
Madaxweynaha Masar iyo Ra'iisal Wasaaraha Britain oo ku kulmay Magaalada London (Daawo Sawirada)
Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain, Philip Hammond, ayaa wuxuu Arbacadii sheegay in soo dhicitaanka diyaaraddii Ruushka, ay u badan tahay mid ka dhalatay walxaha qarxa oo la saaray, taa oo dhalisay in la joojiyo duulimaadyadii ay diyaaradaha Britain ku taggi jireen Sharm El Sheikh.
Madaxweyne el-Sissi waxa uu si adag kaga horyimid in go’aan laga gaaro arrinta la xiriirta shilka diyaaradda, illaa iyo inta laga soo gaba gabeenaayo baaritaanada, ay iska kaashanayan Saraakiisha Ruushka iyo Masar.
Britain iyo Mareykanka, ayaa isku raacay in soo dhicista diyaaradda laga lee yahay Ruushka, ay ka dambeysay qarax horey loo saaray diyaaradaasi, ka hor intii aanay ku soo dhicin Gacanka Sinai.
Tani, ayaa waxay hoos u dhac weyn ku keentay dalxiiskii ay dadka Reer Galbeedku ku taggayeen Magaalada Sharm El Sheikh, waana midda walaaca xoogan gelisay Xukuumadda Qaahira.


0 
















Madaxweynaha Masar iyo Ra'iisal Wasaaraha Britain oo ku kulmay Magaalada London (Daawo Sawirada)
Madaxweynaha Wadanka Masar, Abdel Fattah el-Sissi oo booqasho taariikhi ah ku joogga Magaalada London, ayaa waxay Khamiistii ku kulmeen Ra'iisal Wasaaraha Britain, David Cameron. Labada dhinac, ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha ammaanka, mi