120 burcad badeed Soomaaliyeed oo la soo taagay maxkamad ku taal Hindiya

0
Friday November 06, 2015 - 19:04:08 in Wararka by
  • Visits: 781
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    120 burcad badeed Soomaaliyeed oo la soo taagay maxkamad ku taal Hindiya

    Muwaadiniin Soomaali ah oo gaaraysa illaa iyo 120 oo loo heysto falal Burcad-badeed ayaa maxkamad lagu soo taagay magaalada Mumbai ee dalka India. Xeer illaaliyaha dacwada kusoo oogaya Soomaalida oo lagu magacaabo Ranjit Sangle ayaa Khamiistii shala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muwaadiniin Soomaali ah oo gaaraysa illaa iyo 120 oo loo heysto falal Burcad-badeed ayaa maxkamad lagu soo taagay magaalada Mumbai ee dalka India. Xeer illaaliyaha dacwada kusoo oogaya Soomaalida oo lagu magacaabo Ranjit Sangle ayaa Khamiistii shalay Maxkamada ka hor sheegay in Safaarada Soomaalida ee India ay usoo gudbisay qoraal ay kasoo saxiixday dhamaan Eedaysanayaasha oo la sheegay inay qirteen danbiga lagu soo oogay, si loo dadajiyo xukunkooda.

"…Waxaa nasoo gaaray qoraal ka yimid Safaarada Soomaaliya oo ay eedaysanayaashan 120 gaaraya dhamaantood saxiixeen iyagoo qiranaya danbiga lagu soo oogay….” ayuu yiri xeer illaaliye Ranjit Sangle.

Saraakiil ka socda Safaarada Soomaaliya ee India ayaa la sheegay inay 26kii bishii Oktoober ay booqdeen xabsiga lagu hayo Soomaalida oo lagu magacaabo Taloja, iyagoo halkaasi kula kulmay maxaabiista oo sheegay inay diyaar u yihiin inay qirtaan danbiga, waa sida uu maxkamada ka sheegay Xeer Illaaliyaha India.

Garsooraha Maxkamada Mumbai ayaa lagu wadaa inuu go’aan kasoo saaro Qiraalka la sheegay inay soo gudbiyeen Soomaalidan xiran iyo qoraalka ka yimid Safaarada Soomaaliya ee India.

Eedeesanayaasha xiran ayaa lagu soo qabtay hawlgal ay ciidamada bada India sameeyeen sanadkii 2011, kaasi oo lagu soo furtay labo Markab oo la afduubtay. Waxaana lagu eedeeyey in burcad badeeda Soomaalida ay dileen sadex naakhuude oo kasoo kala jeeda Pakistan iyo Iran.

Maxkamada ayaa lagu waday inay dhageysato 80 Markhaatiyaal ah oo ay ku jiraan 18 dalal kale u dhashay, kuwaasi oo intooda badan horyimid maxkamada. Burcad badeedan ayaa muddo ku dhow saddex sano waxa ay ku jiraan xabsiyada dalka Hindiya iyadoo aan la xukumin. Ku dhowaaqista inay qirteen dambiyadooda ayaa ku soo beegmaysa maalmo yar kadib markii uu booqday Madaxweyne Xasan Sheekh dalka Hindiya halkaa oo uu ugaga qeybgalayay shir ay yeelanayeen madaxda wadamada qaarada Afrika iyo dowlada Hindiya.

Boqolaal burcad badeed Soomaali ah ayaa ku xiran xabsiyo kala duwan oo caalamka ah iyadoo qaar ka mid ah la xukumay halka kuwa kalana ay weli sugayaan in maxkamad la soo taago


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip