iska qaadan jiray oo tabakaayo kasta lagu iibin jiray, ka dibna aan helnay kalsooni ah in dalal badan sida Ingiriiska ay qofkii Epassport leh siinaya deganaasho”

Jen. Gaafoow ayaa qurbajoogta Mareykanka ugu baaqay inay dalka dib ugu soo laabtaan. "Markii aan baarnay tirada jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka oo Dalka dib u soo laabtay Sannadkii hore waxaan ogaanay in 20 jibaar ay ka badan yihin Qurbajoogta Ingiriiska, ha cabsanina ee imaada dalkiinna” ayuu ku dhiirrigaliyay.

Cosob Maxamed Cali Samatar oo ah gabar garyaqaanad Soomaaliyeed ah oo isla markaana caawisa safaaradda Soomaaliya ayaa sheegtay in rajada u muuqata ay wanaagsan tahay. "Dhawa an ayaan kasoo laabtay dalkii hooyo, waxaana aaminsan nahay in maalmihii wanaagsanaa ee Soo maaliya ay naga horreeyaan, waana inaan ku gaarnaa wada jir iyo Soomaalinimo” ayay tiri Cosob.

Xubnihii Jaaliyadda ee xafladdan ka hadalay waxaa ka mid ahaa Injineer Cabdi Dheere, Sh. C/salaam Aaadan, Siyaad Cali, Jabril Afyare, Hiba Nuura, Abwaan Luqmaan Cali Waraabe, Deeqo Shabelle, Hodan Nuur, Cabdiwahaab Daahir iyo Maxamuud Ducaale, waxayna dhammaantood xuseen muhiimadda ay safaraada iyo safiirku u leeyihiin dadka Soomaaliyeed, iyagoo ballanqaaday inay la shaqeynayaan.

Sherriff Richard Stanek oo ah madaxa ammaanka deegaanka Soomaalidu ku badan tahay ee Hennepin County ayaa sheegay inay farxad u tahay ka soo qeyb galka soo dhaweynta Safiirka iyo furitaanka Safaaradda Soomaaliya. "Waa habeen taariikhi ah” ayuu yiri Stanek.

Ugu dambeyn, fannaaniinta Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota Fannaaka Axmed Cali Cigaal uu hoggaaminayay oo kaashanayay kooxda dhaqanka iyo hiddaha ee madxafka Hid daha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee Minnesota Soomaali Museum ayaa soo bandhigay ciyaaro iyo heeso waddani ah oo ay ugu talo galeen munaasabaddan qaaliga aheyd.

AL SHABAAB OO HOWLWADEENNO SAM AFAL KA AFDUUBTAY G/GEDO SHALAYSII DAYSAY XALAY

Wararka aan ka heleyno degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ku soo warramaya in Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay ka afduubteen Tuulo lagu Magacaabo Tubaako oo qiyaastii 15 km dhinaca Koofureed kaga began degmadaasi Baardheere ee Gobolka Gedo How lwadeeno samafal.

Shaqaalahani samafalka ee la afduubtay ayaa tiradooda waxa ay gaarayaan illaa 4 qof kuw aas oo uu wehliyay darawalka gaariga ay la socdeen.

Howlwadeenadaan ayaa ka soo ambabaxay shalay Magaalada Baardheere sida ilo deegaan ka ah ay noo xaqiijiyeen iyagoo u kuur galayay xaaladda nafaqa darro ee ka jirta deegaanada ku teedsan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Dhammaan ragani afduubka ay kula kaceen Al Shabaab oo ah Soomaali ayaa ka howlgal ayay Hay’adda la yiraahdo Hirda. Inkastoo aan la xaqi ijin haddana waxaa la hadal haayaa in Al Shabaab ay dadkaas ay afduubteen ula dhaqaaqeen dhanka deegaanka ilbeeto oo qiyaastii 40 km xagga bari kaga beegan M/Baardheere.

Korneyl Guhaad Maxamuud Maca lin (Timajilic) oo ka mid ah Sara akii sha Ciidanka Xoogga Dalka ee ka haw lgala Degmada Baardheere, ayaa wux uu xaqiijiyay in Shabaabku dib u soo sii day een Shaqaalahaasi, ka dib wa anwaan kaga timid Odayaasha Dhaq anka.

Korneyl Timajilic oo la hadlay Idaaca da Shabelle, ayaa wuxuu tilmaamay in Shabaabku ay soo fasaxeen afar ka mid ah Shaqaalaha Hirda, ku waa oo fadhigoodu uu ahaa Degmada Baa rdheere. Howlo talaal ahina ka waday

MWATHETHE: CIIDANKEENNA KAMA BIXI DOONAAN SOMALIYA ILAA KENYA NABAD KA NOQONAYSO

Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya Col. Samson ayaa sheegay in Ciidankiisa aysan ka bixi doonin dalka Somalia inta ay Al shabaab sii wadaan Weerarada ka dhanka ah dalkaasi Kenya.

Isagoo ku sugan Kismaayo, Wareysina siinayay TVga NTV ayuu sheegay Col. Samson in Ujeedka Ciidanka Kenya u joogaan Somalia ay tahay inay xaqiijiyaan Amaanka Xadka Kenya.

Col. Samson ayaa tilmaamay in Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay Guulo badan ka gaareen Dagaalka ka dhanka ah Al shabaab tan iyo markii ay soo galeen Somalia bartamihii Sanadkii 2011.

"Waxaa naga go’an inaan sii wadno Dagaalka aan kula jirno Al shabaab, waayo Somalia oo nabad noqoto ayay Kenyana ku nabadgeli kartaa,” ayuu yiri Col. Samson.

Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya ayaa ugu baaqay Shacabka dalkiisa inay Hay’adaha amaanka kala shaqeeyaan kahortaga Dagaalyahanada Al shabaab ee ku dhexdhuumaalaysanaya Shacabka Kenya.

Wuxuu sheegay in Al sahbaab ay Dagaalyahanno badan u dirtay Gobolka Waqooyi Bari Kenya, kuwaasi oo Bulshada ku dhexdhuumaalaysanaya, kadib markii ay Cadaadid xoogan kala kulmeen Howlgalka Ciidanka Kenya ay kawadaan Somalia.

GUDDOOMIYIHII DEGMADA KAXDA OO LA XAQIIJIYAY IN SI RASMI AH XILKA LOOGA QAADAY

Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u xaqiiji yay in xilkii laga qaaday Guddoomiyihii Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir C/kaamil Shukri, ka dib wareegto xil ka qaadis ah oo Xafiiska Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya ka soo baxday.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in Wasaarada Arimaha gudaha Soomaaliya ay xilkii ka qaadday Guddoomiyihii Degmada Kaxda.

Waxa uu sheegay Xalane xilka inuu yahay meerto oo qofka masuulka ah xilka laga qaadi karo, taasina ay ku timid in xilka laga qaado Guddoomiyihii Kaxda C/kaamil.

Inkastoo Xalane uusan sheegin magaca Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Kaxda loo dhiib ay, ayaa haddana Warar ayaa sheegayaan in xilkaasi loo magacaabay nin magaciisa lagu soo koobay C/ladiif.

Muddooyinkaan dambe ayaa si aad ah loo hadal haayay xil ka qaadis lagu sameynaayo Gud doomiyihii Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, laakiin Maamulka Gobolka ayaa shalay si rasmi ah u xaqiijiyay arintaasi.

HOOS U DHICII UGU BALLAARNAA ABID OO LACAGTA KOONFUR AFRIKA KU YIMID IYO WALAAC KA DHASHAY

Hoos u dhicii ugu weynaa abid ayaa ku yimid lacagta laga isticmaalo Koonfur Afirka ee Ran dka loo yaqaanno, ka dib markii si aan la filayn uu Shiinuhu u dhimay qiimaha lacagtiisa, taasoo hors eedday inay saameeyso lacagta Koonfur Afrika; maadaama Shiinuhu uu yahay waddanka ugu weyn ee uu ganacsiga kala dhaxeeyo dalka Koonfur Afrika.

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jocab Zuma ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay afar maalin gudahood iskubedely saddex wasiir wasaaradda dhaqaalaha dalkaas ah si loo helo cid wax ka qaban karta qiima dhaca ku yimid lacagta Randka ee waddankaas laga isitmcaalo.

Halkii Doollar ayaa hadda maraya 15.22Rand wuxuuna gaaray todobaadkii hore 16Rand, taasoo walaal xoogan ku abuurtay ganacsatada iyo shirkadaha ajaanibta ah ee maalgashtay dalkaas, waxaana jira walaac xoogan oo laga qabo dhaqaalaha sabbeynaya ee Shiinaha.

Sidoo kale, hoos u dhaca ku yimid lacagta dalka koonfur afrika ayaa wuxuu ku yeeshay saameyn weyn ganacsatada Soomaaliyeed, Kuwaasoo alaabtooda kusoo gata Doollarka Mareykanka, iyagoo ay cabasho ka muujiyeen hoos u dhaca Randka, taasoo khaasaare aad u weyn ku keeni karta, haddii aan si dhaqsa ah wax lagaga qaban.

Qiima dhacan ku yimid lacagta Koonfur Afrika ayaa loo sababeynayaa loolanka dhaqaale ee u dhexeeya wadamada Shiinaha iyo Mareykanka, maadaama Shiinuhu uu galay kaalintii Mareykanku kaga jiray dhaqaalaha caaalmka, waxaa kaloo uu Shiinuhu ku guuleystay inuu Xiriirka ballaaran oo ganacsi la yeesho waddamada Qaaradda Afrika taasoo sii Xoojinaysa loolanka labada waddan u dhexeeya.

Dhanka kale, Waxaa kaloo saameyn ku yeeshay dhaqaalaha Dalka Koonfur Afirka cuno qab teynta la saaray wadanka Ruushka, maadaama ay kawada tirsan yihiin ururka Hantiwad aagga ah ee BRICS.

Ugu dambeyn, Koonfur Afrika ayaa ku jiray dalalka farakutiriska ah ee Qaaradda Afrika oo du nida u suuqgeeya khayraadka dabiiciga ah, balse sannadkii 2012kii, ayaa shirkadihii waxsoosaarka intooda badan ay ka baxeen Koonfur Afrika iyagoo xaraashay qalabkoodii, kafdib markii uu khilaaf soo dhexgalay shirkadahaas iyo shaqalaha macdanta qoda, taasoo sababtay in maalin keliya la dilo in kabadan 34 ka mid ah shaqaalihii Macdanqodayaasha ah xili ay dhigayeen dibadbax ay ku dalb anayaan in loo kordhiyo mushaaraadka.

GERMANY OO CIIDAN U DIRAYA TURKEY

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay inay Ciidanka dalka Turkey si ay dalkaasi uga difaacaan Weeraro uga yimaada Daacish.

Ciidanka ka socda Jarmalka oo aan Tiradooda la shaacin ayaa lagu soo waramayaa inay fari isamo ka samaysan doonaan Konya oo ku yaalla xadka u dhaxeeya Turkey iyo Syria.

Dowladda Jarmalka ayaa sidoo kale sheegay inay geyn doonto Dalka Turkey Gantaalada cas riga ah ee Patriot, kuwaasi oo Ciidankeeda u adeegsan doonaan inuu difaacida Turkey, maadaama uu kamid yahaya xubnaha sare ee Ururka Gaashaanbuurta NATO.

Turkey oo xauud la wadaaga Syria ayaa lagu eedeeyaa inuu aad u taageero Kooxaha mucaa radka kasoo horjeeda dowladda Madaxweyne Bashaar Al asadka Syria.

Warkan ku saabsan Ciidanka Jarmalka uu genayo dalka Turkey ayaa kusoo beegmaya todob aad ka dib markii NATO isku raacday inay u diraan Turkey maraakiib iyo Diyaarado Dagaalka.

NATO ayaa doonaysa inay ka difaacaan dalkaasi Turkey Weerar cirka ah oo uga yimaada Ruushka oo Bishii November 24 ay Ciidanka Cirka Turkey kasoo rideen Diyaarad Dagaal.

NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN {SHEEKOTAXANE AH}

Q/65aad

C/qaadir:XulBeelle Abbaayo Macaan haddii aadan aha yn midda hablaha ugu sidata waxaad tahay midda ugu qur uxda badan ,marka aan ku soo xusuustana wadnaheyga sidii koor carrabkeed ayuu garaacaa, jaceylka aan kuu qa bo awgiis hana noqon sida cadrad rabbi waanadii u dheg iyo dhaban marshay xul beellomacaanto mar walba oo qorraxdu baalka dhigato waa aan ku soo xusuustaa fiid iyo alleylba waxaana aan kugu qiyaasaa sida mayaay roob meel walboo aad joogtaba waan soo gebi raacaa,marka uu habeenka labo isu dhigona ma lado qalbigeyga ayaan kaa dhex arkaa , habeenkaanahurdada iima dhadhanto oo soo jeed baan ku waabariistaa, mana aan jecli xitaa inaan todobo caana maal aan kaa maqnaado waayoo Macaanto XulBeella Gacaliso intaas kuma moogan karo, taasina waa gobannimmo iyo dareen ay is dheer yihiin dadka mucaa shaqiinta ah .

C/qaadir:XulBeelle Abbaayo Macaan sida luulka,dahabka iyo dheemmanka ey dadka u jecel yihiin ayaan kuu jecelah ay macaanto, Intaa ka dibna XulBeella lammaanaheedii C/ qaadir ahaa waxaa ay ku sagootisay Heestii Barkin Baan ku Tirshaa Bogga iyo Caloosheeoo ay ku luuqeyn jirtay fannaanadda khadiijo Foodeey Nuur Alle ha u naxariistee waan tan Heestii :

Hurdo kama bogtoo, Barkin Baan ku Tiirshaa,

Bogga iyo Calooshee

Berkaan u Seexdaa, Barbarrada ma Qabanaayee

EheeAhaa

Anigoo Burbburayoo,Dhinacyadu I Barareen,

Waagu ii Bariiyee

Boggii Jaceylka Intuu i Baday,Boggii Jaceylka wuxuu i Baday

Ayaan iga Ba’eeynee

Intii aan Bad qabayee ,Howshiisu igu badan

Haba baran lahaayaa, how bixin lahaayaa

Iminkoon basteey ahay Baroor

miyaa wax ii qaban.

+++++====++++++======+++++=====++++++====

Bogsan Maaya oo, Bilic iyo Nasiibkeey

midna u baxsan waayee

Cad Ceeddaa Bidhaantaa ila Baafin Weydoo

Oo hoo aahaa

Berriya shalay Baxnaanadeedaa,

Berriya shalay Baxnaanadeedaan

Nafta Been u sheegaa

Intii aan Bad Qabayee Howshiisu ugu badan

Haba Baran Lahaayaa, How bixin Lahaayaa

Imminkoon Basteey ahay Baroor Miyaa Wax ii Qaban

Intaaska bacdi lammaanayaashii is Jeclaa Cabdulqaa dir iyo XulBeella waxaa ay ku Ballameen Maalinta jimcaha ah ey{XeebtaLiido} bannaankeeda ay isugu yimaadaan, dabadeedna inta ey is macal salaameeyeenbey gacannadii madaxyada teloofoonnada isa saareen .

Shalay waa maalinarbaco ah waana 10:00 Galabnnimo C/qaadir wuxuu dhex fadhiyaa qolkiisii fadhiga , waxaana miiska hortiisa yaal u saaraan koob coffe ah, martkii uu koo bkii coffega ahaa uu dhowr jeer uu kabaday ayaa wax aa taleefoon u soo diray gabadhii lammaanihiisa raxmasaaxii bka la aheyd ee magaceeda la yiraahdo luul , daqiiqado markii uu telefankatelefoonka dhacay ka dib c/qaadirga canka ayuu kor u qaaday maalintaanasharaabka casiirkla limooniga iyo labaaniyaadkana ma la cabbayo.

C/qaadir :Luul walaal marka hore iga guddoon kasha iyo laabta ka soo go’day , salaam ka dibna caafimaadkeeyga waa boqol boqol mid taasi la mid ahinaalle xaggiisa ayaankaaga rajeynayaa.

Midda kale Luul Abbaayo Macaan kuma aan iloobin, qof la iloobana ma aad ihid oo waad ka weyn tahay oo aad ka qiimo badan tahay oo meel xusuus gaara ahi igu lerh aya ad ku sawiran tahay ,

Midda kale walaal ma aan ihi ruux abaalka loo galo iloobo Mana aanmoogi inaad ii gashay abaal aanan iloobi Karin, mana aan ihi shaqsi muraadkiisa marka uu helo ruu xagalladda u galay meel dheer ka mara amaiska iloowo.

Midda kale Luul AbbaayoMacaan waxaan xaggaada ka tabanayoma jiraaniin wanaag mooyee illeyn Soomaali da ayaa waxaay tiraahdaa { Libaax Nin Ganay iyo Nin Gall day kala og }.

Tan kale beryahaan mashquulkeyga ayaa badnaa oo wax xummaan ah ha u arkin kala maqnaanshihii aan kala maq neyn beryahaan.

Luul: ka warran saaxiibaddaa raxmo caafimaadkeeda ?

C/qaadir:waa boqol boqol oo way caafimad qabtaa habe en hore ayaan teloofoon ku wada sheekeysannay.

Midd kale xaaladeheenna lammaannannimo meel heer sa re ah ayey maraysaa oo inaan goolka dhalinno ayey u dho wdahay,niyeysana inaad cuni doonto Buskud,Doolsho, xalwo iyo waliba naan dhiganeyno Aroos Sheeno ah oo aad walibana adiga Arooskeenna aad ka ciyaari doontaan adiga iyo saaxiibkaaga qaaliga ah eemaxamed deeq.

Intaas ka bacdic/qaadir iyo Luulinta ey is macal salaameey een beygacammadii madaxyada teloofoonnadooda ay isa saaren.

Caawa waa habeennimo Khamiis ahsaacadda bariga Afrikana waxaay dul taagan tahay 8:00 fiidnnimmo C/qaa dir waxaa uu dhanbbaal miseej ahu diray lammaantiisii qaaliga aheyd ee XulBeella isagoo dhanbbaalkiisa ku bila abay sida tan:

From: C/qaadir C/lle

L/helo deg. Heliwaa

Muqdusho

Soomalaiya

Ujeeddo: Salaan Diirran oo misna Dabacsan

Marka hore iga guddoon Salaan ka soo go’day farxad sidaha qalbigayga, kana macaan malabka ay shinnidu abu urato iyo miidda Sonkorta, Salaan ka dib gacaliso tashigii aan ku hamminaayey haka dhigin midaan faa’iido ka soo bixin , mirihii aan qalbiyadaeenna aanu ku wada beernay , waxaad tahay gabadha qura ee magaalada muqdisho ga bdhaha jooga tii indhaheygu caashaqeen, qalbigeyguna uu soo xushay ayaad tahay adiga, mana u maleynaayo ineey jirto mid kaalintaada ii buuxin karto inaan ka helayo

{ BeledkaanBanaadir}

Abbaayo ha igu noqonin qof ka arradan naxariista beni aadannanimmo Xulbeella abbaayo macaan dhoer jeer ay aan ku hamiyey inaan qoys cusub dhisno way se ii ahaan weyday,waxaana mar kasta aan is weydiiyaa su’aasha ah: ma dabciga gabdhahaxamar cadde jooga ayaa xun,mise calafkeyga tii uu iigu dhici lahaa ayaan weli dhalan? Xul ashadeyduse waxaay aheyd gabar maarriin ah oo dhirirk eeduna uu dhexdhexaad yahay xagga asluubtana wax I dheer.

Waxaa tahay walaaleey gabdhihii qalbigeyga iyo Indha heyguba …….

 

La Soco Isniinta Danbe Hadduu Alle Idmo

W/Q: C/QAADIR C/LLE NUUR {QALBI DAHAB}Tel:0618455506

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip