Maleeshiyaad Al-Shabaab ah oo dhexdooda ka dagaalamay (Waa maxay sababta?)
Wararka naga soo gaaraya Degaanka Kabsuuma ee Gobolka Jubbadda hoose ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka wada tirsan Al-shabaab ay halkaa ku dagaalameen.
Dagaal mudo socday ayaa Degaanka Kabsuuma ku dhexmaray Maleesjhiyaad Al-Shabaab ah, waxaana Dagaalka uu sababay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay ku dagaalameen kala fikrad duwaanashaha maalmahaan soo kala dhexgalay ee la xiriira in Shabaabku ka sii mid ahaado Al-Qaacida iyo koox kale oo doonaysa iyana inay lagu biro kooxda Daacish.
Dhanka kale Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa horay u sheegay inay Gacan bir ah ku qabanayaan Dadka doonaya inay kala qeybiyaan Al-Shabaab.

0 