Muwaadiniinta Britain oo la bilaabay in laga daabulo Magaalada Sharm El Sheikh (Daawo Sawirada)

0
Friday November 06, 2015 - 18:47:14 in Wararka by
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadiniinta Britain oo la bilaabay in laga daabulo Magaalada Sharm El Sheikh (Daawo Sawirada)

    Britain, ayaa waxay bilowday in muwaadiniinteeda ay ka soo daad gureyso Magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar, ka dib burburka diyaaraddii laga lahaa dalka Ruushka, ee Sabtidii ku burburtay Gacanka Sinai.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Britain, ayaa waxay bilowday in muwaadiniinteeda ay ka soo daad gureyso Magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar, ka dib burburka diyaaraddii laga lahaa dalka Ruushka, ee Sabtidii ku burburtay Gacanka Sinai. Wadamada Reer Galbeedka, ayaa waxay ka walaacsan yihiin inay suurtagal tahay in Ururka Daacish, uu ka masuul ahaa soo dhicistii diyaaradda Metrojet oo tirsigeedu uu ahaa 9268. 224 qof oo la socotay oo badankoodu u dhashay dalka Ruushka, ayaa shilkaasi ku dhimatay.

Dhawr kun oo shacabka reer Britain oo dalxiis u joogay Magaalada Sharm El Sheikh, ayaa waxaa lagu wargeliyay inay u diyaargaroobaan daad gurayn ay Dowladdu u sameyso, si ammaankoodu loo xaqiijiyo.

Danjiraha Britain u fadhiya dalka Masar, Amb. John Casson, ayaa wuxuu sheegay in qayb qayb loo qaadi doono dadweynaha reer Britain, ee ku sugan Sharm El Sheikh, inkastoo tirada guud ee hadda ku sugan aan la shaacin.

Laba diyaaradood oo nooca rakaabka ah, ayaa ka amba baxay Garoonka Sharm El Sheikh, xilli sida la sheegay ay wadeen 339 qof oo rakaab ah. Dhammaan rakaabkaasi ayaa waxaa la marsiiyay baaritaano aad u adag.

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sissi oo Khamiistii MagaaladaLondon kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Britain, ayaa Ra’iisal Wasaaraha u sheegay walaaca ay Dowladdiisu ka qabto tallaabada, ay Britain ku joojisay duulimaadyadii taggi jiray Magaalada Sharm El Sheikh.

Madaxweyne el-Sissi waxa uu si adag kaga horyimid in go’aan laga gaaro arrinta la xiriirta shilka diyaaradda, illaa iyo inta laga soo gaba gabeenaayo baaritaanada, ay iska kaashanayan Saraakiisha Ruushka iyo Masar.

Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain, Philip Hammond, ayaa wuxuu Arbacadii sheegay in soo dhicitaanka diyaaraddii Ruushka, ay u badan tahay mid ka dhalatay walxaha qarxa oo la saaray, taa oo dhalisay in la joojiyo duulimaadyadii ay diyaaradaha Britain ku taggi jireen Sharm El Sheikh.

Britain iyo Mareykanka, ayaa isku raacay in soo dhicista diyaaradda laga lee yahay Ruushka, ay ka dambeysay qarax horey loo saaray diyaaradaasi, ka hor intii aanay ku soo dhicin Gacanka Sinai.

Tani, ayaa waxay hoos u dhac weyn ku keentay dalxiiskii ay dadka Reer Galbeedku ku taggayeen Magaalada Sharm El Sheikh, waana midda walaaca xoogan gelisay Xukuumadda Qaahira.

SharmSharm-Sharm1Sharm2Sharm3Sharm4Sharm5Sharm6Sharm7Sharm8Sharm9





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip