Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Uganda (Sawirro)

0
Monday November 09, 2015 - 10:18:36 in Wararka by
  • Visits: 799
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Uganda (Sawirro)

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, iyadoo kulankan uu qaatay saacado, waxaana labada Madaxweyne ay ku falan-qeeyeen arrimo dhowr ah. Labada Madaxweyne ayaa si gaar ah uga hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, iyadoo kulankan uu qaatay saacado, waxaana labada Madaxweyne ay ku falan-qeeyeen arrimo dhowr ah. Labada Madaxweyne ayaa si gaar ah uga hadlay xiriirka labada dal, arrimaha ammaanka, iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada milatari ay Uganda siiso dowladda soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arimaha la dagaallanka Argagixisada, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo Uganda ay tahay dalka ugu badan ee Ciidamada ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howl galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa dhinaciisa balan qaaday in dowladdiisa ay xoojineyso taageerada iyo xiriirka saaxibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ammaanay doorka Ciidamada Uganda ka qaateen howl galka AMISOM.

IB0A8385 IB0A8395 IB0A8406 IB0A8415 IB0A8421 IB0A8435




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip