Xildh. Fowsiya oo sheegtay in saddex geesood laga dhigo wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland

0
Sunday December 27, 2015 - 19:55:30 in Wararka by
  • Visits: 596
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildh. Fowsiya oo sheegtay in saddex geesood laga dhigo wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland

    Xildhibaan Fowsiya Xaaji Aadan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay muhiimadda uu leeyahay wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoona sheegtay in xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan Koonfur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Fowsiya Xaaji Aadan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay muhiimadda uu leeyahay wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoona sheegtay in xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya aanay iyagu ka qeyb gelin wadahadalada labada dhinac. "Anagu waxaan halkaan u joognaa midnimo, lama ilaawi karo 61-xildhibaan iyo kumanaan qof ee gobolada Waqooyi ka soo jeeda” ayay tiri Xildhibaanad Fowsiya Xaaji Aadan.

Mar ay ka hadleysay heshiis dhex mara Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxay rajo ka muujisay in laga gaarayo xal waara oo dan u ah Soomaalida dhammaan, waxayna tilmaantay inuu hadda jiro is af garan waa.

"Inta badan qodobadii labada dhinac isku diidanaayeen waa la isaga soo dhowaanayaa” ayay tiri xildhibaan Fowsiyo oo sheegtay inay rajo ka qabto is faham dhex mara labada dhinac.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip