
Hay'adda WFP oo lagu eedeeyay inay tacadiyo ka geysatay degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe
Hay'adda WFP ee Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada adduunka ayaa lagu eedeeyay inay siyaasadeyneyso arrimaha gargaarka ee ay ka waddo dalka, iyadoo maamulka degmada Mahadaay uu u jeediyay eedeyntii ugu weyneyd oo ku saabsan howlaha gargaar ee ay halkaasi ka waddo. Guddoomiye K/Xigeenka degmada Mahadaay oo u waramayay Saxaafadda ayaa
sheegay in xaaladaha bani’aadaminimo ee ka jira halkaasi ee loogu
gurmanayo dadkii ku waxyeeloobay ay kala fadileyso.
"Dowladda Federaalka waxaan ka codsaneynaa inay hay’adda WFP 24-gudahood dalka uga saarto, waayo waxay nagu heysaa musuqmaasuq iyo kala sooca dadka degmada” ayuu yiri Guddoomiye K/Xigeenka degmada Mahadaay Faarax Fulaan oo sheegay inay dhibaato ku tahay dadka degaanka.
Guddoomiye K/Xigeenka degmada Mahadaay ayaa waxaa kale oo uu sheegay in xaaladda degmadaasi ay haatan ka soo reyneyso, isla markaana ay la tacaalayaan fatahaada wabiga Shabeelle, wuxuuna hoosta hoosta ka xariiqay in dadka degmadaasi ay heleen gargaar aan badneyn.


0 




Hay'adda WFP oo lagu eedeeyay inay tacadiyo ka geysatay degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe
Hay'adda WFP ee Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada adduunka ayaa lagu eedeeyay inay siyaasadeyneyso arrimaha gargaarka ee ay ka waddo dalka, iyadoo maamulka degmada Mahadaay uu u jeediyay eedeyntii ugu weyneyd oo ku saabsan howlaha gargaar ee