Madaxweyne Xasan "Hey'adaha ammaanka waa inay sharciga horkeenaan dhagar-qabayaasha xildhibaanka dilay.

0
Sunday November 08, 2015 - 09:03:58 in Wararka by
  • Visits: 838
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan "Hey'adaha ammaanka waa inay sharciga horkeenaan dhagar-qabayaasha xildhibaanka dilay.

    Muqdisho- November 07 2015-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Axmed Gurxan oo ka mid ahaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo caawa fii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho- November 07 2015-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Axmed Gurxan oo ka mid ahaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo caawa fiidkii u geeriyooday dhaawac saaka Muqdisho loogu geystay.



Madaweynaha ayaa tacsi u diray qoyska iyo qaraabada marxuumka iyo sidoo kale Baarlamaanka Federaalka iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed isaga oo EBBE uga baryey marxuumka inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo.

” Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, EEBE Jannadii Fardowsa haka waraabiyo Marxuum Maxamed Axmed Gurxan ,sabar iyo iimaan Allaah haka siiyo ehaladiisa, qaraabadiisa iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed . Waa geesi shahiiday oo naftiisa u huray u shaqeynta iyo badbaadinta ummadda iyo qarannimadda Soomaaliyeed, ” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa ku amray hey’adaha ammaanka inay gacanta ku soo dhigaan dhagar-qabayashu dhuumaaleysanaya ee maanta sida fulaynimadda ah u toogtay MarxuumkMaxamed Axmed.

Wixii faafaahin dheeraad ah kala xirriir
Shador Haji
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda
E-Mail: shadorhaji@presidency.gov.so
Website: www.villasomalia.gov.so


1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip