Xildhibaan Cabdi Xaashi: " qodobada ay ka cabanayeen Saxafiyiinta waa laga saaray Xeerka Saxaafada".

0
Thursday November 05, 2015 - 10:57:12 in Wararka by
  • Visits: 830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Cabdi Xaashi: " qodobada ay ka cabanayeen Saxafiyiinta waa laga saaray Xeerka Saxaafada".

    Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi aya sheegay in wax badan laga bedelay qodobo xeerka Saxaafadda ah oo Cabasho ay ka jirtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi aya sheegay in wax badan laga bedelay qodobo xeerka Saxaafadda ah oo Cabasho ay ka jirtay. Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku nuux nuuxsaday in xeerkaan Saxaafadda ee baarlamanaka ay aqrinayaan uu rumeysan yahay in uu yahay mid la soo turxaan bixiyay kaas oo u baahan in la dhaqan geliyo.

Hindise sharciyeedka Saxaafada ayaa waxaa uu ka kooban yahay illaa 42 qodob, waxaana qodobada qaar uu dhowrayaa anshaxa saxaafada, xoriyatul qowlka, waxaana sidoo kale uu xaqsiinayaa warbaahinta madaxa banaan.

" Xeerkaan in la dhaqan geliyo waxaan isleeyahay waxaa ku jirta Xuquuqda Saxaafadda” sidaas waxaa yiri Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Qodobada qaar ee Xeerkaan ayaa dhigaya in Warbaahinta ama shaqsiga Jabiya uu muteysan doono Ciqaab.

Waxa la filayaa in xeerkaan marka aqrintiisa ay soo idlaato loo qaado Cod kadibna ay soo baxdo natiijada haddii la meel mariyay iyo inkale

XIGASHO:-SHABEELLE.NET


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip