Nabadoon Cabdi Guure "Ciidan aan mushaar la siinin amni suggid loogama fadhiyo"

0
Thursday November 05, 2015 - 10:25:14 in Wararka by
  • Visits: 906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabadoon Cabdi Guure "Ciidan aan mushaar la siinin amni suggid loogama fadhiyo"

    Nabadoon Cabdi Guure Cali oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Somaliyeed, ayaa waxa uu ka hadlay weerarada ay Ururka Al Shabaab ka gaysanayaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabadoon Cabdi Guure Cali oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Somaliyeed, ayaa waxa uu ka hadlay weerarada ay Ururka Al Shabaab ka gaysanayaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Nabadoon Cabdi Guure Cali, ayaa diiday in askari aan mushaar la siin uu wax ka qaban karo xaaladda amni ee Magaalada Muqdisho, isagoona Dowladdu ku dhaliilay inay kaalinteedii maqan tahay.

"Ciidan aan mushaar la siinin amni suggid loogama fadhiyo. Waxad maqleysaa inaysan ciidanka muddo billo ah mushaarka qaadan, Dowladdii ay ka tirsanaayeen haddii ay waajibkeeda ka soo bixi weyday, yaan ciidanka la dhaliilin.” Ayuu yiri Nabadoon Cabdi Guure Cali.

Wuxuu sheegay in askartu ay amnigu xaqiijin karto marka ay Dowladda ka haystaan daryeelkii ay u baahnaayeen, inta daryeelkoodu uu maqan yahay aan looga fadhin inay wax ka qabtaan amniga.

"Ciidanku waxay amnigu wax ka qaban karaan, markii ay haystaan daryeel wanaagsan, oo ay ka mid tahay gunadii ay u baahnaayeen iyo marka ay Dowladdu waajib iska saarto bixinta xuquuqdoodii.” Ayuu yiri Nabadoon Cabdi Guure oo laga maqlaayay Warbaahinta gudaha.

Nabadoonka, ayaa yiri "Waan ku kalsoonahay in Ciidamadeenu ay ka wanaagsan yihiin Ciidanka shisheeye ee dalka ku sugan. Bishii 100 dollar ayaa loo waayay Ciidamadii Qaranka, halka askariga Amisom uu bishii mushaar ahaan u qaato 1,200 dollar.”

Madaxtooyada Somaliya, ayaa waxaa lagu dhaliilaa inaanay juhdi badan ku bixin, sidii ay joogto kaga dhigi laheyd bixinta mushaaraadka Ciidamada Qalabka Sida.

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip