
Howlgal dhiig ku daatay oo ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda ay ka sameeyeen Shabeellaha hoose
Ninka ay dileen ciidamada Amisom ayaa la sheegay in uu yahay nin reer miyi ah, kaasi oo intii ciidanka Howlgalka ay ku guda jireen ay rasaas ku dhufteen.
Sidoo kale Ciidamada Amisom ayaa gacanta ku dhigay saddex ruux oo reer Miyi ah, kuwaasi oo ay ula dhaqaaqeen halkii ay markii hore ka soo baxeen.
Dhinaca kale inta howlgalkaan uu socday ayaa deegaanno ka mid ah Gobalka Shabellaha hoose, gaar ahaan deegaanada howlgallada laga sameeyay waxaa dul socday diyaarado dagaal oo joog hoose ku socday, kuwaasi oo shacabka qal-qal ku beeray.
Arrintani ayaa daba socota weerar dhawaan ka dhacay fariisimo ciidanka Amisom iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin garoonka Ballidoogle ee Gobolkaasi.
Saraakiisha ciidamada weli kama aysan hadlin howlgalkaan dhiiga ku daatay ee xalay ciidamada ay ka fuliyeen Gobolka Shabeellaha hoose.
XIGASHO:DHAC.COM


0 



Howlgal dhiig ku daatay oo ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda ay ka sameeyeen Shabeellaha hoose
Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federalka Somaliya, ayaa xalay howlgal dhiig ku daatay waxa ay ka sameeyeen Gobolka Shabeellaha hoose, gaar ahaan deegaano ku dhaw Degmada Wanlaweyn ee Gobolkaasi.