FAALLO: Xurgufta Gaalkacyo xal uma aha xeer jajab!

0
Monday December 07, 2015 - 10:15:49 in Maqaallo by
  • Visits: 1285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALLO: Xurgufta Gaalkacyo xal uma aha xeer jajab!

    Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa soo gaaray dhaawac uga yimid dhinaca nidaamka Federaalka Soomaaliya, taasi oo sababtay in dad walaalo, xigto iyo xigaalo ahaa isla markaana xabbad laga riday dhexdooda ay sababtay inay ka barakacaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa soo gaaray dhaawac uga yimid dhinaca nidaamka Federaalka Soomaaliya, taasi oo sababtay in dad walaalo, xigto iyo xigaalo ahaa isla markaana xabbad laga riday dhexdooda ay sababtay inay ka barakacaan guryahooda. Dadaalka aan loo kala harin ee ay sameynayaan madaxda Dowladda Federaalka, madaxda maamulada dalka ka jira oo ay ku jiraan maamulada Galmudug iyo Puntland, waxgaradka culumaa’udiinka ayaa u muuqda kuwo aan cago badan ku taagneyn, bacdamaa iyadoo weli loo fadhiyo dhameystirka heshiiska maamulada isku haya xukunka Mudug la jebiyay qodobkii ugu muhiimsanaa heshiiska.

Arrintu si kastaba ha ahaatee xalka rasmiga ah ee lagu soo afjarayo xurgufta xukunka gobolka Mudug ee labada maamul isku fara saareen waa ka weyn yahay in lagu dhameeyo xeer jajab, waayo maamul kasta wuxuu doonayaa inuu isagu maamulo gobolka Mudug oo ay dadkoodu wada degan yihiin.

  • HALLOW FEDERA:-

  • fedral

Nidaamka Federaalka ah ma ogola in hal gobol ay ka taliyaan laba maamul goboleed, eeg dastuurka dowladda federaalka oo sheegaya in laba gobol iyo wixii ka badan ay sameysan karaan maamul goboleed, waana sababtaas ay iska indha tirayaan madaxda uu ugu horeeyo Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid.

Dadka degan gobolka Mudug Federaalka kahor nabad ayay qabeen, ma jirin ciidan ciidan kale ku duulaya, dad barakacaya iyo wararka maalmahaan laga maqlayay, waxaana nasiib darro inteeda la’eg noqotay inaan weli la abaarin halkii ay daawada ku jirtay.

Magaalada Gaalkacyo oo ka mid ah magaalooyinka faca weyn dalka haddii aan loo helin xal degdeg ah arrintu waxay u muuqaneysaa JUGJUG MEESHAADA JOOG, waayo waxa meesha ku dagaalamaya laba qabiil sida ay aaminsan yihiin kuwa caqligoodu gaaban yahay, waxaana taasi kuu daliilinaya ergooyinka kala duwan ee Gaalkacyo isugu tegay, kuwaasi oo badankood ku sugan muddo toddobaad ka badan.

Waa wax fiican inay gacmaha is qabsadaan lana arko C/Kariin Guuleed iyo C/Weli Gaas iyagoo dhoola caddeynaya inay shaashadaha caalamka ka soo muuqdaan, taasi oo niyadda u qaboojineysa inta nabadda iyo murugaadii ka dhacday Gaalkacyo in meesha laga saaro

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo lahaa abaabulka iyo ololaha uu Madaxweynaha Galmudug ku noqday saaxibkiisa C/Kariin Guuleed waxaa maanta heysata KA HARI WEYSAYE WAA KU HEYSATAA, bacdamaa cadaadis xoog leh soo wajahay maamulka Cadaado ee isaga qudhiisa xeer jajabka lagu dhisay.

Runta biyo kama dhibcaanka ah waxay tahay in labada maamul loo kala qeybiyo gobolka Mudug isla markaana xuduud loo sameeyo iyadoo loo marayo isbedelka dastuurkaan markiisii horeba lagu tuntay.

Ugu dambeyntii Soomaalidu waxay tiraahdaa "Run sheeg waa ceeb sheeg”, balse dulucda ujeedadeydu waxay iyana soo qaadaneysaa mahmaahdii ahayd "Ma Fiyoobaato xaajo aan loo feydin sida seynta Ariga”, waana inay dib isugu laabtaan odayaasha hor boodaya xukuumadda Federaalka oo ay keenaan xal daawo u noqon kara mushkiladda Mudug ka taagan.

Waxaa Qoray:
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
jabriil37@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip