Guddoomiyaha Baarlamanka Dalka Oo Furay Shir Looga Tashanayo Sameynta Guddig Madaxa Banaan Ee Xuquuqda Aadanaha

0
Monday November 02, 2015 - 18:20:06 in Wararka by
  • Visits: 776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Baarlamanka Dalka Oo Furay Shir Looga Tashanayo Sameynta Guddig Madaxa Banaan Ee Xuquuqda Aadanaha

    Guddoomiyaha Baarlamanka Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta furay Shir looga tashanayo sameynta Guddiga madaxa banaan ee xuquuqda aadanaha oo muhiim ah, iyadoo ay ka qeyb galeen mas'uuliyiin kale duwan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Baarlamanka Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta furay Shir looga tashanayo sameynta Guddiga madaxa banaan ee xuquuqda aadanaha oo muhiim ah, iyadoo ay ka qeyb galeen mas'uuliyiin kale duwan.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar, xubno ka socday maamul gobaleedyada dalka ka jira iyo maamullada Sh/dhexe , Hiiraan, xubno ka socday xafiiska UNSOM iyo guddiga Xuquuqul Insaanka baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Bishaar Ugaas Ibraahim oo ah xubin ka tirsan Guddiga Xuquuqul Insaanka Baarlamaanka ayaa ka hadlay muhiimada sharcigani uu leeyahay.

wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa ka mahadcelisay dadkii kala soo shaqeeyay sharcigaan inuu soo gaaro marxaladda hadda uu marayo, iyadoo tilmaantay in sharcigaan dhameystirkiisa muhiim u yahay maamul gobaleedyada si loo helo aragti rasmi ah oo ay ka wada siman yihiin dowladda Federaalka iyo maamul gobaleedyada oo lagu dhisayo guddigan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka hadalka sharcigani faa’idada uu leeyahay iyo waxa ay tahay xuquuqda Aadanaha.

Jawaari ayaa sheegay in Dastuurka KMG ee dalka u yaalla uu yahay midka sida rasmiga ah xuquuq u siinaya muwaadiniinta, hadii ay noqoto xagga siyaasadda iyo tan bulshada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip