Maxkamada Gobolka Banaadir oo maanta go'aan ka gaaraysa 22 ruux oo Ajaanib ah

0
Thursday November 05, 2015 - 11:38:05 in Wararka by
  • Visits: 774
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada Gobolka Banaadir oo maanta go'aan ka gaaraysa 22 ruux oo Ajaanib ah

    Maxkamada Gobolka Banaadir, ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa lagu wadaa in la soo taago 22 ruux oo Ajaanib ah, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay dalka Somaliya ku joogaan sharcidaro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Gobolka Banaadir, ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa lagu wadaa in la soo taago 22 ruux oo Ajaanib ah, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay dalka Somaliya ku joogaan sharcidaro. Kiiskaan raggan Ajaanibta ah oo maalintii tallaadada loo fadhiistay, ayaa lagu balamay in Khamiista la isugu yimaado, sida uu codsaday Abukaataha u doodaayay raggaan Ajaanibta ah.

Saaka saacada marka ay tahay 10:00 subaxnimo Xilliga Magaalada Muqdisho ayaa loo madalsan yahay in kiiskaan la isugu yimaado oo dooda halkeeda ay ka sii socoto.

Isla maanta ayaa la filayaa in maxkamada Gobolka Banaadir ay go’aan ka gaarto 22-ruux ee Kenyanka ah ee la sheegay dalka inay si sharcidaro ah ku joogaan.

Xafiiska Xeer ilaalinta Somaliya, ayaa xubnahan Ajaanibta ah wuxuu ku soo eedeeyay inay dalka si sharcidaro ah ku joogeen, sidoo kalena aysan haysan Sharciga Shaqaalaha Ajaanibta.

"Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka waxa uu shirkadda Liber link ku eedeynayaa inay ku xad gudubtay qodobka 37 xarafkiisa (o) iyo qodobka 24 ee sharci shaqaalaha shisheeyee, sababtoo ah shirkadda waxa ay shaqaaleysiisay dad aan haysan ruqsadda shaqaalenimo, isla markaana aan dalka si sharci ah ku joogin, Maxkamadana waxaan ka codsanaynaa inay kiiskaasi ku qaado eedeysanayaashan.” Ayuu yiri Maxamed Xasan, Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha

Dad badan ayaa soo dhaweeyay in Ajaanibta dalka iska soo galaysa si sharciga waafaqsan loola xisaabtamo, iyadoo shaqooyin ay qaban karaan muwaadiniin Somaliyed loo dhiibay rag Ajaanib ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip