WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OOAH ISNIIN 9-KA NOVEMBAR 2015-KA

0
Monday November 09, 2015 - 10:12:45 in Wararka by
  • Visits: 864
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OOAH ISNIIN 9-KA NOVEMBAR 2015-KA

    MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO LA KULMAY DHIGIISA UGANDA .. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay la kulmay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, iyadoo kulankan uu qaatay saacado, waxaana labada Madaxweyne ay ku falanqeeyeen arrimo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO LA KULMAY DHIGIISA UGANDA .. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay la kulmay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, iyadoo kulankan uu qaatay saacado, waxaana labada Madaxweyne ay ku falanqeeyeen arrimo dhowr ah.

 

 

Labada Madaxweyne ayaa si gaar ah uga hadlay xiriirka labada dal, arrimaha ammaanka, iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada milatari ay Uganda siiso dowladda soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arimaha la dagaallanka Argagixisada, gaar ahaan daga alka ka dhanka ah AlShabaab, iyadoo Uganda ay tahay dalka ugu badan ee Ciidamada ka jooga Soo maaliya ee qeybta ka ah howl galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa dhinaciisa balan qaaday in dowladdiisa ay xoo jineyso taageerada iyo xiriirka saaxibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ammaanay doorka Ciidamada Uganda ka qaat een howl galka AMISOM

GUDDOOMIYE MADAALE "BULSHADA XAMAR DEGAN WAXAAN MAR-SIIN DOONA MEESHA AY MUDAN YIHIIN”

Munaasabad lagu soo dhoweynayay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shalay ka dhacday Hotelka City Palace, iyadoo munaasabada ay ka qeyb galeen, waxgarad, siyaasiyiin, xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasabadan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Waxgaradka iyo dhaqanka Beesha Muddull ood, waxaana khudbado ka jeediyay siyaasiyiin caan ah oo xilal soo qabtay iyo odayaal dhaqame edyo.

Ra’iisul Wasaarayaashi hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi iyo Nuur Cadde oo munaa sabada ka hadlay ayaa soo dhoweeyay Guddoomiyaha cusub, iyagoo u rajeeyay inuu xilkiisa alle ula garabgalo.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay inuu shacabka dhex geli doono, isla markaana xafiiskiisa ku shaqeyn doono, isagoo xusay inuu bulshada la tashan doono."Bulshada xamar degan waa la tashan doonaa, waana dhex imaan doonaa, wax walba aan qabanayo bulshada ayaa ka tala gelin doonaa, dhamaan wadooyinka xiran ee caasimada waa furi doonaa”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

MADAXWEYNE XASAN OO MADAXDA BARIGA AFRIKA KALA HADLAYA ARRIMAHA AMNIGA IYO ARGAGAXISADA

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Entebbe ee dalka Uganda, halkaasoo uu madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni kulan qaadan doono kluan looga hadli doono arrimaha amniga gobolka, dardargelinta hawlgalada ciidanka AMISOM ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo arrimo kale.

Dalka Uganda ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka ay ciidanku ka joogaan Somalia, kuwaas oo qeyb ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo dowladda Soomaaliya ka taageera dagaallada ay kula jirto Alshabaab.

Xasan Sheekh ayaa socdaalka dalka Uganda kaddib, kulan kan la mid ah kula yeelan doona magaalada Djibouti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waddankaas oo uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tegi doono booqasho.

Hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidamada ka joogaan Somalia iyo madaxweynaha Somalia ayaa shirkii golaha guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay magaalada New York bishii Septemb er ee sanadkan 2015ka, waxayna isla garteen xoojinta hawlgallada Dalka looga sifeynayo Alshabaab oo uu sheegay inay khatar amniga ku hayaan gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kaddib socdaal ku tegi doona xarunta Sacuudi Caraabiya ee Riyaad, halkaasoo uu kaga qaybgeli doono shir madaxeedkii 4aad ee dalalka xubnaha ka ah Jaa macadda Carabta iyo dalalka ku yaalla Koonfuurta Ameerika.

Ugu dambeyn, Shirkaas ayaa loo ga hadli doono iskaashiga labada dhinac, iyadoo la filayo in ay kasoo qaybgalaan 22ka dal ee Jaamac adda Carabta ka tirsan iyo 12ka waddan oo ka socda Koonfuurta America.

Dalladda Horumarinta Haweenka Saxaafadda Soomaaliyeed ee {WOMDU} Oo Siminaar Hal Maalin ah u Qabtay Haweenka kala Socda Qeybo Kala Duwan ee Gobolka Banaadir.

Dallada WOMDU ayaa daraad siminaar hal maalin ah u qabtay haween soomaaliyeed oo kala kala socday qeybo kala duwan ee Gobolka Banaadir

Siminaarkaa oo ay maal gelisay hey’adda CENTAR FOR EDUCATION DEVOLOPMENT{CED} kaa oo lagu barnayey Awood siinta haweenka iyo ka qeyb galka talada dalka ee sidii ay xuquuqda ay leeyihiin ku heli lahaayeen ee ah maamulka siyaasadda iyo howlah Qaranka intuba .

Siminaarkaa ayaa waxa uu ka dhacay hotel central ee Magaalada muqdisho waxaana haweenka siminaarka loo qabtay tiradoodu aheyd 50 xubnood oo gobolka banaadir qeybo kala duwan ka kala socday

Siminaarkaa ayaa waxaa ka warbixisay guddoomiye ku xigenka dallada horumarinta haweenka saxaafada soomaaliyeed Maro. Malyuun Sh. Xeydar iyadoo sheegtay in siminaarkan uu yahay mid lagu doonayo in haweenka lagu siiyo daruus lagu kobcinaayo awoodooda taasoo ah in haweenka lagu wacyi geliyo in ay xaquuqdooda ka helaan qeybha siyaasadda dalka iyagoo loogu sheegaayo daruusta hababakii ay ku raadsan lahaayeen taasoo horey heyadda CED dalladaani kaga mid ahyed 20kii urur ee ka qeyb galayhoreyna daruustaan u soo qaatay ayaa mnaatan ka dalad ahaan diyaar u nahay in aan siino gabdhah kale ee aanay u suurto gelin in ay helaan, waxaan ugu mahad celinayaa heydaa CED oo inagu saacidday in aan gandha 50ka ah aan shalay siino daruusta taasoo ay inoogu maal gelisay anaguna dallada womdu ahaan aan doorkeena ka qqadaneyno sidii loo heli lahaa haween tashaday oo isku xiran oo aaraa midydsan leh iyadoo ku soo dhaweysay Guddoomiyaha Degma da waaberi Marwo. Xaawo Maxamuud Cali {Xaawo kiin iyadoo hawenka ka qeybgakay siminaarka ku boorisay inay dada laan ayan si wadajir ah ugu midoobaan doonista xaquuqd ooda iyadoo sheegtay inay iyada kaliya guddoomiye ka tahay 17ka degmo ee G.Banaadir ayna ku joogto hab qe ybsiga beeleed taasoo ay sheegtay inay xuquuq badan ugu maqan tahay haweenka loona baahan yahay in laga baxo waxayna u mahad celisay gabahdha saxaafadda soomaaliyeed maadaama ay sheegtay in iyadu ay aheyd saxaafiyada shalayna xil dhanka siyaasadda ah u gudub tay .

Dhanka kale siminaarkaasi awoodsiinta haweenka ee dalladda WOMDU u qabtay haweenka isugu jiro qeybo kala duwan ay tahay mid faa’iido u ah haweenka taasoo ay shegtay in haweenka ay ku dadaalaan sidii ay kaga qeyb qaadan lahaayeen hiigsiga dalka uu ku jiro qeybta dastu urka ay ku leeyihiin xitaa ma heystaan waxaan wasaradaha dalka ka jira ay tahay mid ay ku qadsan yihiin haweenka ooh al agaasime kaliya ay ka jirto 28 ka wasaaradood taa sina ay tahay in haweenka ka jiifaan sidii ay kaalinkooda u soo dhacsan lahaayeen.

Ogaada haweenoow in aad tihiin tiirka bulshada hoggaa nka u ah oo haween la’aan uusan rag waxba qaban Karin dhibaatadii dalka soo martay oo dhan haween ayaa qoysas ka heysay waxa dhibaatoodnaya waa haween waxaadna ogaataan in hab qeybsi qabiileed uusan faa’iido lahyen ee smaeysta ururro iyo xisbiyo kana qeyb qaata sidii looga bixi lahaa habka qabiileed, qabil waa qurun, qaa baaba’ ee haweenka iyagaa ummada u ah mid qabiilkastaa dhashay waana in ay helaan xuquuqdooda laakiin waxaay idinka ra btaa raadin iyo dadaal badan ayey tiri jawaahir baar qab oo ah guddoomiyaha haweenka gobolka banaadir oo ka hada shay madashada siminaarka awoodsiinta haweenka ee ay heyadda womdu u qabtay 50ka hawen taasoo ay weliba jawaahir ku amshalayy maamulka sare ee dalkadda hor umarinta saxaafadda soomaaliyeed marwo Malyuun Sh. Xeydar iyo garbaheeda sidii ay ugu dadaalayaan sidii hawe enka doorkooda ugu qaadan lahaayeen aayaha dalkooda iyadoo u rajeysay guul iyo horumar.

Siminaarkaa ayaa waxaa soo gunaadaya gudoomiyaha hey;adda Centar For Eduction Devolompent {CED} Prof.C/laahi Cali Xasan Isagoo ku bilaabay hadalkiisa gabar wax baratay waa bulsho wax baratay , anaga haddaanu nahay maamulka CED waxaan doorka saarnay in dalka waxqabashadiisa in lagu gaari karo in haweenka doorkooda la tuso, taasoo ah in haweenku ay yihiin kuwo dadaal badan loona baahan yahay in xuquuqdooda alle siiyey ay ku filna tahay haddii ay helaan taasoo ah in gabdhah wax la baro, in gadha shaqo ay helaan, in gadhah qeybha maamullada laga howl geliyo maxaa u diidaya.

Waxaan halkaan ka cadeynayaa in haween 20 urur ka socda aan barnay daruus la xiriirta awood siinta haweenka taasoo guulo badan laga gaaray waxaan farxad ii ah in aan manta goob jog ka ahay in gabdhihii daraad aan daruusta siinay in ay iga manta ka tashanayaan sidii ay iga isugu gudbin lahaayeen darsuutii waliba in manta gadhbo badan ay yihiin kuwa shaqo raadsaday, kuwa waxbarasho galay taasina waa faraxad CED waayoo haween wax baatay waa dadka oo dhan oo wax baraty waayoo waxaay anfaceysaa nolosheed, dan qosykeeda tan dalkeeda taasina waa midda kaliya oo aan dooneyno ayuu yiri Prof Cabdullaahi Cali Xasan Madaxa heyadda CED isagoo ammaanay dalada wamdu oo noqtay dallad ka soo baxday waajibaadkeeda doorka haweenkana kor u soo qaaday maadaama ay haween dadal badan ay yihiin womdu waxaana malyuun sh. Xeydar iyo gabadha dalladda ka midka ah ugu mahad celinayaa dadaalkooda muuqda oo manta haween intaa la eg isu keenay holkaan iyagoo ka faa’iideysnaya daruustii CED soo bartay taasina ay tahay mid guul u ah haweenka soomaaliyeed nagana na farxad gelineysa.

BOOLISKA OO XILDHIBAANNADA UGU YEERAY INAANAY ILAALO LA’AAN KU SOCON MAGAALADA MUQDISHO

Taliska Booliska Gobolka Banaadir, ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ugu yeeray inaysan ku dhex socon Magaalada Muqdisho, bilaa ilaalo, maadaama ay lee yihiin waxa ay ugu yeereen cadow.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, General Cali Xersi Barre (Cali Gaab), ayaa waxa uu sheegay inaan loo baahnayn in ilaalo la’aan, ay Xildhibaanadu ku dhex socoto Magaalada Muqdisho.

Taliyaha waxa uu tibaaxay in Xildhibaan kasta uu lee yahay laba askari oo ilaalo u ah, sidaasi daraadeedna ay la socdaan ilaaladooda, kolka ay ku dhex soconayaan gudaha Magaalada Muqdisho.

Waxa uu soo hadalqaaday Xildhibaankii daraad Magaalada Muqdisho lagu dilay (Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan), la weeraray, xilli uu bilaa ilaalo ahaa.

General Cali Xersi Barre oo la hadlay Radio Shabelle, ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay haddii Xildhibaanadu ay horey u sii kaxeystaan ilaaladooda, ay taasi xoojinayso amnigooda.General Cali Gaab, ayaa Xildhibaanada ugu baaqay haddii aanay haysan wax ilaalo ah, ayna doonayaan goobo ay taggaan, looga baahan yahay in ay la soo xiriiraan Saldhigyada Booliska ee ugu dhow, si ilaalo loogu soo diro.

Xildhibaan Gurxan, ayaa noqonaayo Xildhibaankii 6aad ee sanadkan lagu dilo Magaalada Muqdisho, waxaana masuuliyadda dilkiisa sheegatay Al Shabaab.

3 RUUX OO KU GEERIYOOTAY DARBI KU SOO DUMAY MAGAALADA MUQDISHO

Saddex ruux ayaa ku geeriyootay kadib markii uu ku soo dumary darbi ay kaga gabanayeen roob ka da’ayay shalay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Darbigan ayaa dumary xilli roob xoog leh uu habeen hore iyo shalay ka da’ayay magaalada Muqdisho waxana wararka ay sheegayaan in ugu yaraan afar kale ay waxyeelo ka soo gaartay dumista darbiga.

Dadka wax ku noqday dumista darbiga oo ka dhacday degmada Yaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa isugu jirey dad waaweyn iyo carruur.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in ciidan ka tirsan AMISOM ay gurmad u fidiyeen dadka uu darbigu ku dumay kuwaasoo xilligaasi ku suganaa meel u dhow halka uu shilku ka dhacay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay ka da’ay roob xooggan oo sababay in ay adkaado isku socodka dadweynaha ee xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Q.M. OO WARBIXIN KA SOO SAARTAY DADKA AY SAAMEEYEEN DAADADKA KU DHUFTAY QEYBO KA MID AH GOBALLADA SOOMAALIYA

Warbixin uu soo saaray xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadinimada QM ee OCHA ayaa lagu sheegay in ka badan 90,000 oo qof ay saameeyeen daadad ka dhashay roobab ka da’ay qeybo ka mid ah waddanka tan iyo bishii October ee sannadkan.

OCHA ayaa sheegay in toddobaadyadii ugu dambeeyay roobabka ka da’ay goballo ka tirsan waddanka sidda Bakool, Baay, Jubadda Hoose, Jubadda dhexe, Shabeellaha dhexe ay saameeyeen qoysas badan kuwaasoo hadda u baahan gargaar.

"Kumanaan qof oo ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa khatar ugu jirra in ay sameeyaan daadadka ka yimaada wabiyada waddanka” siddaas waxaa sheegtay QM.

Horrey ayaa hay’adaha gargaarka waxay u sheegeen in daadad ka dhasha webiyada Jubba iyo Shabeelle ay saameyn ku yeelan karaan qiyaastii 900,0000 oo qof oo ku nool meelaha u dhow webiyada.

Soomaaliya ayaa sannado badan waxaa ku dhuftay daadad xooggan, waxaana hadda laga digayaa duufanta El Nino taasoo wadada dabeylo xooggan. QM ayaa bishii horre ka digtay dabey sha El Nino taasoo saameen ku yeelaneysa 12 Miloyan oo qof laga billaabo sannadka 2015 hal ka sannadka 2016ka ay tiradaas gaari doonaan 22 Milyan oo qof.

DOWLADA SOOMAALIYA OO MUWAADINIIN U DHASHAY IRAN KU WAREJIYAY SAFAARADA IRAN EE SOOMAALIYA

Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxa med oo ku wareejiyay Safaarada Iran ee Soomaaliya 4 Iraaniyiin ah oo laga soo furtay Kooxaha Bur cad Badeeda Soomaaliyeed.

Wasiirka Maxamed ayaa sheegay in Muwaadiniinta ka soo jeeda Dalka Iran in lagu heystay meel u dhow Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya isagoona tilma amay in haatan lagu raadjoojo 9 kale oo iyana loo heysto afduub ahaan.Todobaadkii hore ayey ah eyd, markii Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka Maamul Goboleedka Galmudug ay qaadeen howlgallo gaar ah kuwaasi oo ugu suuro gashay soo furashada Muwaadiniintaasi u dhashay Dalka Iran ee u afduubnaa Burcad Badeed Soomaaliyeed

 

R.W KUXIGEENKA OO KA QAYB GALAY AAS QARAN OO LOO SAMEEYEY MARXUUM MAXAMED AXMED GURXAN

Allaha u naxariistee waxaa shalay lagu aasay qabuuraha Isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho Marxuum Maxamed Axmed Gurxan oo kooxo dhagarqabayaal ah ay daraad ku dileen magaalada Muqdisho. Waxana aaska Marxuumka ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte. Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Mudane Jeylaani Nuur Iikar iyo xubno ka tirsan labada golle ee dawladda, Siyaasiyiin iyo dad weyne kale oo kamid ahaayeen ehellada Marxuumka.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar oo Saxaafadda la hadlay aaska ka dib ayaa sheegay in dilka kooxaha Nabaddiidku u geysteen marxuum Maxamed Axmed Gurxan iyo kuwii ka horeeyay aysan hakin doonin howlaha uu qaranka u hayo Baar lamaanka, wuxuna ugu baaqay laamaha amniga inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii ka dambeeyay dilka Xildhibaanka cadaaladana la horkeenno.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa dhankiisa tacsi u diray baarlamaanka iyo eheladii uu ka baxay marxuumka iyo guud ah aan ummada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu waayay xubin muh im ah.

"Xildhibaan Gurxan wuxuu ahaa qof qaali ku ah bulshada Soomaaliyeed, wuxuu dhintay isag oo dalkiisa iyo dadkiisa u shaqaynaya. Gurxan wuxuu la mid yahay dadkii Soomaaliyeed oo iyaga oo Soomaaliya u halgamaya naftooda ku waayay, uguma horeyn, dabcana uguma dambeyn doono” ayuu yiri R.W ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka X. Soomaaliya ayaa mar labaad ugu baaqay sha cabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan laamaha amniga soona sheegaan kooxaha shar wadayaa sha ah.

CIIDAMMO CUSUB OO KA SOCDA UGANDA OO SOO GAARAY XARUNTA SOOMAALIYA EE MUQDISHO

Cutubkii ugu horreeyay ciidammo cusub oo ka socda dalka Uganda ayaa soo gaaray Muq disho Jimcihii lasoo dhaafay, kuwaasoo beddeli doona ciidamo ka tirsan kuwa ka socda Uganda oo horay ugu sugnaa Somalia, kuwaasoo howshii ay u joogeen Somalia dhameystay.

Ciidamadan cusub oo qayb ka noqonaya AMISOM ayaa waxay bedeli doonaan ciidammo ka howlgalayay gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo uu taliye u ahaa, Col. Silvio Aguma, isla markaana ah ku simaha taliyaha ciidanka lugta ee Uganda, iyadoo ciidamadan Muqdisho soo gaarayna uu taliye u yahay Col. Bob Ogik.

Sidoo kale, Col. Aguma oo salaansharaf ka qaatay ciidamada Muqdisho soo gaaray ayaa sheegay in ciidamadii hore ee ay bedelayaan ay howl wanaagsan ka qabteen Soomaaliya muddadii halka sano ahayd ee ay joogeen, uuna kuwa cusub u rajeynayo inay howl fiican iyaguna qabtaan mu ddada ay shaqeynayaan.

"Runtii ciidamada dib ugu laabanaya Uganda waxay qabteen howl wanaagsan. Ciidamadan waxay ka howlgalayeen agagaarka Baraawe, waxaana ciidamadaan cusub la geyn doonaa degmada Baraawe, waxaana la idinka doonayaa inaad howl wanaagsan qabataan idinkoo matala dalkiinna,” ayuu Col. Aguma mar kale yiri.

Taliyaha ayaa intaa raaciyay in ciidamada cusub ee Muqdisho soo gaaray laga doonayo in ay sugaan amniga waddooyinka ay sahaydu u marayso, si ay ugu suurogasho in sahaydu ay gaarto, ayna howlgalladooda si wanaagsan u fuliyaan.

"Waxaa rajeynayaa in cutubkan oo ah kooxda 17aad ee ciidanka dalka Uganda ay yihiin kuwo tababar fiican qaba, waxaana saaran xil ah inay howl aad uga wanaagsan howshii ay qabteen ciidamadii ka horreeyay ay qabtaan,” ayuu yiri Col. Aguma.

Taliyahan ayaa ciidamada cusub ee ka socda Uganda u sheegay in ciidamadii ka horreeyay ay muddo sannad ah dhul ballaaran ku qabsadeen, iyagana sidoo kale laga doonayo inay tallaabo taas la mid ah qaadaan. Marka ay laabanayaana laga doonayo inay laabtaan iyagoo waajibaadkooda si guul leh ku dhameystay.

Dhanka kale, ciidamada AMISOM ee ka socda dalalka; Uganda, Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ayaa guuto walba oo ka mid ah waxay Soomaaliya ka howlgalaan muddo hal sano ah, iyadoo lagu bedelo marka howshoodu dhammaato ciidammo cusub.

Ugu dambeyn, Uganda ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidamada ugu badan ee haw lgalka AMISOM, waxaana Muqdisho la keenay sannadkii 2007dii, iyagoo tan iyo xilligaas ka howlgal ayay Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaateen, diyaaraddii keenay ciidamada cusub ee waddanka Uganda ka socda ayaa waxaa lagu celiyay ciidamadii horay uga howlgalayay Somalia ee ka socday Uganda, kuwaasoo muddadii shaqadooda dhameystay.

KENYA OO XABSIGA DHIGTAY LIX HAWEEN AH IYO LABO CARUUR OO SOOMAALI AH

Booliska dalka Kenya ayaa waxa ay xabsiga dhigeen dad Somaliyed oo isugu jira haween iyo caruur, xilli Booliska ay ku eedeynayaan dadkaan inay si sharci daro ah ku geli rabeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dadkaan waxaa lagu xiray deegaanka Londiani oo ka tirsan dalka Kenya, waxaana xarigooda uu ka dambeeyay, kadib markii ay ka yimaadeen dhanka dalka Uganda oo ay doonayeen inay galaan Magaalada Nairobi.

Tirada dadka Somalida ah ee ciidamada Booliska ay xireen ayaa waxa ay yihiin sideed ruux oo kala ah lix haween ah iyo labo caruur ah.

Danson Diru oo ka tirsan Waaxda dambi baarista ee Deegaanka Kericho ayaa sheegay sideeda ruux ee Somalida ah inay dalka Uganda ka soo tageen, ayna u socdeen Xaafada Somalida ay degto ee Islii.

Dadkaasi oo aan awoodin ku hadlida luuqadaha Sawaaxiliga iyo Englishka ayaa la sheegay inay baaritaano ku wadaan ciidamada ammaanka sida Warbaahinta Kenya ay baahisay.

Kenya ayaa marar badan xabsiga dhigtay dad dhalinyaro u badan oo Soomaali ah kuwaasi oo lagu eedeey iney xiriir la leeyihiin ururka Alshabaab oo weeraro qasaaro geystay ka fuliyay dalka Kenya.

XILDHIBAAN QOONE "WAA LA SOO AFJARAY KALA ARAGTI DUWANAANTII KA JIRAY DHISMAHA GUDDIGA FARSAMADA”

Xildhibaan Maxamed Xasan Qoone oo ka mid ah mudanayaasha ka tirsan baarlamaanka Fed eraalka ah ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in la soo afjaray kala aragti duwaantii ku wajahneyd dhismaha guddiga farsamada ee maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa bishii hore ku dhawaaqday Guddiga fars amada Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo ka kooban 14xu bnood, waxaana durbaba ka horyimid Guddiga bulshada labada gobol iyo qabaa’ilada dega oo salu ugay habka loo qeybiyay xubnaha guddiga.

Xildhibaan Qoone ayaa ku amaanay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka dadaalka ay ku soo afjartay murankii ka dhashay dhismaha guddiga farsamada iyo sida ay dhexda ugu xiratay xalinta arrintaasi, isagoo soo dhaweeyay in madaxda Wasaaradda ay socodsiiso howshii uu qaban lahaa Guddigaasi.

"Waxaa soo dhoweynayaa kala aragti duwanaanshihii ka jiray dhismaha Guddiga farsamada labada gobol iyo sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha u soo afjartay murankaas”ayuu yiri Xildhibaan Qoone oo la hadlayay Warbaahinta.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Xasan Qoone ayaa ku booriyay bulshada ka soo jeedda lab ada gobol in ay gacan ka geystaan dhismaha maamulka la doonayo in loo sameeyo Gobollada Hii raan iyo Shabeelada Dhexe.

Dhowaan ayaa la filayaa in la bilaabo howlaha maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sha beellaha Dhexe, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay sheegtay in la dhisi doono maamulkaas ka hor inta aanu dhamaan sanadkanka 2015.

KULANKII 10AAD EE ABAALMARINTA HAL ABUURRADA SOUTH AFRIKA OO LAGU QABTAY PRETORIA

Munaasabad lagu maamuusayay kunlanka 10aad ee abaalmarinta halabuurada dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa soo qaybgalay mas'uuliyiin ka socday xukuumadda Koonfur Afrika, u qaybsanaha dhaqanka iyo arrimaha bulshada ee safaaradda Somalia ay ku leedahay Koonfur Afrika, Cabdi Xalane Xirsi, golaha dhaqanka Koonfur Afrika iyo xubno kala duwan oo matalayay bulshada Qaarada Afrika; iyadoo lagu soo bandhigay Hiddaha iyo Dhaqamada dalalka Afrika, iyadoo Somalia ay soo bandhigtay bandhigdhaqameed aad loogu riyaaqay.

Prof. Micere Githae Mugo oo u dhalatay dalka Kenya kana qaybgalaysay xafladda ayaa ka hadashay sheekooyinka, suugaanta iyo halabuurrada Afrika iyo sida ay muhiimka u yihiin in la ururiyo, lana abaalmariyo dadka isku taxluujiya inay wax ka qoraan dhaqankooda.

Sidoo kale, Cabdi Xalane Xirsi oo ah u qaybsanaha dhaqanka iyo arrimaha bulshada ee safaaradda Somalia ay ku leedahay Koonfur Afrika oo aan wax ka weydiinnay aragtidiisa ku aaddan inay kasoo qaybgalaan barnaamij lagu abaalmarinayay halabuurada Koonfur Afrika, ayaa xusay inay ku faraxsan yihiin ayna wax weyn u tahay in magaca & dhaqankii Somalia lagu soo bandhigo meelaha ay isugu yimaadeen mas'uuliyiinta, aqoonyahannada iyo bulshada Afrika.

Ugu dambeyn, xafladda lagu maamuusayay kulankii 10aad ee abaalmarinta halabuurada Koonfur Afrika ayaa waxaa gabagabadii abaalmarino kala duwan lagu guddoonsiiyay ku dhawaad 15 qoraayaal ah oo laga wada yaqaan Koonfur Afrika, waxaana lagu maamuusay kulankan shirka qorayaasha caalamiga ah ee Afrika.

DOWLADDA OO SHEEGTAY IN SHABAABKU UU HUBKA KA HELI KARO MAGAALADA MUQDISHO OO IDIL

Dowladda Somaliya, ayaa waxay walaac ka qabtaa hubka sharci darrada ah ee lagu dhex haysto Magaalada Muqdisho, in ay halis ku yihiin xasiloonida Caasimadda Somaliya.

Maxamed Cabdi Xayiri (Maareeye), Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, ayaa wuxuu sheegay in Xoogaga Shabaabku ay hubka ka dhex heli karaan guud ahaan Magaalada Muqdisho, dadka oo weli hubeysan awadeed.

Wasiirka, ayaa wuxuu yiri "Dadkan nabadiidka ah hubka meel kasta ayay ka heli karaan Xamar. Magaalada oo dhan baa hub haysata.”

Waxa uu iftiimiyay inay wadaan dadaalo mid sharci darro ah looga dhigaayo hubka lagu dhex haysto Caasimadda, iyadoona ay dadka hubka haysan doonaan, marka loo sharciyeeyo oo keliya.

"Weli hubka Magaalada lagama uruurin, waxa gacanta Dowladda ku jira mooyee waxa kala oo dhan, waxaan wadnaa in sharco darro laga dhigo, oo qofna hub aan u sharciyeysnayn haysan karin.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka oo la hadlay Laanta Somaliga ee VOA, ayaa shacabka ugu baaqay in ay hubka ku wareejiyan Dowladda, lana yeeshaan wada shaqayn, iyadoo la dhaqaajinayo nidaamka dowladni mada.

"Dowladnimadu way dhismaysaa, horey ayay u socotaa, dadkana waxaa looga baahan yahay inay Dowladda la shaqeeyaan, hubkana Dowladda ku wareejiyaan.” Ayuu yiri Maxamed Cabdi Xayir.

HAMBALYO DHALASHO CAWA IYO AYAAN LEH

Waxaan halkaan Hambalyo Dhalasho Cawa Iyo Ayaan Leh loogu diraynaa

MaxamedC/CASIIS SHITAAR IYO XAASKIISA RAXMO oo Tariikhda markii ay aheyd 8Da NOV EMBAR 2015ka ay Gabari ugu dhalatay Xaa0fadda Tabbeellaha Jeceylka ee Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho, waxaa Dhalashada Gabadhaasi Ifka ku soo Biirtay u Hambalyeynayaan Dhammaan Bahweynta Xaafada Tabbeellaha Jeceylka iyaga oo aan u kala harin waxaay leeyihiin Alle haka dhigo tii soo barbaarta oo loo Aayo Dalkeeda, Dadkeeda iyo Diinteedana Anfacda , Maasha Allah Aabbe iyo Hooyo alle ha idinkaga dhigo tii aad daalka badan u soo marteen kuwii ku dhe efsada oo korinteeda Rabbi Idin la Garabgalo

Aamiin Aamiin Aamiin

 

Sidoo kale Maamulka iyo HowlwadeennadaWabka WWW.mogtimes.com iyo wargeyska Mogadi shu times waxaa uu hawada u marinayaa HAMBALYO AABBE MaxamedC/CASIIS SHITAAR IYO hooyo RAXMO Gabadha yarta ah ee ku soo Biirtay Qoyskooda oo ah in Alle ka dhigo tii soo Barb aarta oo Daryeesha Waalidkeed, Dadkeeda, Diinteeda iyo Waliba Dalkeeda

Aamiin AamiinAamiin

NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN {SHEEKO TAXANE AH}

Q/62aad

Bushra: walaa marka hore waan ku salaamay , salaam ka dibnamagaceygu waxaa la yiraahda Bushra, waxaan degganahay Degmada Shaangaani aniguna sidoo kale waxaan jecelahay bulsho la noolaansh aha mana aan ihi xiisooleey, dhadhan raac ah oo danteeda oo qura taqaanna.

Mudda kale saaxiibeey aniguna waxaan leeyahay lammaane maga ciisala yiraahdoBinshaakir oo ey nafta inoo dhaxeyso waa wiil sitiisan ah oo haddana beysaani ah,waa wiilaan aqoon buur isa saaridda iyo is la weynida, waana wiilganacsade ah oo dubay wax ka keena waqtigii aan is baranay ilaa iyo hadda wax is bedel la yiraahdo kuma aanan arag.

Saaxiibeeymar walboo uu gurigeygaigu soo haasaawo tagna isagoo faraxsan ayaan soo diraa habeenkii kolka saamuleylka la gaarana xusuustiisaan ku seexdaa kuna soo toosaa.

Midda kale aragtidiisaanku noolahay oo la’aantiis ma noolaan karo biy uhina dhuunteyda kama ay degaan saaxiibeeymarwalboo aan firaashkey ga tagana muraayadda qalbigeyga ayaan ka dhex arkaa , mar walboo joornaal ama bug sheekoahaan akhri naayana isagaa m ka dhex arkaa

Intaa ka dib saaxiibbadii is jeclaa ee Rxmo iyo Bushra: waxaa ay iska la soo baxeen goobtii internaiyka aheyd waxaana lo soo wada dhaqa aqay gurigii Bushra: oo goobta ka dhawaa waa daqiiqado markii wadd ada lagu soo jiray ka dibna girigii Bushra: ayaa la yimid, ka dibna gudaha ayaa loo soo galay dabadeedna qolkii fadhiga ayaa loo gudbay ka dibna fadhi carbeedkii ayaa lawada fariistay , maalintaa cabbit aanka iyo mac macaankii la cuni lahaa waxaa keentay Bus hra: walaasheedii ka yareyd ee Nasiib in daqiiqado ah ka dib waxaa la bilaabay cunistii macmac aanka loo keenay il biriqsiyo yar ka dibna macmacaankii waa laga fara ti rtirtay waxaan ay guda galeen labadii gabdhood kaftan iyo sheeko dhe er waxaana ay saacaddu isa soo dul taagtay 8:00 duhurnnimo gabadhii nasiib aheydna waxaay keentay cabbitaankii iyo cuntadadii oo maalin taa la cuni ahaaiyadoo maalintaas qadadu ay aheyd Bariis nooca loo yaqaan { Baas matiga} shidni, hilba dheylo ah , cabbitaanno qudaar la shiiday ah iyadoo maalintaa Raxmo iyo Bushra: ay wada qadeeyeen.Qadadii ka dib Bushra:waxaay saaxiibteedRaxma u shidday filim Hindi ah oo jaceyl ah aadna u xiisa badnaa qaddar Saacado ahi markii filimkii la fiirsaday ayaa saacaddu markii ay soo gaartay 10:00kii Galabnimo ayaa Bushra Iyio Raxmo ay wada qubeysteen , barafuunno carafe bandanna isku wada buufiyeen ayey Magaalda u soo wada dhaqaaqeen, iyagoo Habeenkaas wada galeen{shineemo Super} oo uu habeenkaasi ka socday filim xiisa leh iyagoo wada fariisteen kuraasta dhexe ee shaleemada Super.

Xoogaa daqiiqado ah ka dibna waxaa la billaabay filimkii, kolkii in saacado ah filimkii la wada daawaday ka bacdina oo ay saacaddu gaartay 9:00kii habeennimo ayaa bushra iyo Raxmona ay ka soo wada baxeen shaleemadii , waxaayna iskula soo jaan qaadeenxagaa iyo busteejada gaariga laga raaco ee ceel gaabta taasoo gaariga laga saari lahaa gabadha raxmo ah oo maalintaa marti u aheyd saaxiibadeed cusub ee bushra.

In Qaddar daqiiqado ah ka dibna busteejadii ayaa la yimid waxayna gaaro{kooster} ah ka saartay raxma iyagoo iskula ballameen in maalinta jimcaha ah ey isugu yimaadaan golaha murtida iyo mada dalada national tiyaatre , dabadeedna gaarigii baa dhaqaaqay oo goobtii ayaana la isku macal salaameeyey.

Shalay waa maalinnimo isniin ah, waa aroor hore waxaana ciyaya diigii iyo shinbirihii arooryaad cabdulqaadir waxaa uu ka soo dul toosay maamu usiyadiisii, waxaa uuna u soo dhaqaaqay xagaa iyo deyrka guriga si uu u weyso qaato,una dukado salaadda subax ee uu alle S.W.T. ku lahaa , qaddarxoogaa ah ka dibna wuxuu gutay waajibkii alle ku lahaa saladdii ayuuna dukaday , ka bacdina waxaa uu u dhaqaaqay qolkiisii fadhiga ahaa wuxuuna iska fariistay kursigii ugu dhawaa oo qolkiisa fadhiga yaalay , dabadeedna waxaa uu laacay majalad miiska hortiisa ah yiilay saa

La soco isniinta danbe hadduu alle idmo

W/Q: C/QAADIR C/LLE NUUR

{QALBI DAHAB} Tel:0618455506




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip