Ra'iisal Wasaaraha Canada oo xilka la wareegay (SAWIRRO)

0
Thursday November 05, 2015 - 10:28:17 in Wararka by
  • Visits: 984
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal Wasaaraha Canada oo xilka la wareegay (SAWIRRO)

    Ra'iisal Wasaaraha cusub ee dalka Canada, Justin Trudeau, ayaa waxaa Arbacadii loo dhaariyay in uu yahay Ra'iisal Wasaaraha cusub ee dalkaasi, ka dib markii laba toddobaad ka hor uu ku guuleystay tartantii doorashada madaxtinimada ee dalkaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal Wasaaraha cusub ee dalka Canada, Justin Trudeau, ayaa waxaa Arbacadii loo dhaariyay in uu yahay Ra'iisal Wasaaraha cusub ee dalkaasi, ka dib markii laba toddobaad ka hor uu ku guuleystay tartantii doorashada madaxtinimada ee dalkaasi.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxaa lagu dhaariyay dastuurka dalkaasi u yaala, isagoona ballanqaaday in uu u hogaansami doono sharuucda u degsan dalka.

Hogaamiyaha Xukuumadda Ottawa, ayaa noqonaaya Ra’iisal Waaarihii 23-aad ee wadanka Canada uu yeesho, sida ku cadba dhaarintiisii.

Ra’iisa Wasaare Justin Trudeau, ayaa waxa uu xilkan kala wareegay Ra’iisal Wasaarihii hore ee doorashada looga adkaaday ee Stephen Harper, xilli muddo 10 sano ku dhow uu xafiiska soo joogay.

Stephen Harper, ayaa 20-kii bishii hore ee October aqbalay in looga adkaaday tartankii doorashada, ee xisbigiisu uu la galay xisbiga Liberal-ka.

Trudeau, ayaa sanadkan wacdaro weyn ka dhigay doorashada dalkaasi. Trudeau oo 43 sano jir ah, ayaa waxaa dhalay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Canada, Pierre Trudedau.

Ra’iisal Wasaarahacusub, ayaa soo waday toddobaadyo ololayn ah, wuxuuna xilligaa uu ballanqaaday in is bedel weyn uu la imaan doono, haddii uu ku guuleysto doorashada.

CanadaCanada1Canada2Canada3Canada5Canada6Canada7Canada7-Canada8Canada9Canada91





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip