WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 4-TA JANNAAYO 2017-KA

0
Wednesday January 04, 2017 - 07:54:04 in Wararka by
  • Visits: 764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 4-TA JANNAAYO 2017-KA

    MURASHAX CABDI QADIR COSOBLE OO LAKULMAY XILDHIBAANADA LABADA AQAL EE LAGA SOO DOORTAY DEEGANADA PUNTLAND. Murashax Cabdi Qaadir Cosoble ayaa shalay magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay xil dhibaanada labada aqal ee la soo doortay magalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MURASHAX CABDI QADIR COSOBLE OO LAKULMAY XILDHIBAANADA LABADA AQAL EE LAGA SOO DOORTAY DEEGANADA PUNTLAND. Murashax Cabdi Qaadir Cosoble ayaa shalay magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay xil dhibaanada labada aqal ee la soo doortay magalada Garowe ee Xarrunta maamulka puntland

 

 

C/qaadir Cosoble oo ka hor hadlay xildhibanada ayaa ka dalbaday in ay codka siiyaan waqtiga door ashada si’uu unoqdo madaxweynaha Soomaaliya asgoona dhanka kale ka hadlay xaalada siyaas adeed ee dalka

dhankale mid kamid ah xildhibaanada laga soo doortay deeganada maamulka Puntland oo goo bta kahadlaya ayaa sheegay in murashax Cosoble uu yahay shaqsi mudan qashada xilka mdaxtini mada Soomaaliya

MADAXWEYNAHA PUNTLAND:"DALKA WUXUU U BAAHANYAHAY ISBADAL HOGGAAMINEED OO CUSUB"

Madaxweynaha Maamulka puntland Dr C/wali Maxamed Cali gaas oo oo Shalay ku laabtay mag aalada boosaaso ee Gobolka Bari kadib howlo shaqao uu u joogay Magaalada muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo u badan doorashada Madaxweynaha Soomaliya oo dhawaan dhici doo nta iyo arrimaha amniga.

Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas Hogaamiyaha Maamulka Puntland ayaa sheegay int uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya uu ka qeyb galay kulamo ay yeeshe en hogamiyayaasha Madasha Wadatshiga qaran kuwaasi oo kusoo dhamaaday si wanaagsan.

"Hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga qaran meel wanaagsan ayay keeneen arrimaha doo rashada Soomaliya iyo isbadalka dalka ka dhacaya,waad la socotiin way soo dhamaadeen doora shooyinkii ka dhacayay xarumaha Maamul Goboleeyada dalka ka jira, iyo dhaarintii xildhibaanada golaha shacabka, runtii waxaan rajeenaynaa in isbadal wanaagsan ay kasoo baxaan doorashada Madaxweynaha Soomaliya ee dhacaysa sanadkaan 2017ka, isbadal wanaagsan ayaa iiga muuqda xildhibaanada kusoo baxay Golaha shacabka Soomaliya”, ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dilalkii sanadkii aynu soo dhaafnay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari loogu geystay Mas’uliyiin ka Tirsan maamulka ayna sheegteen dagaalyahanada Xarakada Alshabaab.

‘Waxan ka Tacsiyadeenayaa dilkii ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka bari, runtii way nagu cusub tahay in mas’uuliyiin lagu dilo Magaalada Boosaaso, iyadoo taasi ay jirto dadaal ay sa meyeen Maamulka iyo shacabka ayaa lagu yareeyay dilalkii, Ciidamada Puntland way ku amaanan yihiin sugida amniga”, ayuu yiri mar kale yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Maamulka puntland Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ilaa hey ka baryay in umadiisa uu ka dulqaado abaarta haystada, isagoo sidoo kale ugu baaqay shac abka reer Puntland in ay badiyaan Baryada ilaahey

SACUUDIGA: ‘SHAQAALE AJNABI OO LAGU XUKUMAY XABSI MARKII AY MUSHAAR WAYDIISTEEN

Wararka ka imaanaya Sacuudiga ayaa sheegaya in shaqaale ajnabilagu xumkumay xabsi, iyo in la karbaasho markii ay ka cawdaan inaan mishaar la siin.

Wargaysyada Sacuudiga ayaa sheegay in ku dhawaad konton shaqaale ay ku xukuntay afartan iyo shan ilaa afar bilood oo xabsi ah maxkamad ku taal Mecca.

Shaqaalaha qaar ayaa lagu xukumay saddex boqol oo karbaash.

Dacwadan ayaa la xiriirta shirkadda dhismaha ee Saudi Binladin, oo shaqaale badan shaqada ka joo jiyay isagoon lacag siin bilo badan kadib markii dhaqaalaha Sacuudiga ay saamaysay hoos u dhacii sicirka shidaalka.

Dhowr bas oo ay leeydahay shirkadda ayaa waxaa gubay shaqaale xannaqsan

QARAMADA MIDOOBAY OO SOO SAARTAY TIRADA DADKA LAGU DILEY WADANKA CIRAQ SANADKII 2017

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dalka Ciraq ay sanaddii 2016 ku dhinteen 6,878 qof oo shacab ah halka ay ku dhaawacmeen 12,388.

Tiradan ay Qaramada Midoobay soo saartay ayaan ku jirin laguna soo darin dadka ku dhintey ama ku dhaawacmay gobolka Galbeed ee Anbar bilihii May, July, August iyo December.

Xafiiska howlgalka QM ee caawinta Ciraq ee UNAMI ayaa sheegay in tiradan ay tahay tan ugu yar ee la qiyaasay halka tirada dadka ee lagu diley dalka Ciraq sanadkii 2015tii lagu sheegay 7,512 ruux oo rayid ah.

QM waxa ay sheegtay in waxyeelada dadka shacabka ah ee bishii December ay yareyd marka lala meel dhigo bilihii ka horreeyey, inkasta oo ay jireen in weerarada argagixiso ee lala beegsanayo shacabka ay kordheen dhammaadii December.

"Waxaa jira isku day aan shaki ku jirin oo Daacish ay ku dooneyso inay dareenka uga weeciso guuldarrooyinka ka soo gaaraya magaalooyin ay Mosul ka mid tahay, nasiib darro waxaa qiimahaas bixinaya shacabka” waxaa sidaas yiri ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud QM ee Ciraq Jan Kubis.

ALSHABAAB OO XUKUN GACMO GOYN AH KU FULIYAY LABO DHALINYARO AH DEGMADA KUNTUWAAREY

Ururka Alshabaab ayaa xukun gacmo goys ah ku fulisay labo nin oo dhalinyaro ah degmada Kunt uwaarey ee gobolka Sh/hoose kadib markii lagu helay dambi ah xatooyo.

Xukunka gacmo goynta ah ayaa ka dhacay meel fagaare ah ee degmada Kurtuwaarey gobolka Shabeelaha hoose gelinkii dambe ee daraad iyadoo dad badan ay ka soo qeybgaleen daawashada fulinta xukunka.

Labada ruux ee lagu fuliyay xukunka gacmo goynta ah ayaa lagu kala sheegay magacyadooda C/qaadir Madeey Roobow oo 20 sano jir ah iyo Maadeey Eenoow Aadan oo 23 sano jir ah.

Raggan ayaa lagu soo eedeeyay in ay jabsadeen dukaan ku yaal deegaanka Dhegaburoow iyagoo ka qaatay lacag gaareysa 5,000 Milyan shilin soomaali ah (Shan Milyan shilin Soomaali ah) iyo 60 Kaarka ku hadalka ah ee ay bixiyaan shirkadaha isgaarsiinta dalka.

Labadan nin ee falka xatooyada ah lagu helay ayaa laga gooyay mid walba gacanta midig, iya doo markii ugu horraysay oo xukun gacan goyn ah lagu fuliyay degmada Kurtunwaareey.

Ururka Alshabaab ayaa maamula deegaano ka mid ah gobolka Sh/hoose iyo deegaano kale oo ka mid ah dalka Soomaaliya waxaana deegaanadaa dadka lagu helo xatooyo lagu fuliyaa xukun ga can goyn ah.

SARAAKIIL MAREYNKANKA OO DOWLADDA KA GACAN SIINAYA BAARITAANKA QARAXYADII DARAAD..

Saraakiil ciidan oo ka tirsan Dowladda Mareynkanka ayaa qeyb ka ah Baaritaan lagu hayo Qar axyadii daraad ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan banaanka xarunta ugu weyn Taliska AMISOM ee Xalane.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Somalia oo diiday in warbaahinta loo adeegsado magacyadooda ayaa xaqiijiyay inuu socdo Baaritaan xog uruurin ah oo lagu hayo sida ay u dhaceen Qaraxyadii dara ad halka laga soo abaabulay iyo haddii ay jiraan ku lug lahaansho dhinaca ciidamada ah.

Saraakiisha Mareynkanka ayaa kuwa Somali ka gacansiinaya sidii ay si fudud ugu ogaan lah aayeen Qaraxyada ismiidaaminta ahaa.

Inka badan 4ruux ayaa ku geeriyootay tiri kalena waay ku dhaawacmeen ka dib Labo Qarax ka dhacay Bar control oo banaanka ah xarunta Taliska AMISOM ee Xalane oo ku dhow Garoonka diy aaradaha magaalada Muqdisho.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XAFIISKIISA KU QAABILAY TALIYAHA CIIDAMADA UGANDA

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay xarunta madaxt ooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayey taliyaha ciidammada Melatariga dalka Uganda oo Muqdisho yimid.Madaxweynaha waxaa ku wehliyey kulanka oo ku qaa bilay Taliyaha ciidammada Melatariga dalka Uganda, taliyaha ciidanka Xoogga, Abaalduulaha iyo Taliyaha ciidammada madaxtooyada Soomaaliya.

Maj Gen James Kazini, waxaa la socdey saraakiil ciidammada Uganda ka tirsan, Madaxweyn aha Soomaaliya waxa uu soo gaarsiiyey farriin uu uga siday Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni.

Warbixin ku aaddan howlaha ciidammada Uganda ee ka tirsan AMISOM ayuu warbixin ka siiyey Madaxweynaha iyo sida dowladda dalkaasi Uganda uga go’antahay in ay sii waddo taageerada dhanka ciidammada.

Madaxweynaha ayaa u uga mahadceliyey booqashada uu Soomaaliya ku yimid iyo sida ciid ammadooda ay uga howlgalaan Soomaaliya iyagoo garab siinaya walaalahooda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha J. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kooban u sharraxaya waxyaabaha kulanka diiradda ku saareen iyo guulaha laga gaaray amniga doorashooyinka gaboga bada ku dhow.

Ciidamada dalka Uganda iyagoo ka tirsan howlgalka AMISOM, ayeey Soomaaliya yimaadeen muddo ku dhow 10, sanno, waxaana ay ka qeybqaataan howlgallada nabadda iyo kuwa la dagaallan ka AlShabaab, waana ciidanka ugu badan ee howlgalka AMISOM ka tirsan.

NIN SOMALI OO LAGU SOO OOGAY DHAC IYO GAADIID UU KU BURBURIYEY JESIIRADDA MALTA.

C/majiid Nuur Ismaaciil oo 19jir ah ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla Malta, iyadoo lagu soo oogay inuu bishan Janaayo 1dii xaday Mobayl noociisu yahay Apple iPhone 7 iyo inuu burbur iyey dhowr gaari oo yaallay Barxad la dhigto Gaadiidka.

Eedeysanaha oo deggan Degmadda Marsascala waxaa kaloo lagu soo oogay inuu gaarigiisa yar oo noociisu yahay Ford Escort ku dhuftay dhowr gaari, xilli uu marayey Waddada Naxxor ee degaanka San Gwann.

C/majiid Nuur Ismaaciil oo ah Qaxooti diiwaangashan, lehna Baasboor iyo Warqadda Aqoonsi ga ee Malta ayaa Maxkamadda ka hor sheegay inuusan gelin Dembiyadda lagu soo oogin, isla mark aana uusan garan Karin shilka uu galay iyo Mobayl loo haysto inuu soo dhacay.

Maxkamadda oo uu guddoominayey Garsoore Antonio Micallef ayaa amray in Eedeysanaha la ga qaado Tijaabo dhinaca Neefta, si loo ogaado inuu sarqaansan yahay iyo in kale, waxaana la caddeeyey inuusan sarqaansanayn.

Dhinaca kale, Garsooraha waxa uu diiday in Eedeysanaha lagu sii daayo damiin Lacageed, balse waxa uu amray inuu Eedeysanaha isbuuc kasta labo jeer saxiixo Buugga Damiinta ee yaalla Saldhigga Boliska ee Zabbar ee Jesiiradda Malta.

HAWEENEY SOOMALIYEED OO MEYDKEEDA LAGA HALAY XADKA DALKA BULGARIA

Wasaaradda Arimaha gudaha dalka Bulgaria ayaa sheegtay in ay heleen haweeneey Sooma aliyeed taa oo ku geeriyootay xadka dalkaasi xili ay ka talaabayeen iyada iyo koox tahriibayaal ah oo la socday.

Booliiska ayaa sheegay in ay qabteen 31 muhaajiriin sharci darro ah kuwaa oo watay docum netiyo aan sharci yeeysneen , waxaana qaar kamid ah ay sheegeen in ay waayeen haweeneey la socotay xiligii socdaalkooda ay ku guda jireen.

Inta badan muhaajiriinta ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen dalka afganistan, saddex ka soo jeeda Pakistan iyo waliba saadex qofood oo ah muwaadiniin Soomaaliyeed.

Booliiska ayaa ku sheegay baaritaano hor dhac ah ay sameeyeen in haweyneedan Soomaaliye ed ay u dhimatay cimilada halkaas oo aheyd mid aad u qaboow iyaga oo sheegay in baaritaanada wali ay wadaan.

Labo kamid ah kooxahan muhaajiriinta ayaa sheegay in isbitaalka ay u kaxeeyeen dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaa oo qaar kamid ah xubnaha jirkooda uu aad u qaboobay.

TURKIGA OO SOO BANDHIGAY MUUQAALKA NINKII GEYSTAY WEERARKII ISTANBUUL.

Xilli ay socdaan baadigoobka Ninkaasi ayey Boliska Turkiga waxay baahiyeen sawirgacmeedka ninka lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey Weerarkii dhimashada dhaliyey ee bishan 1dii ka dhacay Dhismo lagu caweeyo "The Reina nightclub” oo ku yaalla magaalladda Istanbuul.

Wakaalladda Wararka ee Anadolu ayaasheegtay inay Sawiradaasi ay qaadeen Kamerooyinka Qarsoon ee Ammaanka "A closedcircuit television camera (CCTV camera) (CCTV)” , inkastoo uusan Muuqaalkaasi lahayn Taariikhda xilligii la qaaday.

Warbaahinta Turkishka ee Haberturk ayaa baahisay muuqaalka Sawirka waxa ay ku sheegtay inuu ahaa Ninkii geystay Weerarkaasi.

Muuqaalkaasi Videoga ayaa la sheegay inuu ahaa Ninka weerarka geystay oo Muuqaalkaasi isaga soo duubay agagaarka Fagaaraha Taksim Square ee magaalladda Istanbuul.

Maamulayaasha dalkaasi ayaan ogeyn xilliga ama sababta loo duubay Muuqaalkaasi.

Mar sii horreysay, Boliska waxay xireen 8 qof oo lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Weerarkaasi.

Waxay kaloo Boliska saqdii dhexe ee habeen hore u dhaceen guri lala xiriirinayo Weerarkaasi oo ku yaalla Degmadda Zeytinburnu ee magaalladda Istanbuul.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay Dhismaha lagu caweeyo ee "The Reina nightclub” ee Deegaanka shacbiyadda badan ee Besiktas ee magaalladda Istanbuul, halkaasi oo lagu dilay 39 qof oo badankooda ahaa Dalxiisayaal Shisheeye, waxaana lagu dhaaw acay 69kale.

Dadka lagu dilay Toogashadaasi waxaa ka mid ahaa 3 Hindi ah, 3 Lubnaani, 2 u dhalatay Ur dun, Lammane asalkooda Tunisian ahaa, inkastoo ay Xaaska wadatay Labada Dhalasho ee Fren chTunisian, Nin Sacuudiyaan iyo Haweeney Yuhuudi ahayd.

SHABAAB OO SHEEGAY IN SARAAKIIL KA TIRSAN QARAMADA MIDOOBAY IYO AMISOM IN LAGU DILAY QARAXYADII HOTEL PEACE.

Xarakada Alshabaab ayaa faahfaahin ka bixisay qasaaraha ka dhashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee daraad ka dhacay meel ku dhow hoteelka Peace oo ku yaala meel aan sidaas ugu fogeen Garoonka Diyaa raha Magaalada Muqdisho.

Shabaab waxa ay sheegeen in qaraxa koowaad uu beegsaday bar koontarool oo ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ka ilaalinayeen Hoteelka kadibna uu xigay qarax kale oo loo adeegsaday gaari xamuul ah oo walxaha qarxa lagasoo buuxiyay.

Dhimashada gaartay AMISOM : 8 katirsan ciidanka AMISOM oo mid kamid ah yahay sarkaalkii haystay ciidanka Madina Gate Dhimashada Dowladda 14 Askari oo katirsan ciidanka Nabad sug idda+4 Askari katirsan Bangaraaft Dhimashada Q.Midoobe: 4 shaqaalaha UNka katirsan Dhaawaca AMISOM; waa 32 oo 16 kamid yihiin dhaawacyo garaab ah Dhaawaca ciidanka Dowladda: waa 9 As kari. Dhaawaca Shaqaalaha UNka: waa 3 shaqaale ah waa sida ay soo bandhigeen Alshabaab kad ib markuu weerarka dhacay.

Xarakada Al Shabaab waxay sheegtay in wadarta dhaawacyadii ka dhashay qaraxyadii Daraad ay gaartay 44 oo isugu jira ciidanka dowladda Federaalka Soomaliya ,kuwa Midowga Afrika AMIS OM iyoshaqaalaha UN.Dowladda Soomaliya oo ka hadashay weerarka ayaa ku soo koobtay hadal keeda Cambaareyn

MADAXDA IDAACADA BAYAAN OO KA HADASHAY XARIGA AGAASIMAHOODA.

Tifaftiraha Idaacada Albayaan C/xakiim Maxamed Nuux ayaa Dalsan Radio u sheegay inay tuh unsan yihiin inuu xariigaasi la xiriiro Khilaaf u dhexeeya Suxufiyiinta ka hawlgala Beledxaawo.

Waxa uu intaasi ku daray in iyaga loo diiday inay la kulmaan Agaasimaha xiran, si ay u ogaad aan Xaalladda uu ku sugan yahay.

xariga Agaasimaha Idaacadda Bayaan FM ee Degmadda Beledxaawo ee Gobalka Gedo Max amuud Maxamed Dhegacadde ayaa san jirin ilaa iyo hada masuul katirsan maamulka dagmada oo kahadlay arinkaasi

XUKUNKA DEGDEGGA EE TURKIGA OO LA FILAYO IN SADDEX BILOOD LAGU KORDHIYO

Barlamaanka Turkiga ayaa la filayaa inay isbuucan dood ka yeeshaan Xukunka Degdegga ee la soo rogay, markii la fashiliyey Afgembigii Dhicisoobay bartamihii bishii July ee sannadkii hore.

Ra’isulwasaaraha dalkaasi, Binali Yildrim ayaa shalay qorshahaasi ka sheegay Shir ay Xildhib aanadda Xisbiga AK talada haya ku yeesheen Ankara.

Waxa uu xusay inay Barlamaanka ka codsan doonaan in 3 bilood oo dheeraad ah lagu kordhi yey Xukunka Degdegga.

Sharciga Xukunkaasi ayaa waxa uu xadidayaa ama xayirayaa Xuquuqda Aadanaha iyo Xorriya dda Hadalka.

Turkiga waxaa muddooyinkii dambe ka dhacay Qaraxyo iyo Weeraro, iyadoo ay boqolaal qof ku geeriyoodeen Weeraradaasi oo ay inta badan dhabarka u ritaan Kooxda Daacish iyo Maleeshiyadda Goonigoosaddoonka ee PKK.

MEYDADKA DALXIISAYAAL OO LAGA HELAY XEEBTA GENDERSHE

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Marko ee Gobolka Shabeelaha Ho ose Meydadka Labo Qof oo Dalxiisayaal ah, ahna Reer Galbeed ayaa laga helay xeebta degaanka Gandershe oo dhanka Bari uga beegan magaalada Marka.

Meydadkan oo jirkooda laga dareemayay dhaawacyo soo gaaray intii ay badda dhax sabeynay een ayaa ku soo caariyay degaanka Gandershe oo dhanka Bari uga began magaalada Marka, sida ay sheegeen Dadka Degaanka.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegeen in Mey dadka Nin iyo Naag caddaan ah laga helay xeebta, Meydadka caddaanka ah ee la helay ayay ba ddu soo tuftay waxayna umuuqdeen in ay ahaayeen Dalxiisayaal reer galbeed ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Meydka Haweenayda caddaanka ah ee la helay qoorta iyo gacmaha uu uga xirnaa dahab farabadan sida Katiinado, dhowr faraanti iyo koorayaal dhammaan tood dahab ah.

ugu dambeyntii Dadka Degaanka ayaa Meydadkan waxa ay ku aaseen meel aan sidaa uga fog eyn xeebta Degaanka Gendershe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

MAAMULKA SOMALILAND OO KA DEYRIYAY GABDHAHA IYO WIILASHADA IS CADEEYA..

Maamulka Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaa may dhalinyaro isugu jira Wiilal iyo Gabdho oo is cadeeya oo kusoo badanaya Magaalada Hargeysa ee Caasimada Maam ulkaas.

Wasiirka Waxbarashada Maamulka Somaliland Cabdila ahi Ibraahin Habane”Dheere” oo shalay warbaahinta kula ha dlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Magaaladaas ay kusoo badanayaan Gabdho iyo Wiilal iscadeeya oo xitaa oo aan dadka ka xishoonaynin.

"Qofka Soomaliga ah aragtiyo badan ayuu qabaaa, dadka qaar ayaa qaba in aan nahay Carab, kuwa ayaa qaba in aan nahay Afrikaan,taasina waxay u baahan tahay in baaritaano dheeri ah in la gu sameeyo, Waxaa wax aad loogu xumaado ah in aabaha ama hooyada Soomaliyeed ay ubadko oda u iibiyaan waxyaalaha la isku cadeeyo, waxaana wax aad loogu xumaado sidoo kale ah in qur uxduu ilaah ku siiyay aad ku kalsoonaan weydo”, ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Maamulka Som aliland Cabdilaahi Ibraahin Habane”Dheere”.

Wasiirka Waxbarashada Maamulka Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habane”Dheere” ayaa she egay in wasaaradda diinta u qaabilsan Maamulka Somaliland ay kala hadli doonaan sidii wacyi gal in loogu sameyn lahaa arinta is cadeynta ee kusoo korortay Magaalada Hargeys.

WASIIRO, XILDHIBAANO IYO URURRADA BULSHADA OO PROF. JAWAARI KA CODSADAY INUU ISA SOO SHARAXO

Munaasabad si balaaaran loo soo agaasimay loogana tala galay in lagu soo bandhigo codsi ku aadan sidii uu Xildhibaan Prof. Maxamed Sheikh Cusmaan Aadan {Jawaaari} isugu soo sharaxi la haa xilka Gudoomiyaha Golaha Shacbiga Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalda Muqdisho.

Munaasabadii xafladaasi oo aad loola dhacay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro, Xildhiba ano ka tirsaan labada aqal ee Dawladda Federaalka, wakiilo matalayay dawlad goboleedyada Dal ka, madax ka socotay ururada haweenka, dhaqanka, dhallinyarada, qurba joogta iyo marti sharaf aad u fara badan oo xafladaasi lagu casuumay.

Gudoomiyaha Haweenka G/Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab, , Gudoomiyaha ururka ha weenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheikh Axmed Gabale iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Haweenka Aamino Maxamed Mursal ayaa daboolka ka qaaday in ay Jawaari ka codsanayaan inuu isu soo taago jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxayna cadeeyeen inuu mudan yahay inuu xilk aasi ku soo baxo, iyagoo xusay in gabdhaha ku jira Baarlamaanka ay ka go’an tahay inay codkooda siiyaan.

Afhayeenka Golaha Siyaasiyiinta Da’da yar Maxamed Nuur Cali, Cabdi Caddow Axmed oo ku hadlayay magaca ururda bulshada, Shure Aadan Madoobe oo matalayay dhallinyarada ayaa iyag una munaasabadaasi ka hadlay waxayna ku celceliyeen inay taageersan yihiin in Jawaari uu isu soo taago xilka lagu dhiiri galinayo, waxayna carabka ku dhufteen inuu u qalmo qabashada jagada loogu baaqayo.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta Eng, Saalax Sheikh Cusmaan oo khudbad dhinacyo badan ka hadlaysay halkaasi ka soo jeediyay ayaaa ku nuuxnuu xsadey inuu soo dhaweynayo tallo soo jeedinta ka timid wakiilada ummadda Soomaaliyeed ee ku aadan inuu Prof. Jawaari isa soo sharaxo, waxaana uu hoosta ka xariiqay inaan ruug cadaagaasi loogaa maarmin inuu mar kale hogaamiyo Golaha Shacabka, isagoo carabka ku adkeeyay inuu rajeynayo in Maxamed Shiikh uu arintaasi aqbali doono.

Munaasabadaasi oo aad u soo jiitay bulshadii ka soo qeyb gashay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Kalluumeysiga iyo khayraadka Badda Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymoy, Wasiiru dawlayaasha Arimaha dibadda iyo warfaafinta Dr. Khaalid Cai Cumar iyo Maxamuud Cabdi Xasan {Beekoos}, Xildhibaano ka socdey aqalka sare iyo aqalka hoose, mudanayaal ka yimid dawlad gobol eedyada K/Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.

Kooxda fanaaninta Shambal ayaa munaasabadaasi ku soo bandhigtay suugaan aad u qiira bad an, heesahaasi oo lagu qaadayay afafka May iyo Maxaa tiri ayaa ka tarjumayay sida ay dadka Soom aaliyeed u xiisaynayaan inuu isa soo sharaxo Prof .Jawaari, in dhawaalaba waxaa isa soo tarayay baaqyada loo jeedianayo maxamed sheikh ee looga dalbanayo inuu isa soo sharaxo.

XILDHIBAAN KHADIIJO DIIRIYE OO SHIR JARAA’ID UGA HADASHAY MUSHARAXNIMADEEDA ….

Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildh Khadiija Maxamed Diiriye oo shalay shir jaraa’id ku qabatay hooyga ay ka degen tahay magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixisay ololaheeda ku aadan musharaxnimada Guddoomiye ku xig eenka koowaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

"Shalay oo ay taariikhda tahay 03January2017 waxaan si rasmi ah halkaan uga dhawaaqayaa in aan ahay musharax u taagan qabashada xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Sha cabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xilkaasi oo aan aaminsanahay in aan leeyahay karti iyo qibrad hogaamineed oo ku filan qabashadiisa”ayey tiri Musharax Khadiijo Maxamed Diiriye.

"Waxaan kale oo aan rabaa inaan halkaan ka cadeeyo maalmahan waxaa dhegeheenna kusoo badatay hadii uu qof yiraahdo musharax in la yiraahdo yaa wata? Waxaan leeyahay Khadiijo Maxa med Diiriye Allaa wata wehel uma baahna, waxaan ahay qof ku tashanaysa garabka Alle iyo kalsoon ida aan ku qabo walaalaheeyga Xildhibaannada Golaha Shacabka”ayey hadalkeeda sii raacisay Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.

Intii ay saxaafadda la hadleysay shirkeeda jaraa’id waxa ay uga hadashay arimmo fara badan oo ay ka mid yihiin doorka iyo dadaallada ay u gashay hirgelinta qoondada haweenka intii ay xilalka kala duwan soo heysay waxaana ay rajo ka muujisay in ay ku guuleysato qabashada xilka Gud doomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Shacabka.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka Shirka jaraa’id ee musharax Khadiijo Maxamed Diiriye:

SPAIN OO QABATAY QOF TAHRIIB AHAA OO LAGU QARIYAY BOORSO

Booliska dalka Spain ayaa xiray laba qof oo u dhashay dalka Moroko, kuwaas oo lagu eedeeyay inay isku deyeen in ay dad si sharcidaro ah ku geliyaan dalkaasi.

Waxaa lagu qabtay ayagoo wado seddax qof oo labo ay ku qariyeen kuraasta gawaarida hoo stooda iyo mid lagu xiray boorso.

Dadkaasi ayaa laga gudbinaayay dhanka Waqooyiga Afrika.

Booliska oo Isniintii isku deyay inay baaraan gaari, ayaa waxay ka heleen qof lagu qariyay mur aayadda hoosteeda, qof kaloo la geliyay kursiga dambe hoostiisa oo gud laga dhigay.

Laba qof oo dumar iyo rag kala ahaa oo loo maleynaayo inay dalka Guinea kasoo jeedaan ayaa gargaar degdeg ah loo sameeyay, maadaama uu neefsiga ku yaraa.

Dhacdo taa ka duwan, wiil yar oo Afrikaan ah ayaa laga dhex helay boorso qof dumar ah ay lahayd. Dhacdo tan la mid ah ayaa la arkay 30kii december.

BOGGA CAYAARAHA

BARCELONA OO BEDELKA LUIS ENRIQUE KA HESHAY HORYAALKA EPLKA

BARCELONA ayaa lagu soo waramayaa in ay xiriir la sameysay tababare Ronald Koeman oo ay suurtagal tahay inuu noqdo bedelka macalin Luis Enrique oo ka tagi kara xagaagan.

Tababaraha Dutch ee hogaamiya kooxda Everton ayaa horumar wanaagsan ka sameeyay Premier League ka dib markii uu shaqo fiican ka qabtay kooxda Southampton oo uu ku sugnaa laba xili ciyaareed.

Macalinkaan ayaa isagoo ciyaaryahan ah waxa uu u dhaliyay kooxda Barcelona goolka guusha waqti dheeraadka ahaa finaalkii koobka Yurub 1992, waxaana sidookale mar uu noqday tababare ku xigeenkii Louis Van Gaal 1998 ilaa 2000.

Sportitalia ayaa sheegaya in kooxda reer Catalan diyaar u tahay in ay lasoo wareegto macalin Koeman, si uu u noqdo bedelka Enrique oo qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka xili ciyareedkaan.

Barcelona ayaa soo saartay macalimiin dhalinyaro ah sanadihii lasoo dhaafay kuwaasoo uu kamid ahaa macalinka hadda hogaamiya kooxda Manchester City ee Pep Guardiola.

PSG OO XAQIIJISAY LA WAREEGIDA JULIAN DRAXLER

Julian Draxler ayaa ku biiray Paris SaintGermain kadib markii uu ka tagay kooxda Wolfsburg iya doo la dhameystiray shalay heshiis ciyaaryahanka garabka ka ciyaara uu ugu dhaqaaqay kooxdab reer France.

qandaraaskiisa ayaa la shaaciyay in uu ku egyahay sanadka 2021, waxaana Paris Saint Germain ay ku xaqiijisay warkaan bogeeda rasmiga ah .

Kooxda Bundesliga ayaa xaqiijisay bishii hore in xiddiga reer Germany ku biirayo kooxda heysa ta horyaalka Ligue 1 laakiin heshiiska ayaa si rasmi ah u dhacay shalay oo talaado ah.

Draxler ayaa kaga soo biiray Schalke kooxda Wolfsburg sanadkii 2015 waxaana isku dar labada koox uu usaftay 153 kulan oo horyaalka Bundusliga ah.

"Waa farxad weyn inaan ku biiro Paris SaintGermain,” Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa u sheegay websiteka rasmiga ee PSG.

FELIPE MELO OO KA TEGAY INTER DIBNA UGU LAABTAY WADDANKIISA HOOYO EE BRAZIL

Ciyaaryahanka Khadka dhexe ee Felipe Melo ayaa ka tegay kooxda Inter, waxaana uu dib ugu laabtay waddankiisa Brazil isagoo heshiis la galay kooxda Palmeiras.

Melo oo 33 jir ah ayaa Inter ku soo biiray 2015 xilligaas oo uu ka yimid kooxda Galatasaray, bal se Frank de Boer iiyo Stefano Pioli midkoodna uma helin boos uu ka dheelsiiyo.

Warar ayaa sheegayay in Melo uu ku socday kooxda Sao Paolo, balse waa uu hareer maray waxaana uu go’aansaday inuu aakhirkii ku biiro kooxda Palmeiras ee ay wada xafiltamaan ee iyana ka dhisan isla caasimadda, waxaana kooxdiisa cusub ay ku dhawaaqi doontaa si rasmi ula wareegiddiisa 24 saacadood ee soo socda.

TOOGASHO KHASAARO GEYSATAY OO KA DHACDAY DEGMADA DIINSOOR EE GOBOLKA BAAY

Ugu yaraan 1 Ruux ayaa ku dhintay, labo kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray toogasho ka dhacday Garoon Kubadda lagu cayaaro oo ku yaalla Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Guddoomiyaha Dhalinyarada Isboortiga uu rasaas ku huwiyay dhalinyaro Kubad ku cayaareysay Garoonkaasi.

Guddoomiyaha ayaa falkan ku dhaqaaqay kadib markii dhalinyardan ay ku wargeliyeen in ay ka qaadeen Xilka Guddoomiyaha Dhalinyarada Isboortiga.

Dhaawaca labada Ruux ayaa lagu soo waramayaa in uu yahay mid halis ah, inkastoo weli Isbitaalka lagula tacaalayo.

Guddoomiyaha ka dambeeyay falkan toogashada ayaa waxaa la soo warinayaa in uu la dha shay Guddoomiyaha Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Diinsoor oo ku aadan togashadan ka dhacay Degmada iyo halka uu ku dambeeyay Ninkii falkaasi geystay.

SPAIN COPA DEL REY JANUARY 3

Osasuna 0 3 Eibar

Valencia 1 4 Celta Vigo

Deportivo La Coruna 1 2 Alaves

Las Palmas 0 2 Atletico Madrid

ENGLAND PREMIER LEAGUE

AFC Bournemouth 3 3 Arsenal

Crystal Palace 1 2 Swansea City

Stoke City 2 0 Watford

KULANKA CAAWA JANUARY 4

11:00 Tottenham Hotspur ? ? Chelsea

No

kooxda

P

W

D

L

F

A

GD

Pts

1

Chelsea

19

16

1

2

42

13

29

49

2

Liverpool

20

13

5

2

48

23

25

44

3

Manchester City

20

13

3

4

41

22

19

42

4

Arsenal

20

12

5

3

44

22

22

41

5

Tottenham Hotspur

19

11

6

2

37

14

23

39

6

Manchester United

20

11

6

3

31

19

12

39

7

Everton

20

8

6

6

28

23

5

30

8

West Bromwich Albion

20

8

5

7

28

24

4

29

9

AFC Bournemouth

20

7

4

9

29

34

5

25

10

Southampton

20

6

6

8

19

25

6

24

11

Stoke City

20

6

6

8

24

32

8

24

12

Burnley

20

7

2

11

22

31

9

23

13

West Ham United

20

6

4

10

23

35

12

22

14

Watford

20

6

4

10

23

36

13

22

15

Leicester City

20

5

6

9

24

31

7

21

16

Middlesbrough

20

4

7

9

17

22

5

19

17

Crystal Palace

20

4

4

12

30

37

7

16

18

Sunderland

20

4

3

13

19

37

18

15

19

Swansea City

20

4

3

13

22

44

22

15

20

Hull City

20

3

4

13

17

44

27

13


 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip