Daawo Sawirada: Ammaanka Muqdisho oo lagu aaminay dhagxaan waaweyn

0
Thursday November 05, 2015 - 11:24:45 in Wararka by
  • Visits: 1118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: Ammaanka Muqdisho oo lagu aaminay dhagxaan waaweyn

    Waxaa si cad u muuqata in ammaanka Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somaliya lagu aaminay dhagxaan waaweyn oo nooca shubka ah, taasina cadeynteeda waxa ay tahay wadooyinka Magaalada Muqdisho oo dhagxaantaasi meel waliba yaalla.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa si cad u muuqata in ammaanka Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somaliya lagu aaminay dhagxaan waaweyn oo nooca shubka ah, taasina cadeynteeda waxa ay tahay wadooyinka Magaalada Muqdisho oo dhagxaantaasi meel waliba yaalla. Marka aad martid wadooyinka Muqdisho waxaad arkeysaa Hoteel waliba oo wadada agmarta dhagxaan waaweyn ama biro waaweyn ku goostay, taasi waxa ay muujinaysa in ammaanka Hotelka dhagxaanta lagu sugaayo.

Sidoo kale waxa aad arkeysa guri uu degan yahay masuul ka tirsan Dowladda oo gabi ahaanba jartay wadadii gurigiisa hormareysay, iyadoo uusan eegeyn ahmiyada wadadaasi ay u leedahay Bulshada Magaalada ku nool.

Ciidamada ammaanka oo taag taagan wado waliba oo ku taallo Magaalada Muqdisho, ayaa hadana dhibaatadan ay ka jirtaa Magaalada oo dhagxaanta ammaanka lagu aaminay.

Tani waxa ay muujinaysaa fashilka dhanka ammaanka ah ee ka jira Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hay’adaha ammaanka oo wax badan ka qaban waayay ammaanka caasimada.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Muungaab ayaa ka hor intii aanan xilka laga qaadin sheegay inuu furaayo wadooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho ee Bulshada dhibaatada ay ku qabto.

wado xiran wado xiran1 wado xiran2 wado xiran3 wado xiran4 wado xiran5 wado xiran6 wado xiran7 wado xiran8 wado xiran9 wado xiran10 wado xiran11 wado xiran12 wado xiran13 wado xiran14 wado xiran15 wado xiran16 wado xiran17 wado xiran18 wado xiran19 wado xiran20 wado xiran21 wado xiran22 wado xiran23 wado xiran24 wado xiran25


Xigasho;- dhaco.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip