Shirkada Polucon Somalia oo bandhigtay badeeco dhacday oo laga soo dejiyay dekedda Muqdisho "SAWIRRO"

0
Sunday December 27, 2015 - 21:45:33 in Wararka by
  • Visits: 908
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkada Polucon Somalia oo bandhigtay badeeco dhacday oo laga soo dejiyay dekedda Muqdisho "SAWIRRO"

    Shirkada Polucon Service Somalia oo shaqadeeda ah in ay ka hortagto, hubisana tayada badeecadaha iyo raashiinka ka soo dega dekadda magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigtay shixnad badeeco dhacday oo lagala soo dajiyay dekadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkada Polucon Service Somalia oo shaqadeeda ah in ay ka hortagto, hubisana tayada badeecadaha iyo raashiinka ka soo dega dekadda magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigtay shixnad badeeco dhacday oo lagala soo dajiyay dekadda. Shirkada ayaa ku guulaysatay in ay gacanta ku dhegto, kalana wareegto mas’uuliyada 38 kartoon macmaanka Shukaalatada loo yaqaan oo dhacsan in ka badan 5 Bilood oo ay shirkad Soomaaliyeed kala soo degtay dekadda Muqdisho.

Badeecadan dhacday ayaa gacanta shirkada Polocon service soo gashay 22/09/2015, waxa ay kharisay magaca shirkadaas si aysan u magac dilin balse ay cashar ku qaataan inaan badeeco aan tayadeedu fiicnayn loo gudbin karin bulshada Soomaaliyeed.

Haddabba shirkada Polocon Service waxa ay ku wargelinaysa shirkadaha ganacsatada Soomaaliyeed ee dibadda badeecadaha kala yimaada in aysan ku kadsoomin oo aanay ku dhiirin in ay badeeco dhacday ama tayadeeda hooseyso ay keenaan, waana wax aan sina loo aqbali doonin, waxana ay shirkada qaadaysaa talaabada kaga aadan.

Polucon services Somalia waa shirkad xubin ka ah Polucon group oo shaqeysa dalal badan oo Africa ku yaala taaso ka hawl bilawday magaalada Muqdisho bishii January ee sannadkan 2015.

Polucon services waxay dekedda wayn ee magaalada Muqdishu ka qabataa howla tayo hubin ah si loo helo badeecoyin tayo leh oo standard ah.



 

 


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip