Mareynkanka oo muwaadiniintiisa Burundi uga digay iney la kulmaan weeraro kaga yimaada Al-shabaab+

0
Thursday November 05, 2015 - 09:53:05 in Wararka by
  • Visits: 848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareynkanka oo muwaadiniintiisa Burundi uga digay iney la kulmaan weeraro kaga yimaada Al-shabaab+

    Wasaarada arimaha dibada dalka Mareynkanka ayaa sii wada digniinteeda ku aadan in muwaadiniinteeda aysan u safran goobahah fog fog ee Bariga Africa ama ay ka fogaan safarada aan muhiimka ahayn,iyadoo sabab uga dhigtay iney Bartilmaameed u noqon karan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada arimaha dibada dalka Mareynkanka ayaa sii wada digniinteeda ku aadan in muwaadiniinteeda aysan u safran goobahah fog fog ee Bariga Africa ama ay ka fogaan safarada aan muhiimka ahayn,iyadoo sabab uga dhigtay iney Bartilmaameed u noqon karan ururka Al-shabaab.

Xukuumada Washitong ayaa muwaadiniinteeda Burundi uga digtay iney ka fogaadaan safarada qatarta ah ee dalka Burundi kana codsatay ineysan ubixin safar aan muhiim ahayn.

Arintaan ayaa ka danbeysay markii Safaarada Mareynkanka ay ka war heshay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay qorsheynayaan weeraro ay ku qaadeen dalkaasi gaar ahaan Caasimada Bujunbura iyo danaha Mareynkanka ee Wadankaasi.

Sidoo kale,dalka Burundi ayaa waxaa ka jira rabshado siyaasadeed oo sal ku haya doorashooyinka dalkaasi,waxaana jira damac hore ay ku fashilmeen qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada oo ahaa iney Afganbi ku sameeyaan Dowlada dalkaasi.



Safaarada Mareynkanka dalka Burundi ayaa ku tilmaantay safarka ka baxsan caasimada Bujunbura inuu Halis badan yahay lagana yaabo in Muwaadiniinta la kulmaan Qataro dhanka amaanka ah oo kaga yimaado kooxo wada gaadiid yar yar,kuwaasi oo dhibaateeya.

Wasaarada arimaha dibada dalka Mareynkanka ayaa dhowr jeer oo hore u soo saartay digniino ku aadan in muwaadiniinteeda Bariga Africa sameeyaan dhaq dhaqaaq iyo safar aan la ogeyn oo lagu aado meelo fog fog,waxayna ka cabsanayaan in weeraro kala kulmaan dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-shabaab oo weeraro ka geystay dalalka deriska la ah Soomaaliya sida Kenya iyo Uganda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip