
Daawo Sawirro: Boqolaal Arday oo ka qalin-jebisay Kulliyadaha Jaamacadda Banaadir
Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo qaban-qaabiyey ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan goleyaasha xukuumada iyo baarlamanka Somalia, qeybaha kala duwan bulshada, haween, abwaaniin, fanaaniin, waalidiin arday, wakiilo ka socday Bankiga Premier Bank oo gacan ka geystay qaban-qaabada munaasabadan iyo marti sharaf kale.
Intii ay munaasabadan socotay ayaa fanaaniinta kooxda deegaan & xubno ka tirsan golaha abwaanada Soomaaliyeed waxay halkaas ku soo bandhigeen suugaan kala duwan oo isugu jirtay heeso, ciyaaraha hidaha & dhaqanka, gabayo iyo riwaayad ka turjumeysay qiimaha waxbarashada, waxaana barbar socday su’aalo halixiraale ah oo jawaabahooda lagu helayey abaal marino lacageed oo uu bixinayey Bankiga Premier Bank.
Gudoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay munaasabadan ayaa sheegay inKhamiistii ay u tahay maalin faraxadeed uuna u hambalyeynayo ardayda qelin jebisay isagoo dhinaca kale ku dheeraaday asaaska jaamacada marxaladihii ay soo martay, horumarka ay ku talaabsatay iyo qorsheyaasha ay higeysaneyso mustaqbalka dhow.
"Maanta waa maalin xusuus mudan, waxaana naga qelin jebineysa 333 aqoonyahan, 132 ka mid ay waa dhaqaatiir ka kooban 81 wiil iyo 51 gabdhood waa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay bahda caafimaadka Soomaliyeed, waxaa kaloo maanta naga qelin jebiyay 40 Injineer, kuliyada shareecada iyo qanuunka waxaa ka aflaxay 25 aqoonyahan, Kuliyadda xanaanada xoolaha 30 aqoonyahan, kuliyadda waxbarashada 39 aqoonyaahan, kuliyadda kombiyuutar Sayniska 22 aqoonyahan, kuliyadda culuunta caafimaadka 24 aqoonyahan oo isugu jira umulisooyin iyo kalkaaliyeyaal” ayuu yiri gudoomiye Dalmar oo mustaqbal wanaagsan u rajeeyey ardayda qelin jebisay.
Gudoomiyaha guddiga adeega bulshada ee Baarlamanka Somaliya xildhibaan Prof. Cismaan Maxamuud Dufle ayaa isna sheegay in 132 aqoonyahan ee ka qelin jebiyay kuliyadda dhaqtarnimada ay yihiin kuwii ugu badnaa ee isku mar ka qelin jebiya Jaamacadda Banaadir taasina ay astaan u tahay horumarka Jaamacaddu ku talaabsatay mudada 15-ka sano ah ee ay jirtay wuxuuna hambalyo u diray ardayda qelin jebisay isagoo u mahad celiyey gudoomiyaha Baarlamanka iyo madaxda kale ee xafladan ka soo qeyb gashay.
Wasiirka ku-xigeenka Caafimaadka xukuumada Somaliya Cismaan Cabdi Daallo oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa hambalyada guud ka sokow waxaa uu sheegay aqoonyahanada qelin jebiyey gaar ahaan dhaqaatiirta ay ku soo beegmeen xili dalka ay ka jirto baahi caafimaad oo loo baahan yahay in wax laga qabto, isagoo balan qaaday in wasaarada caafimaadka ay diyaar u tahay iney gacan ku siiso gudashada waajibaadkooda.
C/risaaq Maxamed Axmed oo ah masuul ka tirsan Bankiga Premier ayaa isna xaflada ka sheegay in ardayda qelin jebisay ay u hayaan fursado ay ka mid yihiin adeega MASTER-CARD oo ay dunida kaga soo iibsan karaan Buugaagta iyo waxbarashada Online-ka ah, isagoo xusay in Bankigu uu fursado maalgelineed u hayo aqoonyanada aflaxay haddii ay la yimaadan barnaamijyo ay shaqooyin ku abuuranayaan.
Gudoomiyaha Baarlamanka federaalka Somaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo ugu dambeyn ka hadlay munaasabada ayaa bogaadin iyo hambalyo u diray ardayda qelin jebisay oo uu sheegay in looga fadhiyo ka qeyb qaadasha dib u dhiska dalkooda.
"Wadanka kasta horumarkiisa waxaa horseed u ah dedaalka ay muujiyaan aqoonyahanadiisa, wadamada horumaraya ee aad arkeysaan aqoon iyo cilmi baaris ayey ku gaareen, waxaana la idinka fadhiyaa inaad sidaas la mid dadkiina iyo dalkiina u horseedaan, Soomaaliya oo hadda burburka ka soo kabaneysana idinka iyo kuwa idinla mid ah ayey u baahan tahay” ayuu yiri gudoomiyaha Baarlamanka oo jaamacadda Banaadir ka gudoomay shahaado sharaf ay gudoonsiisey.
Hadalo isugu jiray hambalyo, guubaabo iyo dardaaran ayaa waxaa intii munaasabadan ay socotay ka jeediyey Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Hormuudka kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir Dr. Max’ed Max’uud Biday, gudoomiyaha golaha abwaanada Soomaaliyeed abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise Sangub, afhayeenka golahaas, abwaan Cismaan C/llaahi Guurre iyo xubno kale.
Ugu dambeyn Gudoomiye Jawaari iyo madaxii kale ee munaasabadan goob jooga ka ahaa waxay shahaadooyin ku gudoonsiiyeen ardaydii ka qelin jebisay kuliyadaha jaamacadda Banaadir waxaana xafladaas ay ku soo dhamaatay jawi farxadeed.


0 















Daawo Sawirro: Boqolaal Arday oo ka qalin-jebisay Kulliyadaha Jaamacadda Banaadir
Xaflad ballaaran oo shahaadooyin lagu gudoonsiinayey boqolaal arday oo ka qelin jebisay sideed ka mid ah tobanka kuliyadood ee Jaamacadda Banaadir ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.