
Galmudug oo Maamul KMG u magacawday Degmada Caabudwaaq
Maamulka Galmudug, ayaa Maamul KMG ah u magacaabay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, xilli muddooyinkii dambe ay socdeen qorshaha ku aadan magacaabista Maamulkaan. Xarunta Degmada Caabudwaaq munaasabad xalay lagu qabtay ayaa lagu
shaaciyay Maamulkaan cusub ee KMG ah, waxaana ku dhawaaqay oo akhriyay
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose Jaamac Xasan Salaad.
Munaasabadii looga dhawaaqayay maamulkan cusub ee KMG ah, waxaa joogay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey, Odayaasha Degmada Caabudwaq iyo masuuliyiin kale.
Maamulkaan ayaa ka kooban 14 xubnood, waxay shaqeyn doonaan muddo 90 cisho ah ama Seddax Bil, waxaana ay ka shaqeyn doonaan sidii loo dhisi lahaa maamul aan KMG ahayn.
- Mahad Cumar Cilmi guddoomiyaha degmada Caabudwaaq
- Muxudiin Cabdi Geelle, ku xigeenka guddoomiyaha degmada
- Cabdikaafi Sheekh Cali, xoghayaha dowladaha hoose
- Cabdulle Cartan Aadan, madaxa waaxda amniga iyo siyaasadda
- Yuusuf Maxamed Axmed, Madaxa waaxda arrimaha bulshada ee degmada
- Axmed C/qaadir Aadan, Madaxa waaxda maaliyadda
- Ibraahim Faarax Cabdulle, Madaxa garsoorka maamulka
- Guurow Xaashi, talyaha Nabad sugidda
- C/kaafi Muuse Yuusuf, ku xigeenka dowladaha hoose
- Cabdi Cabdiraxmaan, ku xigeenka waaxda amniga iyo siyaasadda degmada
- Cali Maxamed Nuurre, ku xigeenka waaxda arrimaha bulshada
- Cabdirisaaq Diiriye ku xigeenka maaliyadda
- Sayid Maxamuud, ku xigeenka garsoorka
- Cabdiweli Xirsi, Taliyaha nabad sugidda ku xigeenkiisa
- Taliyaha Booliska magacaabistiisa dib ayaa loo dhigay, si looga


0 



Galmudug oo Maamul KMG u magacawday Degmada Caabudwaaq
Maamulka Galmudug, ayaa Maamul KMG ah u magacaabay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, xilli muddooyinkii dambe ay socdeen qorshaha ku aadan magacaabista Maamulkaan.