
Ra'iisal Wasaare Sharma'arke oo booqday xeryaha qaxootiga Dhadhaab
Cumar Cali Sharma’arke ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu booqday qeybaha kala duwan ee qaxootiga ay degen yihiin iyo halka laga soo dhoofiyo dadka qaxootiga ah. Ammaanka xeryaha qaxootiga ah ayaa la adkeeyay iyadoo hore wasiirka amniga ee dowlada Kenya uu booqday xeryahaas.
Wafdiga ra’iisal wasaaraha ayaa la kulmay madaxda xeryaha qaxootiga Soomaalida ah isagoo ka dhagaysatay dhibaatooyinka ka jira xeryaha iyo baahidooda. Waxana uu ra’iisal wasaaraha u sheegay dadka uu la kulmay in dalka haatan uu yahay nabad isla markaana ay imana karaan noloshoodana dib u bilaabi karaan.
Ra’iisal wasaare Sharma’arke ayaa la kulmay qaar kamid ah dadka diyaarka u ah inay dalkooda dib ugu soo laabtaan waxaana qaxootigaas ay sheegeen inay diyaar yihiin ayna doonayaan inay dib ugu laabtaan gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo magaalada Kismaayo.
Kumanaan Soomaali ah ayaa weli ku sugan xeryaha qaxootiga ah ee ku yaal dalka Kenya iyagoo ka cararay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya.
Dowladaha Soomaaliya,Kenya iyo hay’ada u qaabilsan qaxootiga ayaa ku heshiiyay in dib loogu celiyo qaxootiga Soomaalida ah balse aan la qasbin cidii doonaysa inay iska sii joogto dalka Kenya.


0 


Ra'iisal Wasaare Sharma'arke oo booqday xeryaha qaxootiga Dhadhaab
Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdrashid Cali Sharma'arke ayaa maanta booqday xeryaha qaxootiga dalka Kenya kadib markii uu shalay gaaray magaalada Nayroobi.